Puntland Oo Soomaaliya U Soo Jeedisay Inaanay La Galin Somaliland Wada Hadal Puntland Ka Maqan Tahay Iyo Nuxurka Warqad Ay Ka Hor Akhriyeen Baarlamaanka Soomaaliya.
Gebo Gebo News

March 12th, 2018
Puntland Oo Soomaaliya U Soo Jeedisay Inaanay La Galin Somaliland Wada Hadal Puntland Ka Maqan Tahay Iyo Nuxurka Warqad Ay Ka Hor Akhriyeen Baarlamaanka Soomaaliya.

Muqdisho (Gebogebonews)-Qoraal dheer oo uu Gudoomiyaha Baarlaamkan Maamul Goboleedka Puntland Axmed Cali Xaashi ka hor akhriyay baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu u soo jeediyay inaanay Dawlada Faderaalku wada hadal ay puntland ka maqan tahay la galin Somaliland isagoo sheegay inay Gobolada Sool Iyo Sanaag ee Somaliland ka mid yihiin dhulka Xuduuda Puntland leedahay.

 

 



Masuulkan oo khudbadan ka hor akhriyay Kalfadhigii 3-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu yidhi“Puntland waa Qayb ka mid ah Soomaaliya,Waxaanay soo dhawaynaysaa Wado toosan oo kasta oo loo marayo dib u heshiinta iyo midnimada Shacabka Soomaaliyeed,Hase yeeshee Puntland waxay leedahay Dastuur dhamaystiran,oo ku cad gobolada ay Puntland ka kooban tahay iyo xuduudaheeda,Sida uu qabo Qodobka Todobaad ee Dastuurka Puntland,sidaa awgeed waxaanu soo jeedinaynaa inaanay Dhicin wax wada hadal ah oo ay Puntland ka maqan tahay oo aanay dhinac ka ahayn oo khuseeya Gobolada Puntland,gaar ahaan Gobolka Sool Iyo Sanaag,oo dawlada Faderalku la gasho cid aan arimahaasi goboladaasi khusayn”.

 

 

Waxa kale oo uu yidhi“Waxaanu u cadaynaynaa Dawlada Faderalka Soomaaliya,Beesha Caalamka,iyo cid kasta oo danaysa Xasiloonida,iyo inay Gobolada Sool iyo Sanaag ka mid yihiin dawladda Puntland ee Soomaaliya,qayb ka yihiin Dawlada Faderaalka Soomaaliya,Wakiilada laga soo doortayna ay fadhiyaan labada gole ee Baarlamaanada Soomaaliya hadda u fadhiya,sidaas awgeed waxaanu cambaaraynaynaa sheegashada iyo Xadgudubka,oo ay wadaan Dalalka Itoobiya iyo Imaaraatka oo lid ku ah Qaranimada iyo Midnimada Somaliland”.

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

8 Views

Features

  • Daawo:”Wadahadal Ayaan Ugu Baaqaya Walaaladayda Reer Sool Ee Puntland Jooga “Saleeban C Koore
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
  • Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
  • Daawo:Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Heerkay Taagan Tahay Nabadgelyada Somaliland Hanjabaadna Udiray Putland.
  • “Dadka Arintaa Wadaa Waa Dad Darojooyina Haysta Kuna Nabadgala ” Xukumada Oo Soo  Saartay Amaro Ay Xal Ugu Raadinayso Xiisada Dagaal Ee Ka Taagan Ceelafweyn.
  • Dagaalkii Ceel-afweyn Oo Waji Cusub Yeeshay + Cabsi Laga Qabo In Uu Mar Kale Dib U Qarxo Iyo Xukuumadda Oo Afka Ka Xidhatay.
  • ” Waxaanu Cadaynaynaa In Habar Yoonis Oo Dhami Dagaalka Ceelafweyn Udhantahay Oo Qaar Ku Dhaawacmeen ” Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale Oo Ujawaabay Boqor Faysal.
  • Dawladda Somaliya Oo Diyaarado Hub Ah Ka Dejisay Madaarka Garoowe Iyo Dalka Hubkaas Ugu Deeqay Farmaajo.
  • Wasiiradda Shaqo-gelinta Iyo Arrimaha Bulshada Oo Bilawday Quudinta Dadka Maskaxda Ka Xanuunsanaya Iyo Derbi Jiifka.
  • Daawo:Mujaahid Aadan Ciise Oo Dhaalilo Ujeediyey Xildhibaano Uu Sheegey Inay Colaad Ka Hurinayaan Berbera,Kana Hadlay Diyaar Garaw La’aan Ka Jirta Xuska 18 May Ee Burco.
  • “Boqorka Waxaa Loo Xidhay Muran Ka Dhaxeeya Kulmiye Dhexdiisa” Gudoomiye Ciro Oo Si Kulul Uga Hadlay Xadhiga Boqor Buurmadaw.
  • Daawo:-Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Muddo Ka Dib Warbaahinta Ka Soo Muuqdey ,Weerarayna Madaxda Maamulka Xamar.
  • Daawo:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Dhawaajiyey In Lagu Taageero Xukuumada Uu Soo Dhiso,Laguna Samro Qalinkiisa.
  • Daawo:-Siyaasi Cabdilaahi Yuusuf Ka Oo Hadlay Ujeedada Udarnaa Socdaal Uu Ku Tegay Degmooyinka Gebogebo Iyo Faqa-ayuub,Sikululna Udhaliilay Siyaasada Ay Xisbiyada Mucaaradku Ku Ololaynaayan.
More FEATURES