Xil Ka Qaadista Wasiir Zamzam Oo Miiska Saaran+ Maciin Bidista Muuse Bixii Oo Ay Ku Tuhmayso Inuu Badbaadin Karo Iyo Xukuumada Oo Aan Dheg Jalaq u Siin
Gebo Gebo News

March 15th, 2017
Xil Ka Qaadista Wasiir Zamzam Oo Miiska Saaran+ Maciin Bidista Muuse Bixii Oo Ay  Ku Tuhmayso Inuu Badbaadin Karo Iyo Xukuumada Oo Aan Dheg Jalaq u Siin

Hargaysa:(Gebogebonews) Zamzam Cabdi Aadan Wasiirada Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Ay Aad Isagu Dhawaayeen Marwada Madaxwaynaha Ayaa La Filayaa In Ay Ka Mid Noqoto Dadka Ka Bixi Doona Giraanta Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Oo Ay Mudo Lix Sano Iyo Badh Ay kamid Ahayd.

Isku Shaandhaynta La Filayo Inuu Sameeyo Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaayo Ayaa Saadaashu Waxa Ay Sheegaysaa Inay Ka Mid Tahay Liiska Wasiirada Ugu Horeeya Ee Ay Diiradu Saarantahay.

Wasiir Zamzam Cabdi Aadan Oo Dareensan Inay Ka Mid Tahay Dadka La Dhaafinayo Xayn Daabka Ayaa Orod Guclayn Ah Ugu Tagtay Marwada Madaxwaynaha Oo Marar Hore Badbaadisay Balse Marwadu Way Ka Gaabsatay Arinkaasi Sababo Jira Awgeed.

 

Wasiirada Ayaa Markii Ay Ka Quusatay Marwadii Ay Ku Tiirsanayd Waxay Door Biday Inay Ugacan Haadiso Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyadoo U Maraysa Sifaha Ah Inay Ka Mid Tahay Dadka Dhisaya Isla Markaana Ku Bixinaya Kharashka Ugu badan Ee Ay Bixiyaan Wasiiradu,Arinkaasi Oo Sababay Inuu Muuse Biixi Madaxwaynaha Iyo raga Xukumada Ugu Jiraba Uu ka Codsado In Marwo Zamzam Loo Daayo Xilka Ay Hayso Balse Wasiirada Iyo madaxwaynuhuba Waxay Muuse Biixi u Sheegeen In la Bilaabayo Wasiiradii kaanbaynka Loona Baahanyahay Dad Aqoon Uleh Zamzam-na Ay Mudo badan ka Mid Ahayd Wasiirada Ugu Tunka Wayn balse Uu Imika Wakhtigeedii Dhamaaday.

 

Muuse Biixi Oo Arintaasi ka Cadhaysan Ayaa Dalka Dibadiisa U Dhoofay Halka Ay Zamzam-na Maroor Dilaac La Joogto Gurigeeda Waxaana La Sheegayaa Inaanay Mudo 7aad Ku Dhaw Usoo Shaqo Tagin Xafiiskeedii .

353 Views




Features

  • Wasiirkii hore Ee Hawlaha Guud Cali Mareexaan Oo Soo Jeediyay In Miiska Uu Ku Shaqeeyo Madaxweyne Biixi Loogu Magac Daro Fannaan Caan Ah.
  • Wasiirka Wasarada Biyaha Saleeban Cali Koore Oo Isku Shandhayn ku Samayeey Agaasime Waaxeedyada Wasaaradaasi.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
More FEATURES