Xisbiga KULMIYE Oo Ka Gaabsaday Inuu Faah-faahin Ka Bixiyo Kulan La Sheegay Inuu Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Madaxwayne Farmaajo.
Gebo Gebo News

May 5th, 2017
Xisbiga KULMIYE Oo Ka Gaabsaday Inuu Faah-faahin Ka Bixiyo Kulan La Sheegay Inuu Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Madaxwayne Farmaajo.

Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE ayaa ka hadlay kulan qarsoodiga ah oo la sheegay in uu magaalada Addis Ababa ku dhex-maray guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha dalka Soomaaliya Md. Maxamed Cabdillahi Farmaajo.

 

Guddoomiyaha gollaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel) oo ay warbaahinta wax ka weydiisay wararka sheegaya in uu Magaalada Addis-ababa ee caasimada dalka Itoobiya kulan gaar ahi ku dhex-maray Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo ayaa ku gaabsaday inay wararkaasi yihiin warar suuqa la soo galiyay waxaanu yidhi “wararka suuqa annagu kama hadalno ee suuqa ka waraysta taa oo dadka suuqa weydii” ayuu yidhi Guddoomiyaha gollaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel)

 

Guddoomiye Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel) ayaa sheegay in Murrashaxa xisbiga KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi uu safar gaar ah ku joogo dalka Magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaanu yidhi “(safarka Muuse Biixi) waa mid gaar ah oo khaas u ah isagga”
Guddoomiyaha gollaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel) oo mar kale ay warbaahintu weydiisay in uu caddeeyo ujeedada rasmiga ah ee safar Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE ku joogo Magaalada Addis Ababa ee dalka ayaa ku gaabsaday in yahay safar gaar waxaanu yidhi “dee taasi kuma khusayso adiga waa gaar ayaan ku idhi” ayuu ku gaabsaday Md. Jaamac Shabeel

 

Qaar ka mid shabakadaha warar ee Soomaalida iyo baraha ay bulshadu ku kulanto ayaa lagu faafiyay in uu Magaalada Addis-ababa kulan aan xog badan laga haynin ku dhex-maray guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha dalka aynu jaar nahay ee Soomaaliya Maxamed Cabdillhi Farmaajo.

 

 

Gebogebonews.com

Hargaysa Office

 

gebogebonews@gmail.com

146 Views

Features

  • Daawo:Prof Yuusuf Goodir Oo Soo Bandhigay Musuq-maasuq Iyo Maamul Xumo Ka Jirta Jaamacada Burco.
  • Daawo:Xisbiga Waddani OoSharci Daro Ku Tilmaamay Amar Ay Wasaraada Waxbarashadu Ku Soo Rogtay jaamacadaha Dalka.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
More FEATURES