Dawlad Magac U Yal Ah Oo Dhib Iyo Dabar Ku Ah Horumarka !
Gebo Gebo News

March 12th, 2018
Dawlad Magac U Yal Ah Oo Dhib Iyo Dabar Ku Ah Horumarka !

Dawlada federar ka ah ee Somaliya ma aha mid nool oo nafi ku jirto marka laga eego dhinacayada siyaasada,dhaqaalaha iyo bulshada waayo :



1- Dawlada Federalka ah ee Somaliya waxaa dhisay dalal shisheeye oo ku sargooyey danahooda waxaa lagu soo yabyabey

 

dalka Kenya waxaana loo soo gudiyey gudaha Somaliya.
2- Ciidamada qalabka sida ee Amaanka dawlada gacanta ku hayaa waa Kuwo shisheeye oo laga soo ururey dalal aan dhaqan iyo diinba la wadaagin bulshada somaliyeed intooda badan, kuwaas oo gacanta ku haya amaanka meelaha ku xeeran caasimada muqdisho.

3- Intaa ay dhisnayd waxaa loogu yeedho dawlada federalka Somaliya lama hayo hal doorasho oo si toosa dadka somaliyeed u soo doorteen barlamaan,madaxweyne iyo qaybaha kale ee dhismaha dawlad casri ah.

4- Waxaa lagu dhaqaa dalkaasi wareegtooyin iyo mala awaal salka ku haya danaha kala duwan ee dalalka haga siyaasada dhaqaalaha dalkaasi dumay ee noqday meel lagu boobo khayraadka dhulkaasi.

5- Dawlada federalka ahi waxa awood ah kuma laha dawlad goboleedyada ay ka kooban tahay federalka somaliya ,taasi waxaa tusaale kugu filan Dawlad goboleed ka Puntland oo heshiisyo aaney waxba ka ogeyn dawlada federalka ahi waxaa markhaati kugu filan heshiiska puntland iyo DPWorld ee Dekeda Boosaaso. Waxaa Tusaale kale kugu filan Mawqifkii dawlad goboleedka Somaliya ee Puntland iska taagtey go’aankii dawlada fedarelka ah ee Somaliya kula safatey is bahaysiga Qadar markii ay khilaafku ka dhex curtey dalalka Saudiga iyo UAE ka.

Arimahaasi waxay tilmaamayaan in aaney Dawlad federal ah oo firfircooni aaney ka jirin Somaliya balse Magac lagu shaqeysto uun uu yahay oo lagu qaldo rayi caalamka si loogu adeegsado ku dhicida khayraadka dalkii Somaliya la odhan jirey oo dhinaca shuruucda caalamiga ah qiil loogu helo in dawlad federal ah oo wax walba sharciyeysaa dhisan tahay. Dawlada Somaliland ayaa iyadu ah dawlad firficoon oo mateli karta Somaliya waayo:

a- Somaliland iyo Somaliya 1 July 1960 ayaa iyaga oo laba dal oo kala duwan ay midoobeen oo ay noqdeen hal wadan oo si iskooda iskugu tegey.

b- Ka dib markii dawladii Somaliya burburtey dagaalo kacdoon shacbi ah ka dib waxaa awoodii dalkaasi gacanta ku dhigey dagaalyahanadii ururadii SNM ,USC iyo SDM kuwaas oo ahaa ururadii firfircoonaa ee hagayey halgankaasi nasiib daro waxaa dhaqdhaqaaqyadii dhinaca Konfurta Somaliya ka hor yimi loolan dhinaca awooda ah oo ka dhashey odayaal iyo unugyadii siyaasadeed ee xukumadii Maxamed Siyaad Bare taasi oo kala qaybisan ururkii USC iyo SDM dagaaladiina u rogtey qaab qabiil arintaasi waxay sii shiday xasiloonaantii konfurta iyo gobolada dhexe ee Somaliya ama Somalidii Talyaanigu gumeysan jirey.

Sidoo kale arintaasi waxay abuurtey in Goboladii waqooyiga ee la midoobey koonfurtu ay wax garadkoodii iskugu yimaadeen shir iyada oo shirkaasi uu hogaaminayey Ururkii SNM oo gacanta ku dhigay goboladaasi. Waxgaradkii ,siyaasiintii odayadii iyo ururkii SNM markey derseen xaalada siyaasadeed dhaqaale bulsho iyo nabadgelyo ee gobolka waxay go’aamiyeen 18 May 1991 in Somalilandtii 26 June 1960 dib loo soo celiyo oo sidii koreba si ikhtiyaariya looga noqdo midowgii labada gobol ee 1 July 1960.

Qodobkaasi waa mid sharci ah waayo midowgii 1 July 1960 ee Somaliland iyo Somalidii Talyaanigu gumeysaney markey midoobayeen afti dadka laga qaadey oo lagu midoobey ma jirin balse waxaa wada hadal ka dib ansaxiyey siyaasiintii labada gobol. Mar hadii aaney dawlad rasmi ah oo Somaliya ka jirtaa aaney jirin,kol hadii jilayaashii siyaasada ee labada gobol ee midoobey qayb ka mid ahi ka baxdey heshiiskii, qaybtii kalena aaney mideysneyn oo u kala go’godey federal aan isla socon oo Puntland,Konfur galbeed, Galmudug, Juba land, Hirshabeele ay u far cameen waxaa burey sharciyan midowgii Somaliya ee 1 July 1960 waayo waxaa dhismey qab siyaasadeed cusub taasi waxay Somaliland xaq u siinaysaa in ay sharci u lee dahay in caalamku dib u eego dhaqan gal keeda dawlad madax banaan oo dib ugu noqotey maamulida dalkeeda oo xornimada ka qaatey boqortooyada Midoobey (UK) 26 June 1960. Sidaa awgeed Dowlada Somaliland waxaa la gudboon in ay sharciyen ku doonato kursigii 26 June 1960 uga xalaalobey qurumaha loo dhan yahay waayo weli qaynuunka dawliga ahi( International law) waa mid loo cuskan karo wixii hore ee sharciyan u jirey dib u eegideeda.

Mahad Dhamaan Alle(swt) Ayaa Iska Leh.

M J Farah

ref. hogaanka.org

53 Views

Features

  • Odayaasha iyo Haldoorka Bariga Magaalada London Ee Ingiriiska Oo Hadhimo Sharafeed Usameeyey Xildhibaan Bidhi.
  • Wasiirada Maaliyada Iyo Arimaha Gudaha Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Khilaaf Cakirani Ka Dhex Qarxay +  Maxaa La Isku Qabtey.
  • Daawo:Ururka Shaydo Oo Abaalmarino Gudoonsiiyey Maamulka Iyo Ardayda Dugsiga Hoose Dhexe Ee Deeganka Shan-shacade.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
  • Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
More FEATURES