Wasiirka Hawlaha Guud Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Cidda Masuulka ka ah Iibka Hantida Dawladda Iyo Waxa Lagu Qabto Qarashaadka Ka Soo Xerooda Dhulka Danta Guuda Ee La Iibiyo.
Gebo Gebo News

May 1st, 2017
Wasiirka Hawlaha Guud Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Cidda Masuulka ka ah Iibka Hantida Dawladda Iyo Waxa Lagu Qabto Qarashaadka Ka Soo Xerooda  Dhulka Danta Guuda Ee La Iibiyo.

Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Cali-marreexaan), ayaa iftiimiyey cidda leh masuuliyadda iibka hantida dawladda.

Wasiir Cali-marreexaan iyo Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland oo kulan la yeeshay Guddiga Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada, waxa uu faahfaahin ka bixiyey sifaha loo iibiyo guryaha iyo dhulka dawladdu leedahay iyo halka uu maro dhaqaalaha ka soo baxaa. Wasiirka Oo ay Qaar Ka midaa suxufiyiintu Ay waydiiyeen inay wasaaraddiisu ay iibisay hantidii ugu badnayd ee dawladdu lahayd, waxa uu ku jawaabay,

 

“Dhulkii ugu badnaa baa la iibiyey ha odhan ileyn xog tiro ah ma hayside, su’aasha inaad ii waydiiso ayey ahayd miyaa dhulkii ugu badnaa la iibiyey inaad tidhaa bay ahayd? Hantida la iibiyo ee dawladda dastuurka ayaa fasaxaya oo dawladdu way iibin kartaa, waanay kirayn kartaa si sharciga waafaqsan, taas oo macnaheedu yahay inay dhammaan nidaamka maaliyadeed iyo shuruucda dalka waafaqsan tahay, waa inay xisaabaadka martaa, waa inay Hantidhawraha guud soo martaa, waa inay khasnadda dawladda gashaa, markaa intaaba way soo martaa, iibkana waxa iibiya guddi qaran oo ka kooban wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda, Hawlaha Guud, Hantidhawraha Guud, Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka, waxaanay dhammaan ku dhacdaa khasnadda dawladda dakhli iyo kharash.”

 

Wasiir Cali Mareexan Oo Hadalkiisa Sii Wataa Waxa Kale Oo Sharaxay Waxa Lagu Qabto Qarashaadka Ka Soo Xerooda Guryaha iyo dhulka dawladdu leedahay  Ee La Iibiyo.

 

“Markaa su’aasha taal waxa weeye maxaa lagu qabtaa? Waxa lagu qabanayaa bal soo qaad Miisaaniyadda Qaranka oo waxaad isu eegtaa dakhliga iyo kharashka waxa ku jira madax-miisaaniyeed la yidhaa iibka Hantida Dawladda oo dakhli ah, waxa ku jira madax-miisaaniyadeed la yidhaa dhismayaasha dawladda oo insa kharash ah, labadaas isku eeg, labanlaab in ka badan ayuu badan yahay kharashka dhismayaasha dawladdu, maxaa guryaha dawladda lagu dhisay? Maxaa wasaaradaha cusub ee aad aragtaan lagu dhisay? Waxaas oo dhan waxa lagu dhisaa dakhli soo galay oo ay ka mid tahay iibka hantida qaranku, sifo sharci ahna way ku baxdaa.”

 

 

Hadalkan Ka Soo Yeedhay Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexan ) Ayaa Waxaa Uu Meesha Ka Saarayaa Madmadaw Bulshada Reer Somaliland Kaga Jiray Qaabka loo iibiyo guryaha iyo dhulka dawladdu leedahay iyo halka uu maro dhaqaalaha ka soo baxaa.

 

 

 

Gebogebonews.com

 

Hargaysa office

 

gebogebonews@gmail.com

 

 

 

 

75 Views

Features

  • Daawo: Murashax Xil: Khalid Xasan Oo Naqdiyay Warbixintii Gudida Dabagalka Hantida Qaranka Wakiilada Iyo Lacago Uu Musuqay Xil:Nasir Cali Shire Oo Uu Soo Bandhigay.
  • Maxaa ka jira in kala diraayo ciidanka Liyuu boolis ee ka jira degaanka Soomaalida Itoobiya?
  • Ex Madaxweyne Silaanyo Oo Codsi Ay Shirkada DP World Usoo Dhiibtay Ula Tagay Madaxweyne BIIXI Iyo Jawaabta Uu Ka Helay.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
  • Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
  • Daawo:Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Heerkay Taagan Tahay Nabadgelyada Somaliland Hanjabaadna Udiray Putland.
  • “Dadka Arintaa Wadaa Waa Dad Darojooyina Haysta Kuna Nabadgala ” Xukumada Oo Soo  Saartay Amaro Ay Xal Ugu Raadinayso Xiisada Dagaal Ee Ka Taagan Ceelafweyn.
  • Dagaalkii Ceel-afweyn Oo Waji Cusub Yeeshay + Cabsi Laga Qabo In Uu Mar Kale Dib U Qarxo Iyo Xukuumadda Oo Afka Ka Xidhatay.
  • ” Waxaanu Cadaynaynaa In Habar Yoonis Oo Dhami Dagaalka Ceelafweyn Udhantahay Oo Qaar Ku Dhaawacmeen ” Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale Oo Ujawaabay Boqor Faysal.
More FEATURES