Guurka Oo La Ogaaday Inuu Badbaado Iyo Ka Hortag U Yahay Cuduro Halis Ah !
Gebo Gebo News

January 11th, 2018
Guurka Oo La Ogaaday Inuu Badbaado Iyo Ka Hortag U Yahay Cuduro Halis Ah !

Sida diinteena suubani ina farrayso guurku waxa uu dhawrsanaan u yahay qofka haddii uu yahay Nin iyo haddii tahay gabadh, sidaasi awgeed waxay diinteenu inoo bannaynaysaa in ciddii awooda inay guursato ka aan awoodina uu Ilaahay SWT tallo saarto, isla markaana uu soomo.


Haddaba, Deraasad kale oo lagu soo bandhigay Dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday faa’iidooyinka uu guurku u leeyahay Caafimaadka qofka, deraasaddani ayaa waxay caddaysay in Dadka aan guursan ay halis u yihiin cudurada Waddnaha iyo sidoo kale unnugyada dhiiga ku dhaca, halka dadka guursaday ay arrintaasi ku yartahay.

 

 

Mr Arshid Qayoumi oo ka mid ah khubarada soo bandhigtay deraasaddani kana tirsan kulliyada Caafimaadka ee Jaamacada Emory ee Dalkaasi Maraykanka ayaa waxa Wareysi uu siiyay Wakaalada wararka ee Reuters oo Wargeyska himilo ka soo xigtay waxaanu ku yidhi “Waxa aanu baadhitaano kala duwan ku samaynay dadka guursaday iyo kuwa aan guursan waxa aanu qiyaasnay heerka uu taaganyahay cholesterol-koodu iyo sidoo kale heerka uu taaganyahay dhiigoodu iyo sidoo kale macaankooda, run ahaantiina waxa aanu xaqiiqsanay in dadka aan guursan ay halis u yihiin xanuunadaasi isla markaana ay xanuunada noocaasi ah dhammaantood laga helo”.

 

 

 

Deraasaddo hore oo laga diyaariyay guurka ayaa waxa lagu xaqiijiyay faa’iidada caafimaad ee uu leeyahay isla markaana waxa habboon oo ay dhakhaatiirtu kula talinayaan dadka aan guursan inay ku dedaalaan sidii ay u guursan lahaayeen taasi oo faa’iido u ah caafimaadkooda.

515 Views




Features

  • Xoggo Laga Helay Socdaalkii Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Ku Yimi Hargeysa.
  • “Muuse Biixi Wuxuu U Xuubsiibtay Digtaytar-nimo, Taladii Dalkana Wuu La Ambaday” Gudoomiyaha Xisbiyada Mucaaradka Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Biixi.
  • Ruushka Oo Ka Hadlay In Uu Doonayo In Uu Saldhig Millatari Ka Samaysto Berbera
  • khilaafka Udhexeeya Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Iyo Maayirka Burco Oo Cirka Isku shareeray Iyo Waji kale   Oo Isu Bedelay.
  • Daawo:Ururka Haweenka Qaranka Naw Ee Gobolka Togdheer Oo Taageero Umuujiyey Madaxweyne Biixi.
  • Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Oo Gurmad Ka Geysatay Xakamaynta Xanuun Xiliyeed Ah Oo Ka Dilaacay Degmada Balidhiig Ee Gobolka Togdheer.
  • Daawo:” Somaliland Qasab Ayeey Ku Tahay In Ay La Hadasho Dawlada Somaliya ” Pro Cali Khaalif Galaydh.
  • Xukumadda Somaliland Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadashay Weftiga Itoobiya.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
More FEATURES