Amarkii Xukuumaddu Ku Joojisay Isticmaalka Furaha Internetka Soomaaliya Oo Saamayn Toos Ah Ku Yeeshay Jamaacadaha Ugu Weyn Somaliland Oo Si Toos Ah Ugu Xidhnaa Furaha So.
Gebo Gebo News

March 12th, 2018
Amarkii Xukuumaddu Ku Joojisay Isticmaalka Furaha Internetka Soomaaliya Oo Saamayn Toos Ah Ku Yeeshay Jamaacadaha Ugu Weyn Somaliland Oo Si Toos Ah Ugu Xidhnaa Furaha So.

Burco (Gebogebonews)-Wasiirka Wasaaradda Boosaha Iyo  Isgaadhsiinta Cabdi weli Sheekh Cabdilaahi Suufi ayaa shalay soo saaray Go’aan laba qodob ka kooban oo ku saabsan furaha Internetka Soomaaliya,kaasi oo uu uga digay in gayiga Somaliland lagu isticmaalo ama la adeegsado Domain-ka Internetka ee Mareegaha Lagu isticmaalo ee u khaaska ah Dawladda Soomaaliya ee “Dot So”,isagoo muddo kooban u qabtay Ciddii isticmaashaa inay kaga digo rogoto,Waxaanu go’aankani si gaar ah u saameeyay Jaamacadaha ugu waa wayn Somaliland ee Qaranka Somaliland leeyahay ee University of Hargeisa Iyo Amoud University kuwaasi oo la ogaaday innay muddoba adeegsanayeen Domain-ka Soomaaliya oo ay si toos ah ugu xidhnaayeen.

 

 

 

Amarka Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiintu shalay Soo saaray oo uu Warbaahinta ka hor akhriyay kuna socod siiyay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland,Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland,islamarkaana uu ogaysiin siiyay Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu ku yidhi“Adeegsiga “Domain-ka Dot-SO”oo ah adeeg lagu isticmaalo Website-yada, Tixraac Dastuurka Somaliland, Qodobkiisa 1-Aad,Farqadiisa koowaad iyo Xeer nidaamiyaha Wasaaradaha iyo Hay’addaha Dawladda,Xer.NO.2018, ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo saaray,Wasaaraddan oo u xilsaaran Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,adeegsiga Iyo maamulista isgaadhsiinta iyo technology-yadda,wasaaraddu iyadoo sidoo kalena ogsoon Raadka ay ku yeelan karto isticmaalida Waxa la yidhaa “TOP.DOMAIN LEVEL.SO” taasi oo dhaawici karta Qaranimada iyo Madax bannaannida Somaliland,Waxa ay Wasaaradda Technolojiyadad Iyo Isgaadhsiintu soo saartay Go’aamada hoos ku Xusan ee la xidhiidha Domain-ka Dot-SO”.

 

 

 

1 – Waxa ka reeban Adeegsiga “Top-Domain Level.So” Cid kasta oo cinwaan ku leh Internetka Sida Jaamacadaha,Shirkadaha,Baananka,Ururada Maxaliga ah,iyo kuwa Dawliga ah,oo dhamaantood ka diwaan gashan Somaliland.

 

 

 

2- Waxaa la farayaa Mulkiilayaasha Mareegaha Internetka ama Website-yada ee imika isticmaala Top-Domain Level-ka “Dot So”,inay Muddo sodon maalmood ah kaga wareegaan Mudadaasi oo ka bilaabaysa Bari oo ay Bisha March tahay 12,una Wareegaan Kuwa madaxa bannaan ee aanay Cidi lahayn,sida “Dot Com,Dot Org,Dot Net,Iyo Wixii la mid ah,Marka ay dhamaato muddada sodonka maalmood ee Qodobkaasi labaad uu xusayo,Waxaa la xayiri doonaa ama xanibi doonaa Website kasta ama mareeg kasta oo isticmaasha “Top Domain Level.So”,sidaasina waa Go’aankii Wasaaradda Technology-yadda”.ayuu hadalkiisa ku soo koobays.

