Danjire Cawil Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Midaynta Shacabka, Cirro-Na U Soo Jeediyay Inuu Natiijadii Doorashada Aqblo.
Gebo Gebo News

January 27th, 2018
Danjire Cawil Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Midaynta Shacabka, Cirro-Na U Soo Jeediyay Inuu Natiijadii Doorashada Aqblo.

 

 

Amb Cawil ayaa talooyin u diray madaxweynaha somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Amb Cawil ayaa ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay aragtida uu ka qabo talaabadii ay ciidamada somaliland kula wareegeen Tukaraq waxaanu yidhi “Dawlad kasta oo somaliland ka dhisan waajib ayaa ka saaran inay xuduudeeda sugto, tan imika ee Tukaraq-na dalkeenii ayeynu ku jirnaa oo meel aan maamulkeenu gaadhin ayey ciidankeenu imika gaadheen, xuduudana waa la sugi doonaa waana hubaal taasi.” Ayuu yidhi Amb Cawil oo u waramay HCTV.

 

 

Amb Cawil ayaa talooyin muhiim ah u diray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaanu yidhi “Waxaan ugu baaqayaa madaxweynaha inuu wax walba ka horaysiiyo cadaalada iyo sinaanta, jiritaanka umadana gacanta ku hayo, dawladnimada hubka lagu wadaa maaha qoryo iyo taangiyo balse waa fulaynimo, waana in cidii wax tabanaysa uu madaxweynuhu guryahooda ugu tago oo ka bogsiiyo waxyaabaha ay ka cabanayaan oo albaabkiisu u furnaado oo beelaha uu is leeyahay dareen fog ayaa yaala uu u tago taasina ay noqoto mid uu caadaysto.”

 

 

 

 

 

Amb Cawil ayaa ka waramay doorashadii madaxtooyada somaliland ka dhacday sanadkii 2003 iyo waxyaabihii uu ka faa,iiday Axmed Siilaanyo oo wakhtigaas ahaa murashaxii Kulmiye ee lagaga guulaystay codadka tirada yar waxaanu yidhi “Masuuliyad ayaa saaran gudoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro waana laga guulaystay, Doorashadii 2003 murashaxii Axmed Siilaanyo waxa uu Daahir Rayaale kaga helay 80 cod, Axmed Siilaanyana waxa uu geesinimo u yeeshay inuu yidhaahdo waa layga helay oo uu ogolaado 80-kaa cod, qofka shakhsiga ahi waa inuu ku xisaabtamaa in marka laga guulaysto uu aqbalo, taasina waxay keenaysaa inay dadku ku kalsoonaadaan, Axmed Siilaanyana barigaas kalsooni xoog leh ayuu ka helay inuu noqday murashax 80 cod lagaga helay oo si sharaf leh u aqbalay, xitaa beeshii uu ka soo jeeday ee bariga Burco ayaa sharaf ka heshay waayo beeshaas wadatay Suldaan, siyaasi iyo ganacsato ka hadhay may jirin, waana qiimeyn keentay kalsooni sababtay in Axmed Siilaanyo mar dambe madaxweyne ka noqdo dalka iyo dadkeena oo ka daalay siyaasad buuq ku dhisan kuna farxay in murashaxii 80-kaa cod aqbalay beeshiisiina ku garab gashay oo aanu qof kaliya hadal.”

 

 

 

 

 

 

Amb Cawil ayaa murashax Cirro ugu baaqay inuu beeshiisa iyo taageerayaashiisaba u sheego in laga guulaystay waxaanu yidhi “Maanta 80,000 cod ayaa lagaga helay Cabdiraxmaan Cirro, waana inuu beeshiisa iyo taageerayaashiiba u sheegaa waa layga helay oo geesinimadaas Siilaanyo yeeshay mid la mid ah yeeshaa oo aanu odhan sidan uu imika u hadlayo ee uu leeyahay Waan Amaahiyey, siyaasaduna maanta maahee barina way jirtaa.”

 

 

 

 

 

Amb Cawil ayaa soo bandhigay natiijada uu Cabdiraxmaan Cirro la kulmi doono haddii aanu aqbalin natiijadii doorashada Waxaanu Yidhi “Wuu ogolaaday murashaxii Faysal, haddii uu Cabdiraxmaan Cirro ogolaan waayo oo uu wali ka hadlayo, taageerayaashiisii iyo odayaashii iyo beeshiina ka hadlayso waxa iman doonta inaanu mar dambe dalka waxba ka noqon.” Ayuu yidhi Ambassor Xuseen Cali Ducaale (Cawil).

 

 

 

                   



               

 

 

 

 

Halkan Hoose Ka Daawo Muqaalka  Waraysigani Oo Dhamays Tiran.

 

 

 

161 Views

Features

  • “ Dagaalka Dhumay Inuu Soo Jiitantamo Muddo Inta Leeg Waa Guul Daro Siyaasadeed” Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
More FEATURES