Nusdanbeedka Muuse Biixi Ee Cagaha Haya Horumarinta Xukumada Siilaanyo
Gebo Gebo News

March 2nd, 2017
Nusdanbeedka Muuse Biixi Ee Cagaha Haya Horumarinta Xukumada Siilaanyo

Waxaa beryahanba soo badanayay kala duwanaanshiyaha aragtida horumarka ee xukumada somaliland qadaysay iyo xisbigeda kulmiye

IMG_8665

Xukumada kulmiye ayaa waxay beryahanba ku hawlanayd sidii ay horumarka dalka ugu heli lahayd maalgelin shisheeye tan iyo sanadii2014 kii waxay cilaaqadyo iyo heeshiisyo kala duwan la galaysay dawlada Imarad ka iyo kuwait siyay maalgelin caalamiya ugu hesho horumarka dalka sida dekeda berbera iyo airportka milatari ee berbera.

Hadaba talaabooyinkaa waxaa aad ugu kala aragti duwanaday asxabta mucaradaka qaar ka mida iyo waliba xisbiga kulmiye oo aad moodo inaanay la dhacsanayn talaaboyinka xukumadu qadayso siiba waxaad modaa in xisbiga kulmiye kooxda ugu tunka wayn ee musharax muuse biixi ay aad u dhaliilsanyihiin heshiiskii ay saldhiga

milatari ee parlamanka somaliland codka aqlabiyada ku meel mariyeen.
Waxaa jira koox awood badan oo qalin lay aha oo kartirsan musdanbeedka xisbiga kulmiye inay dhinaca social media ka wadaan kacdoon ka soo horjeeda base garaynta heshiiiska saldhiga milatari iyo kii shirkada DP world ba kooxdan ayaa ah koox badankoodu ka so guuray qurbaha siyay u noqdaan kaatirinta xisbiga kulmiye ee jaan gooya siyaasada gudoomiye muse biixi.

Kooxdaas ayaa waxa ay weerarakoda ku adeegsadaan ay xukumada kaga so horjedaan heshiisyada calamiga xaga qalinka iyo suugaanta iyo waliba clip yo ay ku baahiyana barahoda social media .

Wakhtiyadan danbe waxaad dareemaysaa kala jab ka bilowday xisbiga kulmiye oo bahwadaag lagu yaqaanay oo ay kooxdaasi sababsadeen waxaad modaa cududii siyaasadeed iyo taagero ee xisbiga kulmiye lahaa in uu manta ukala safan yahay laba garab oo kala raacsan kulmiya muuse biixi musharax u yahay iyo kulmiyaha xukuumada taabacsan ee ahaa kulmiyihii 2010 kii madaxwayne siilaanyo taabacsana oo iminkana la aragti ah xukumada.

Hadaba waxaad modaa inuu dhaboobay halhayskii ahaa kulmiye isagaa mucarad isugu filan waxaa kaloo aad loo dhaliilayaa ka gaabsananta uu ka amusan yahay waxan dhacaaya gudoomiya ahna musharxa xisbiga kulmiye muuse biixi tafaraaruqan ka jira xisbigisa iyo xukumada.

Waxaa la ogyahay in ay gabogabo tahay xili dhamaadkii xukumada siilaanyo hadaba maxaa uu noqon doona ama wakhti intee leeg ayay qadandoontaa in uu musharaxx muuse biixi u helo xal aragtidan cakiran ee soo kala dhex gashay taageerayaashi xisbiga iyo xukumada?

Waa sual jawaabtedu ay dultaal gudoomiye muuse biixi inuu soo celiyo gaashaanbuurtii iyo cududiii uu lahaa xisbiga kulmiye yadoo lagu jiro xili kala guura.

Dhamaad Khadar Shaam Saleban Birreere

birrekhadar@gmail.com

 

286 Views




Features

  • Xisbiyadda WADDANI Iyo UCID Oo Booqday In Ka Badan 600 Oo Qoys Oo Sheegay In Qoyska Madaxweyne Biixi Ka Qaadayaan Dhulkii Ay Daganaayeen
  • Laba Sarkaal Oo Ka Tirsan Ciidamada Dabdamiska Somaliland Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Hargeysa.
  • Waa Kuma Taliye Ku xigeenka Cusub Ee Ciidanka Booliska SomaliLand Muxuuse Kayidhi Xilka Madaxweynuhu Umagacaabay.
  • Ruushka Iyo Turkiga Oo Gaadhay Heshiis Ka Dhan Ah Kurdiyiinta Suuriya.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES