Akhiriso Warbixin Iftiiminaysa Waxqabadyada Dahabigaa Ee Bulshadu Mahadisay Ee Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan Ka Hirgeliyey Dalka.
Gebo Gebo News

June 16th, 2017
Akhiriso Warbixin Iftiiminaysa Waxqabadyada Dahabigaa Ee Bulshadu Mahadisay Ee Wasiirka Hawlaha Guud  Cali Mareexan Ka Hirgeliyey Dalka.

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud ,Gaadiidka Iyo guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed ( Cali Mareexan ) ayaa waxqabad mug iyo miisaan leh ku talaabsadday mudadii uu xilka wasaaraddan hayey Kaasoo dhisay Wadooyin badan, sidoo kalena dayactir ku sameeyey wadooyin burbursanaa oo xilliyo badan sababay shilal gaadiid, isla markaana dhib ay kala kulmi jireen gadiidka iyo dadka Saaraniba.

 

Haddaba Iyadoo Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo guud ahaanba tahay Xukuumaddii waxqabadka ayaa haddana waxa uu Wasaaradda hawlaha guud usoo magacaabay shaqsigii isna ku suntanaa waxqabadka iyo daacadnimada kaasoo ah Wasiir Cali Mareexan Oo bulshadda Somaliland u taqaano sama-fale ma daale ah, waxanu wasiir Cali Xasan Maxamed dhaqaajiyey mashruucii ugu balaadhnaa ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhiiratay Ee Wadada Ceerigaabo, oo markii hore shaqsiyaad xilal hayey Oo Weliba dhaqaale Badan Gacanta loo geliyey haddana ay Dhaafin Waayeen 24 Km.

 

Wasiir Cali Mareexan oo isaggu daacadka ah dhamaystirka wadada Ceerigaabo, ayuu muddo gaaban dhexda u xidhay dhaqaajinta wadada Ceerigaabo, kaasoo ka qaadday halkii uu ugu yimi ee ahayd 24 Km oo laamiya iyo 60 km in ku dhow oo cara-tuul ah, waxanu Wasiir Cali Mareexan gaadhsiiyey hadda Wadada Ceerigaabo 130 Km oo laamiya iyo sidoo kale 160 Km, oo Caro-kaawada la dhigay, isla markaana aan kaba dhicin laami. Waxanu Wasiir Cali Mareexan oo fulinaya waajibadka shaqo ee u Madaxweynaha uga wakiil yahay balanqaadkii Xukuumada ee Wadada Ceerigaabo, uu hadda wasiirkani gaadhsiyey heer imika gabo-gabo ay ku dhow dahay.

 

 

Geesta kale Wadada Ceerigaabo waa mashruuc aad u balaadhan oo u baahan taakulo dhaqaale oo badan, isla markaana ay iskaba yar tahay haynta dawladeena Somaliland oo iyaddu aan waxba ka hagranayn, balse intii itaalkeeda ah soona dhistay haddana wadda, ayaa waxa Bulshadda Somaliland looga baahan yahay inay gacan ka gaystaan dhamaystirka wadada Ceerigaabo oo ah laf-dhabar lexaadkeeda leh, oo isku xidhaysaa Gobollada dalka ee markii hore kala qoqobnaa.

 

Dhinaca kale Waxqabadka mugga leh ee Wasiir Cali Mareexan iyo wasaaradiisu iyo weliba hay’adda Wadooyinka dalka ka waddan, ayaa waxuu kamid ah, Wadooyin goo-go’ay, isla markaan ah kuwo halbowleAh Oo Uu Wasiir Cali Mareexan mudadii uu joogay wasaaradda hawlaha guud  uu ku sameeyey dayactir baaxad leh, sidoo kale, waxa uu iyagga geestooda dayactir ku sameeyey Wasiirku Buun-dooyin iyo weliba Biriishyo Burburay,Waxana kamid ah wadooyinka la haggaajiyey Wadada Burco ilaa Laascaanood oo lagu sameeyay Geedo goyn maadaama oo wadada dhiri soo gashay, dhirtaas oo sababtay shilal gaadiidkii isku qariyeen , waxa kaloo, kamid ah, Wadada WAJAALE ilaa KALABAYDH oo daadadku saameeyen, isla markaana aan lahayn biyo tuurayaal ku filan oo dhaawac culusna kaso gaadhay waxa iyana laga hirgaliyay biyo tuurayaal cusub iyado dibna loo dhisay lana dhameeyay.

 

waxa jira Iyaguna Biriishyo iyo buundooyin badan oo wasiir Cali Mareexan sameeyey ama dib u dayactir uu ku sameeyey mudadii uu xilka hayey. Kuwaaso Ay Ka Mid Yihiin Biriishka burco oo aad ogaydeen qaabki biyuhu u galeen kal hore, kasoo lagu sameeyay dayactir kii ugu adkaa ee lo sameeyo mudadii uu jiray oo ka badnayd 40 ka sanno.

 

Meelaha kale ee la dayactiray, waxa kamid ah sedexda biriish ee ugu balaadhan inta u dhaxaysa magaalooyinka BURCO Iyo BERBERA sida Dubur, Kala-sharka iyo Buundada Hudisa oo mudo aan dayactir lagu samayn lana mari jirin. Halkaas Oo gaadiidka raran ee waawayn cadibaad iyo dhibaato ay kala kulmi jireen, Waxa sido kale ka mida Biriishyada jiifa “Irish Biriish” u dhaxeeya BERBERA Ilaa HARGEISA.

 

Kumo Koobna Waxqabad Yada Uu Dalka Ka Hirgeliyey Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Cali Mareexaan Intasi Oo Kaleya Ee Waxaa Ka Badan Kuwaa Uu  Qalbiyada Bulshada Reer Somaliland Ku Kasbatay Ee Uu Kaga Soo Dhex Muuqday Xildhibaanadii Golaha Wakiilada Ee Uu Hore Uga Tirnaa Isagoona Degmooyinka Gobalka Togdheer  Qaar Kamida Oo Ugu Deeqay Gaawaadhi Loogu Adeegaayo Baahiyaha Degmooyinka Waxaana Xusid Mudan Inuu Iyagana Ka Dhidhay Degmooyinkaasi Dhismayaal Bolis Iyo Goobo Caafimaad.

 

Sidoo Kale Wasiir Cali Mareexan Oo Ku Suntan Wax ka qabashada Hawlaha Danta Guud Waxa Uu Door Muhiima Ka Qaatay Gurmadkii Loo Sameeyey Dadka Reer Burco Ee  Uu Soo Ritay Xanuunka Shuban Biyoodka  Waxaanu Soo Gaadhsiiyey Diyaarad Daawo Ah Oo Lagu Xakamaynoo Xanuunka Shuban Biyoodka.

 

 

La soco qaybaha dambe.

 

Cabdifatax Cali Faarax.

 

Gebogebonews.com

gebogebonews@gmail.com

111 Views

Features

  • Wasiirada Maaliyada Iyo Arimaha Gudaha Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Khilaaf Cakirani Ka Dhex Qarxay +  Maxaa La Isku Qabtey.
  • Daawo:Ururka Shaydo Oo Abaalmarino Gudoonsiiyey Maamulka Iyo Ardayda Dugsiga Hoose Dhexe Ee Deeganka Shan-shacade.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
  • Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
  • Daawo:Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Heerkay Taagan Tahay Nabadgelyada Somaliland Hanjabaadna Udiray Putland.
More FEATURES