Dulucda Waraaq Garnaqsi ah oo Madaxweynaha Somaliland u Kala Diray Goleyaasha Caalamka iyo Dalalka Waaweyn.
Gebo Gebo News

March 12th, 2018
Dulucda Waraaq Garnaqsi ah oo Madaxweynaha Somaliland u Kala Diray Goleyaasha Caalamka iyo Dalalka Waaweyn.

Hargeysa(Gebogebonews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa waraaq u kala diray beesha caalamka, qoraalkaas oo uu ku caddeeyey inay qaddiyada Somaliland tahay mid muqadas ah oo aanay cidna u dabo fadhiisanaynin qaranimadaiyo madax-bannaanida dalkeeda.
 
Sida ay ku warantay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxa madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu shalay qoraal rasmi ah u kala diray urur goboleedka IGAD, Qarammada Midoobayee UN-ka, Ururka Jaamacada Carabta ee [Arab League], Ururka Midawga Afrika ee [AU], Midawga Yurub ee [EU], boqortooyada Ingiriiska (UK), Dawladaha Maraykanka iyo Denmark.
 
 
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi wuxuu waraaqaha uu u kala diray beesha caalamka uu ku nuuxnuuxsaday in qaranimadda Somaliland ay ku timid rabitaan shacbi oo ummadda reer Somaliland madax-bannaanidoodii ay kala soo noqdeen Soomaaliya sannadkii 1991kii.
 
Waraaqda qoraalka ah ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u diray ururrada iyo goleyaasha caalamka ayaa jawaab waafiya u ah hadalladii ka soo yeedhay dawladda Muqdisho ka talisa ee ay kaga hadlayeen heshiiska saddex geesoodka ah ee dhex maray Somaliland, DP World iyo Dawladda Itoobiya, kaas oo ahaa heshiismaalgashi.
 
Madaxweynuhu waxa uu u sheegay dawladaha iyo ururada ay ku socoto warqadaasi in hadalka ka soo yeedhay Soomaaliya aanu ahayn mid ku saabsan heshiiska DP World, balse uu yahay mid duulaan ku ah madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu wacad ku maray in dawladda Somaliland iyo shacbigeeduba aanay marnaba u dulqaadanayn, hadallo deel qaafa iyo gardaro caddaana oo kaga yimaada dawladda itaalka daran ee Muqdisho.
 
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu waraaqdaas ku iftiimiyey in aanay ka noqosho lahayn gooni isu-taagga Somaliland isla markaana heshiisyada ay gelaysaana yihiin kuwo aan ka noqosho lahayn, Soomaaliyana aanay wakhti iskaga lumin arrimaha Somaliland ee ay daneheeda ka raacato.
 
Madaxweynaha Somaliland wuxuu ugu dambayn Soomaaliya ku booriyey inay ka waantoobaan dhaqanka xiqdiga iyo xasadka ah ee ay Somaliland u muujiyaan mar kasta oo Somaliland horumar ku talaabsato.
Gebogebonews.com
Gebogebonews@gmail.com
Sources:- SOLNA
64 Views




Features

  • Dowladaha Qatar Iyo Somaliya Oo Kala Saxeexday Heshiis Lagu Horumarinayo Dekadaha Somaliya.
  • Xildhibaan Baydhabo Lagu Dilay iyo Rabshadaha Ka Socda Baydhabo Oo Sii Xoogeystay. 
  • Wafti Uu Hoggaaminayo Suldaanka Guud Ee Beelaha Warsan-geli Oo Lagu Soo Dhaweeyay Garoowe, Madaxweyne Cabdiwali Gaas Oo  Uu Kulan La Yeeshay.
  • Xisbiga WADDANI Oo Markale Ku Baaqay In Si Dhakhso Ah Loo Kala Diro Xubnaha Guddida Koomiishanka Doorashooyinka.
  • Daawo:Gudida Qandaraasyada qaranka Oo Shaaciyey Tartan Loo Gelaayo 5 Mashruuc Oo Laga Hirgelinaayo Gobolada Dalka.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
More FEATURES