Lionel Messi Oo Ku Guuleysta Abaalmarinta Pichichi Trophy Ee La Siiyo Gooldhaliyha Ugu Sareeya La Liga Soona Barbareeyay Rikoorka CR7.
Gebo Gebo News

May 22nd, 2017
Lionel Messi Oo Ku Guuleysta Abaalmarinta Pichichi Trophy Ee La Siiyo Gooldhaliyha Ugu Sareeya La Liga Soona Barbareeyay Rikoorka CR7.

Lionel Messi ayaa hantay abaalmarinta Pichichi Trophy ee la gudoonsiiyo xidiga dhaliya goolasha ugu badan hal xilli ciyaareed horyaalka La Liga isagoo ku garaacay xidig walba oo kale.

Kabtanka Argentina 37-gool ayuu shabaqa ku shubay taasoo ka dhigan inuu 8-gool ka sareeyo Luis Suarez oo kusoo xigay ahaana xidigii hantay abaalmarintaan xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, sidoo kalana Cristiano Ronaldo ayaa soo tiigsaday boosk 3-aad kaas oo dhaliyay 25-gool.

Waa markii afaraad oo uu ku guuleysto kabta dahabka gooldhalinta La Liga, isagoo horay usoo hantay  2009/2010, 2011/2012 iyo 2012/2013 .

Sidoo kale Lionel Messi wuxuu qarka u saaran yahay inuu ku guuleysto abaalmarinta Golden Shoe ee la siiyo xidiga ugu badan ee goolal dhaliyay horyaalada yurub iyadoo la xisaabinayo dhanka dhibcaha – waxaana usoo dhawaaday Bas Dost oo 34-gool dhaliyay iyo Pierre-Emerick Aubameyang oo 31-gool dhaliyay.

 

Si kastaba Lionel Messi wuxuu barbareeyay rikoor uu Ronaldo horay u dhigay kaas oo ahaa inuu afar jeer ku guuleystay afar jeer gooldhalinta horyaalada yurub – 3-jeer Madrid ayuu ku qaaday halka hal jeer uu ku qaaday Manchester United.

87 Views

Features

  • Wasiirada Maaliyada Iyo Arimaha Gudaha Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Khilaaf Cakirani Ka Dhex Qarxay +  Maxaa La Isku Qabtey.
  • Daawo:Ururka Shaydo Oo Abaalmarino Gudoonsiiyey Maamulka Iyo Ardayda Dugsiga Hoose Dhexe Ee Deeganka Shan-shacade.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
  • Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
  • Daawo:Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Heerkay Taagan Tahay Nabadgelyada Somaliland Hanjabaadna Udiray Putland.
More FEATURES