Khasaaraha Ka Dhashay Iska Hor Imaad Dhex Maray Ciidammada Somaliland Iyo Ciidamo Ilaalo U Ahaa Wasiir Ka Tirsan Dawladda Soomaaliya Oo Socdaal Ku Maray Deeganada Gobalka Sanaag.
Gebo Gebo News

January 4th, 2018
Khasaaraha Ka Dhashay Iska Hor Imaad Dhex Maray Ciidammada Somaliland Iyo Ciidamo Ilaalo U Ahaa Wasiir Ka Tirsan Dawladda Soomaaliya Oo Socdaal Ku Maray Deeganada Gobalka Sanaag.

Ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhiisinkoodu yahay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay ciidamado ilaalo u ahaa wasiirka Qorshaynta xukuumadda Farmaajo oo shalay socdaal ku yimi magaalada Badhan ee gobolka Sanaag isla markaana uu dhalasho ahaan kasoo jeedo.

 

Ciidamada Qaranka Somaliland oo hadh iyo habeen heegan ugu jira ilaalinta xuduudaha Qaranka Somaliland ayaa markii wasiirkan Qorshaynta Farmaajo soo gaadhay Badhan ay damceen inay xog kaga saaraan magaalada,waxaana sida xoguhu tibaaxeen uu is rasaasayn dhex maray ciidamada Qaranka Somaliland ee halkaasi fadhiisinka ku leh iyo ciidamo uu watay wasiirka socdaalka ku yimi Badhan.

 

Waxaana is rasaasayntan oo socotay saacado ciidamada Qaranka Somaliland kaga dhaawacmay hal askari,halka ciidamadii uu watay wasiirka Qorshaynta Somaliyana ay kaga dhaawacmeen laba askari.

 

 

Waxaana ciidammada Qarranka Somaliland la sheegay inay wacad ku mareen inay gacanta ku dhigayaa wasiirkan ka socda Somaliya ee soo gaadhay Badhan hadii aanu si dhakhso ah uga baxin,taasina waxay sababtay in wasiirkaasi uu saaka deg deg kaga baxo magaalada Badhan uuna ku noqdo magaalada Muqdisho.

 

Waa markii ugu horeysay ee wasiir ka socda dawlada Somaliya uu soo gaadho deegaano ka tirsan gobolada bariga Somaliland.

 

 

 

Gebogebonews.com

gebogebonews@gmail.com

 

 

 

100 Views

Features

  • Daawo:komishanka Maamul Wanaaga Iyo La Dagaalanka Musuq-maasuqa Oo Burco Ka Bilaabay La Xisaabtanka Masuuliyiinta Laamaha Dawlada Togdheer.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
  • Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
  • Daawo:Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Heerkay Taagan Tahay Nabadgelyada Somaliland Hanjabaadna Udiray Putland.
  • “Dadka Arintaa Wadaa Waa Dad Darojooyina Haysta Kuna Nabadgala ” Xukumada Oo Soo  Saartay Amaro Ay Xal Ugu Raadinayso Xiisada Dagaal Ee Ka Taagan Ceelafweyn.
  • Dagaalkii Ceel-afweyn Oo Waji Cusub Yeeshay + Cabsi Laga Qabo In Uu Mar Kale Dib U Qarxo Iyo Xukuumadda Oo Afka Ka Xidhatay.
  • ” Waxaanu Cadaynaynaa In Habar Yoonis Oo Dhami Dagaalka Ceelafweyn Udhantahay Oo Qaar Ku Dhaawacmeen ” Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale Oo Ujawaabay Boqor Faysal.
  • Dawladda Somaliya Oo Diyaarado Hub Ah Ka Dejisay Madaarka Garoowe Iyo Dalka Hubkaas Ugu Deeqay Farmaajo.
  • Wasiiradda Shaqo-gelinta Iyo Arrimaha Bulshada Oo Bilawday Quudinta Dadka Maskaxda Ka Xanuunsanaya Iyo Derbi Jiifka.
  • Daawo:Mujaahid Aadan Ciise Oo Dhaalilo Ujeediyey Xildhibaano Uu Sheegey Inay Colaad Ka Hurinayaan Berbera,Kana Hadlay Diyaar Garaw La’aan Ka Jirta Xuska 18 May Ee Burco.
  • “Boqorka Waxaa Loo Xidhay Muran Ka Dhaxeeya Kulmiye Dhexdiisa” Gudoomiye Ciro Oo Si Kulul Uga Hadlay Xadhiga Boqor Buurmadaw.
  • Daawo:-Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Muddo Ka Dib Warbaahinta Ka Soo Muuqdey ,Weerarayna Madaxda Maamulka Xamar.
More FEATURES