8 Xaaladood Haddii Aad Indhahaaga Ku Aragto Dhaqso U Booqo Dhakhtar, Si Aad Uga Badbaado Khatar Caafimaad Daro.
Gebo Gebo News

February 26th, 2018
8 Xaaladood Haddii Aad Indhahaaga Ku Aragto Dhaqso U Booqo Dhakhtar, Si Aad Uga Badbaado Khatar Caafimaad Daro.

Waa qaybtii labaad ee qormadii aynu ku eegaynay dhowr calaamadood oo  ay xeeldheereyaashu xuseen in haddii qofku indhihiisa ku arko ay qasab tahay in uu dhakhtar la xidhiidho, maadaama oo ay digniin u noqon karaa dhibaato caafimaad oo qofka haysa.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Bararka Indhaha: Marar badan waxaa dhacda in aynu qawadno awoodda arag ee indhaheenna oo innaga oo taas ka jawaabayno aynu gacanta ku marmarno, ama dhowrjeer inta aynu isku xidhno haddanak ala furno. Laakiin intaas wax ka badan uma dhaafno oo marka ay xaaladda araggu caadigii iska noqoto ayaa aynu bartaas kaga tagnaa. Haddaba waxa ay dhakhaatiirtu xaqiijinayaan in xaaladaha noocan ahi ay indhaha ku yimadadaan marka uu xanuun ka jiro qanjidhada dhuunta ee Tayroodhka loo yaqaanno, gaar ahaan marka shaqada uu qabanayo iyo dheecaannada uu sii deynayaa ay ka badan yihiin intii dabiiciga ahayd ee uu jidhku u baahnaa.

 

 

 

 

 



 

 

Indhaha oo huruud noqda: Marar badan in midabka indhuhu casaan noqdaa waxa ay ku timaaddaa xaalado aan dhibaato badan sii lahayn, waxaa ka mid ah hurdo la’aanta iyo isha oo xanuun ku jiro, ama indhaha oo dareema shay aanay jeclaysan sida qiiqa ama wax kale oo gaadha. Laakiin in midabkoodu uu huruud noqdaa aad ayaa ay uga duwan tahay xaaladdaas hore ee marar badan haddii aanay muddo dheer sii jirin aan dhibaato keenin.

 

 

 

Indhaha oo huruud noqdaa macnaha keliya ee ay leeyihiin waa in ay dhibaato caafimaad darro ka jirto beerka, sidaa awgeed in indhahaagu huruud noqdaan waxa ay qasab kaaga dhigaysaa in aad degdeg ula xidhiidho dhakhtar beerka ku takhasusay.

 

 

Aragga oo hadh-hadh joogto ahi galo: Sida aynu horeba u soo xusnay marar badan ayaa uu aragga hadh galaa, marmar ka mid ahna waa xaalad iska sahlan oo qofka dhaqso uga tagta, laakiin aragga oo si joogto ah hadh kaaga teedaa waa in ay markaba ku xasuusiso in shabakadda aragga oo xanuun iyo dhaawac gaadhaa ay ka mid tahay dhibaatooyinka ugu waaweyn eek a dhasha xanuunka macaanka. Haddii aad macaan leedahay oo aad xaaladdan isku aragto macnaheedu waa in aanad raacin talooyinkii caafimaad ee dhakhtarkaagu kaa siiyey hab nololeedka xaaladdaada caafimaad waajibinayso; sida cuntada iyo dawada qaadashadeedaba.

 

 

 

 

Haddii aanad hore macaan isugu ogeyn oo xaaladdan aad joogto ula kulantana dhaqso ugu tag dhakhtar takhasus ah oo kaa baadha xanuunka macaanka, kaddib haddii aad iska weydo u tag dhakhtarka indhaha.

 

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

400 Views




Features

  • Wasiirkii hore Ee Hawlaha Guud Cali Mareexaan Oo Soo Jeediyay In Miiska Uu Ku Shaqeeyo Madaxweyne Biixi Loogu Magac Daro Fannaan Caan Ah.
  • Wasiirka Wasarada Biyaha Saleeban Cali Koore Oo Isku Shandhayn ku Samayeey Agaasime Waaxeedyada Wasaaradaasi.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
More FEATURES