Aroosad Sun Ay U Qooshtay Ninkeeda Ku Dishay 15 Qof Oo Reerkii Xididkeeda Ah (Reerkii Ninkeeda Ah)
Gebo Gebo News

November 2nd, 2017
Aroosad Sun Ay U Qooshtay Ninkeeda Ku Dishay 15 Qof Oo Reerkii Xididkeeda Ah (Reerkii Ninkeeda Ah)

Booliiska Pakistan ayaa xidhay haweenay aroosad ahayd, taas oo markii lagu guda jiray arooskeeda sun caano ugu dartay dadkii ka qaybgalayay, halkaasna ay ku dhinteen illaa 15 qof.

 

Booliiska waxa ay sheegeen in Asiya Bibi ay sunta u qastay ninkeeda, balse uu isaga cabi waayay caanaha, badalkiisa ay cabeen dadkii xafladda kasoo qeybgalay oo u badnaa qaraabada ninka.

Haweenaydan ayaa lagu qasbay guurka , waana wax iska caadi ah dadka fuqurada ah ee dalka Pakistan.

Warbaahinta dalkaas ayaa sheegtay in Asiya ay dhawr jeer isku dayday in ay baxsato balse ay u suurtoobi weysay.

Sideed qof oo kale ayaa isbitaalka u jiifa sunta ay cabeen magaalada Multan ee dalka Pakistan.

Taliyaha booliiska degmada Muzaffargarh Aweys Axmed Malik ayaa sheegay in nooca sunta ay haweenayda isticmaashay la ogaan doono oo kaliya marka baaritaan lagu sameeyo.

“Dadka la xiray oo dhan waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira argagixisada, sababtuna waa in dadka deegaanka aysan ku dhiiranin in ay sameeyaan falalka galaafan kara nafta dad badan” ayuu yiri Mr Aweys.

Balse maxkamadaha ayaa qodobka argagixisada meesha ka saara inta badan marka dambe.

501 Views




Features

  • Daawo:Wefti Wasiiro Ah Oo Gaadhay Magalada Boorame Iyo Ujeedka Socdaalkoodu Daran Yahay.
  • Xukuumadda Somaliland Oo Si Rasmi Ah U Diidday In FARMAAJO Yimaaddo Hargeysa.
  • Mayirka Degmada Burco  Maxamed Muraad Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Go’aan Ay Soo Saaren Gudida Nabadgelyada Gobolka Togdheer.
  • Caabuqa Coronavirus Oo Qofkii Koowaad Ku Dilay Qaaradda Yurub.
  • Wada-hadallo U Socday Dalalka Qatar Iyo Sucuudiga Oo Fashilmay.
  • Itoobiya Oo Qirtay In Wada Xaajoodkii Biyo-Xidheenku Natiijo La’aan Ku Soo Dhamaaday.
  • Daawo:Ardayda Jaamacada New Generation Burco Oo Soo Bandhigay Progaram Cusub Oo ay Sameeyen.
  • Daawo:Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin  Oo Hanjabaad Udiray Cuqaasha Dalka.
  • Maamulka Gobolka Togdheer Oo Xabsiga U Taxaabay Masuuliyinta Shirkadahha Qaadka keena Magalada Burco.
  • Dawladda Sacuudiga Oo Turkiga Ku Eedeeysay Inuu Taageero Kooxaha Xagjirka Ee Soomaaliya Iyo Liibiya.
  • Daawo:Tartan Ciyaared Degmada Qorayaale Ee Gobolka Togdheer Ka Socday Oo La Soo Gabagabeeyey.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
More FEATURES