Abaarta Ka Jirta Tuulada Qudhac-Safar Ee Gobalka Togdheer Oo Sii Xumaanaysa Iyo Xog Waranka Dadka Soo Guurtada Ah Ee Ay Abaartu Xoolahoodii Ka Dhamaysay.
Gebo Gebo News

April 28th, 2017
Abaarta Ka Jirta Tuulada Qudhac-Safar Ee Gobalka Togdheer Oo Sii Xumaanaysa Iyo Xog Waranka Dadka Soo Guurtada Ah  Ee Ay Abaartu  Xoolahoodii Ka Dhamaysay.

Gudoomiye Ku Xigeenka Tuulada Qudhac-Safar Ee Ka  Tirsan  Degmada Warcibraan Ee Gobalka Togdheer   Cali Ibraahim Shiikh Axmed Ayaa Ka Waramay Halka Marayso Xaalada Abaared Ee Deegaankaasi Gudoomiyaha Oo Uwaramaayey Weriyaal Booqday Tuuladaasi Ayaa Waxa Uu Yidhi

 

“Tuuladan Waxay Ka Mid Tahay Tuuloyinkay Ay Aadka Abaartu Usaameeyey May Jirin  Dayrtaa Maanta Ah  Barkad Qudhaa Oo Biyo Galeen  Waxoogaa Culaysa Oo Soo Guurto Ahina Waa Na Saaran Yahay  Oo Ka Soo Guuray Badidoodu Laamiga ,Markaa Dee Abaaraha Dalka Kajira Uunbaanu La Qabnaa  Waxa Kale Oo Jirta Xaga Caafimaadka Markaan Ka Hadlo  Xanuuno Yar Yari Way Jiraan  Laakin Sida Laga Soo Sheegoo Golada Dalka Xanuunada  Ka Jira Waa ka ladanahay ,Waxaanu Codsanaynaa In Caawimo Dadka Lala Soo Gaadho Xataa Hadii Hada Roobku Da,o Dee Dadka Xoolihi  Way Ka Dhamaaden Oo Baahidu Way Jirtaa  Markaa Cidii Na Caawinjirtay  Waxaanu Ka Rajaynaynaa Inay Nala Soogaadhan Caawimo,Waxaanu Umahad Naqaynaa Gudida Abaaraha Gobalka Togdheer Oo Hada Na Soo Gaadhsiiyey Lixdan Qoys  Raashinkood Iyagana ”.

 

 

 

Qaar Kamidaa Iyaguna Dadka Soo Guurtada Ah Ee  Tuulada Qudhac Safar Usoo Hayaamey Ayaa Igana Ka Warbixiyey Xaaladooda Nololeed Waxayna Xukumada Somaliland,Deeq Bixiyaasha Iyo Gudida Gurmada Abaaraha Somaliland Ka Codsadeen Inay Usoo Gurmadaan.

 

 

“Adhigaygu Wuxuu Ahaa Tiro Iyo Afartan  Maanta Waxaa Ka Jooga Sodon ,Geelu Wuxuu Ahaa Sadex Iyo labaatan Imika Waxaa Ka Hadhay Sideed Ilaahay Ayaa Keenay  Hada Waxaanu Xoolahayagii Kala Soo Baxno Oo Aanu Hungurayno Maleh , Waxaan Ka Codsanaayaa Umuda Islaamkaa Inay Cawiyaan Dadka  Walaalahooda Ee Tabaalaysan

Adhigu Labo Tiro Ayuu Ahaa  Maanta Waxaan Ka Hayaa shan Iyo Toban Neef ,Geeluna Wuxuu Ahaa Sodon Isagana Toban Baan Ka Hayaa   Waa Ilahay Mahadii , Dadka Deegaankani Way Nacaawiyaan Biyahana Waxaanu Ka Helnaa Gudida Abaaraha Gobalka Togdheer ,  Dawlada Somaliland Dadkan Iyagay Xilka Saaran Yahee Waa Inay Caawisaa ,Bulshadana Waxaanu Ka Codsanaynaa Inay Nacaawiyaan “ Ayey Yidhaahdeen Xuseen  Cabdi  X Saleebaan  Iyo  Axmed Cabdi Maxamed Oo Kamida Dadka Soo Guurtada Ah Ee Ku Sugan  Tuulada Qudhac Safar Ee Gobalka Togdheer.

 

 

 

Gebogebonews.com

 

Hargaysa Office 

 

gebogebonews@gmail.com

 

 

 

 

 

163 Views




Features

  • Xildhibaan Baydhabo Lagu Dilay iyo Rabshadaha Ka Socda Baydhabo Oo Sii Xoogeystay. 
  • Wafti Uu Hoggaaminayo Suldaanka Guud Ee Beelaha Warsan-geli Oo Lagu Soo Dhaweeyay Garoowe, Madaxweyne Cabdiwali Gaas Oo  Uu Kulan La Yeeshay.
  • Xisbiga WADDANI Oo Markale Ku Baaqay In Si Dhakhso Ah Loo Kala Diro Xubnaha Guddida Koomiishanka Doorashooyinka.
  • Daawo:Gudida Qandaraasyada qaranka Oo Shaaciyey Tartan Loo Gelaayo 5 Mashruuc Oo Laga Hirgelinaayo Gobolada Dalka.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
More FEATURES