 

 

 

Baadhitaan Wargeyska Foore ku sameeyay Xarumaha Magaca leh ee Somaliland ka samaysan ee adeegsada Domain-ka Soomaaliya ayaa waxaanu ogaanay inay horseed ka yihiin Jaamacadaha Dawliga ah ee Hargeysa University iyo Camuud University oo ay ka diwaangashan yihiin islamarkaana ay iska diwaangaliyeen Domain-ka u khaaska ah Dalka Soomaaliya ee Colaad iyo dagaalka ku haya Somaliland,Waxaanay Mareegahooda u gaarka ah ka samaysteen Top-Domain Levelka Soomaaliya ee uu Wasiirka Boosaha Isgaadhsiintu digniinta ka bixinayo. Waxa kale oo jira Hay’addo kale oo Somaliland ka hawlgala oo Adeegsada Domainkaasi,Waxaana la eegi doonaa sida uu amarkaasi Wasiirka Boosuhu u fulo iyo halka uu ku dambeeyo.

 

 

 

Mareegta Internetka ee Jaamacada Camuud ayaa u samaysan sidan “Www. Amoud.Edu.So”., halka ay Mareegta Jamaacada Hargeysina Tahay Www.UOH.Edu.So”.

 

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

 

 

 

9 Views

Features

  • Daawo:”Wadahadal Ayaan Ugu Baaqaya Walaaladayda Reer Sool Ee Puntland Jooga “Saleeban C Koore
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
  • Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
  • Daawo:Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Heerkay Taagan Tahay Nabadgelyada Somaliland Hanjabaadna Udiray Putland.
  • “Dadka Arintaa Wadaa Waa Dad Darojooyina Haysta Kuna Nabadgala ” Xukumada Oo Soo  Saartay Amaro Ay Xal Ugu Raadinayso Xiisada Dagaal Ee Ka Taagan Ceelafweyn.
  • Dagaalkii Ceel-afweyn Oo Waji Cusub Yeeshay + Cabsi Laga Qabo In Uu Mar Kale Dib U Qarxo Iyo Xukuumadda Oo Afka Ka Xidhatay.
  • ” Waxaanu Cadaynaynaa In Habar Yoonis Oo Dhami Dagaalka Ceelafweyn Udhantahay Oo Qaar Ku Dhaawacmeen ” Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale Oo Ujawaabay Boqor Faysal.
  • Dawladda Somaliya Oo Diyaarado Hub Ah Ka Dejisay Madaarka Garoowe Iyo Dalka Hubkaas Ugu Deeqay Farmaajo.
  • Wasiiradda Shaqo-gelinta Iyo Arrimaha Bulshada Oo Bilawday Quudinta Dadka Maskaxda Ka Xanuunsanaya Iyo Derbi Jiifka.
  • Daawo:Mujaahid Aadan Ciise Oo Dhaalilo Ujeediyey Xildhibaano Uu Sheegey Inay Colaad Ka Hurinayaan Berbera,Kana Hadlay Diyaar Garaw La’aan Ka Jirta Xuska 18 May Ee Burco.
  • “Boqorka Waxaa Loo Xidhay Muran Ka Dhaxeeya Kulmiye Dhexdiisa” Gudoomiye Ciro Oo Si Kulul Uga Hadlay Xadhiga Boqor Buurmadaw.
  • Daawo:-Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Muddo Ka Dib Warbaahinta Ka Soo Muuqdey ,Weerarayna Madaxda Maamulka Xamar.
  • Daawo:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Dhawaajiyey In Lagu Taageero Xukuumada Uu Soo Dhiso,Laguna Samro Qalinkiisa.
  • Daawo:-Siyaasi Cabdilaahi Yuusuf Ka Oo Hadlay Ujeedada Udarnaa Socdaal Uu Ku Tegay Degmooyinka Gebogebo Iyo Faqa-ayuub,Sikululna Udhaliilay Siyaasada Ay Xisbiyada Mucaaradku Ku Ololaynaayan.
More FEATURES