Somaliland Danteedda Dhaqaale iyo Qorshaheedda Istaraa-tijiyadeed ayey Raacday Adan Yusuf Elmi.
Gebo Gebo News

March 7th, 2018
Somaliland Danteedda Dhaqaale iyo Qorshaheedda Istaraa-tijiyadeed ayey Raacday Adan Yusuf Elmi.

waxaa muuqata in Fursad ay maanta soo martay Somaaliland loona baahan yahay in laga faa’iideysto kaas oo ah in wadamada carabta lagama maarmaan ay u tahay in Somaliland ay la galaan heshiis ku saabsan …

Heshiiska sadex geesoodka ahaa ee DP world, Ethiopia iyo Somaliland wada galeen . ayaa wuxuu ka abuuray Soomaaliya Iyo jabuuti welwal iyo walaac xoog leh, wuxuuna dhaliyey wax loo eekaysiiyey dhaliilo iyo doodo jaban. siiba Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo si niyad ah u soo dhaweeyey falalkii liddiga ku ahaa heshiiskaasi. kaasi oo ay dawladda tabarta daran  ee Somaliya ku sheegtay in aanay Somaliland geli Karin heshiiska Mashruuca Dekedda Berbera isaga oo Wasiirka Jabuuti u muuqday mid ku xumeyntaasi si weyn ugu laab-qabowday. Balse waxa is waydiin leh sababta qaar ka midda siyaasiyiinta Somaliland mar walba nasteex uga dhigaan dadkeeena dowladda yar ee Jabuuti . isla-markaana isu garab-taagan maamulo yaryar oo fara-galin qaawaan uga imaanayso Somaliland . taasi oo ay ku filan-tahay in aan leenahay. “Ha gartaan in adduunyaddu dan tahay oo nin waliba tiisa ku foofaayo, ka garan-waayana uu liico ama uu ciidda madaxa=galinaayo. waxaan leeyahay “Danta guud ee Dalka halaga Hormariyo dantiina gaar- ahaneed.

Sidoo kale Shacabka iyo xukuumadda Somaliland si cadho leh ayey uga jawaabeen hadaladda iyo cidkasta oo lidi ku ah Horumarka Somaliland. taasi ay ku sheegeen in waxa ka soo yeedhaaya maamuladda Soomaaliya iyo Jabuuti aanu khuseeynin siiba heshiiskaasi iyo kuwa kale ee soo socda, jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal madax-bannaan muddo ilaa 28 sano.Ayna ku faraxsan tahay inay heshiiskan ku midoobaan DP World Iyo Itoobiya . Iyadoo fursad gaar ah siinaysa dadka wax ka dhoofiya iyo kuwa kala soo dega ee Bariga Afrika.

Sidoo kale maamulka tabarta yar ee Soomaaliya iyo cidkasta oo daaha dabadiisa ku jirta .in aanay awoodin fara-gelinta heshiiskaasi ,kaasi ku kooban oo keliya sadaxda dhinac ee heshiiska wada galay ee Somaliland, DP World iyo Dowlada Itoobiya.

Waxaa jira in dagaal dhaqaale oo ay isu bahaysteen qolooyin kala duwan laakin ka midaysan maslaxad keliya oo ah curyaaminta mashruuc walba oo ku saabsan Horumarka dekeda Berbera. 

Horay ayaa Mashaariic kani la mid ah iyo kuwa kale Jabuuti Iyo Somaaliya hirgelintiisa laga bilaabay. Mashruucyadaasi ayaa isugu jiray Dekado, dhuumo shidaal, wadooyin, iyo jidad tareeno. kuwaasi oo Balaayiin dollar ku kacday. waxaan leeyahay Sida dal waliba tiisa u raacdo, ayey Somaliland danteeda dhaqaale iyo qorshaheedda Istaraatijiyadeed u raacday. Waan soo dhaweynayaa markasta.

Waxaa kaloo jira in Gacanka Cadan ama kan Berbera yihiin Biyo-mareen muhiim ah oo maraakiibta shidaalka ay isticmaalaan, gaar ahaan saliidda Persian Gulf ka timaada, waana biyo mareen muhiim ah ilaha dhaqaalaha adduunka sameyn weyna ku leh. Somaliland waxa ay ku taallaa goob muhiim ah isla-markaana ah albaabka isku xidha Qaaradda Africa iyo dunida in teeda kale.

Sidaa awadeed, qiimayntan noocani ahi waxa ay Dowladaha Golaha Iskaashiga Gacanka Carabta “GCC” waxeey arkeen wadadda keliya u furani  in ay tahay Gacanka Cadan ama Marsadda Berbara oo xuduud u ah labada marin Biyood ee kala ah Beb Al-Mandeb iyo Persian Gulf.

Waxii ka hor-imanaaya Iyo Qorshaha dowlada Jabuuti ee ku astaysan arimahaa ee waqtigan waa mid ay muddo badan ka-soo shaqayneysay waqti badan iyo maal badana ay galisay. Lakiin waxaa muuqata in Fursad ay maanta soo martay Somaaliland loona baahan yahay in laga faa’iideysto kaas oo ah in wadamada carabta lagama maarmaan ay u tahay in Somaliland ay la galaan heshiis ku saabsan Badbaadinta Ganacsiga saliida.

Adan Yusuf Elmi

90 Views




Features

  • Xildhibaan Baydhabo Lagu Dilay iyo Rabshadaha Ka Socda Baydhabo Oo Sii Xoogeystay. 
  • Wafti Uu Hoggaaminayo Suldaanka Guud Ee Beelaha Warsan-geli Oo Lagu Soo Dhaweeyay Garoowe, Madaxweyne Cabdiwali Gaas Oo  Uu Kulan La Yeeshay.
  • Xisbiga WADDANI Oo Markale Ku Baaqay In Si Dhakhso Ah Loo Kala Diro Xubnaha Guddida Koomiishanka Doorashooyinka.
  • Daawo:Gudida Qandaraasyada qaranka Oo Shaaciyey Tartan Loo Gelaayo 5 Mashruuc Oo Laga Hirgelinaayo Gobolada Dalka.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
More FEATURES