Saadaal Laga Qoray Geeska Afrika 30 Sanno Ee Soo Socda Iyo Siday Noqonayso. Qaybtii 1aad
Gebo Gebo News

March 12th, 2018
Saadaal Laga Qoray Geeska Afrika 30 Sanno Ee Soo Socda Iyo Siday Noqonayso. Qaybtii 1aad

Xog ururin ay dhinaca Difaaca ka diyaariyeen Khubaro Caalami ahi ayaa waxay ku saadaaliyeen sida xaalka Geeska Afrika u eekaanayo 30-ka Sanno ee soo socda iyagoo dhinacyo doora ka eegaya oo ay ka mid yihiin Deegaanka, Qaab-dhismeedka Bulshooyinka ku dhaqan, Dhaqaalaha, Horumarinta Nolosha Aadamaha, Maamulka Dawliga ah, Xidhiidhka Siyaasada Caalamka iyo Amniga. Xog ururintan oo ku qoran luqada Ingiriisiga ayaa u dhigan sidan hoose:

 

Geeska Afrika oo ka kooban Dalalka Jibuuti, Carateriya, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ah Mandaqad ay ka jiraan Amuuro isku lidi ahi, waxaanay u badan tahay inay sidaa sii ahaato ilaa 2045.

Itoobiya waxay u muuqataa Meel xasiloon marka loo eego

Mandaqada aan Xasiloonayn ee ay ku dhextaalo, iyadoo Awooda ay ku leedahay Gobolka awgeed door muhiim ah ka ciyaari doonta Geedi socodka horumarka guud ahaan Gobolka. Waloow sidoo kale Itoobiya ay ka hor iman karaan xaalado Dib u dhac ku keeni kara Mudadan dhexdeeda, hase yeeshee Goobta ay dhacdo iyo Xajmigeedu waxay suurtagelinayaan inay markasta sii ahaato Awooda hogaamisa Gobolka, waxaana suurtagal ah inay Saamaynteedu sii korodho Mudadan dhexdeeda. Sidoo kale in horumar laga sameeyo dhinaca Amniga ayaa ku xidhan wadashaqaynta Itoobiya.
Gobolka Geeska Afrika ayaa wakhti xaadirkan ah meelaha ugu horumarka liita Qaarada Afrika, khaasatan, dhinacyada Nidaamka Dawladnimo iyo Horumarka Nolosha Aadamaha. Waxaanay aad ugu badan tahay inuu sidaas ku sii jiri doonto ilaa 2045.

Guud ahaan, in badan oo Shucuubta ku dhaqan Gobolka ka mid ahi waxay Shaki ka qabaan Dawlad Dhexe oo ay yeeshaan, waxayna ka doorbidayaan Dawlad Goboleedyo yaryar oo Dimoqraadiya taasi waxa laga yaaba inay xanibto in lagu dhaqaaqo Horumar laga gaadho dhinacyada Siyaasada iyo Horumarinta Nolosha Aadamaha.

Dalalka qaarkood, khaasatan Itoobiya waa laga yaabaa inay horumar sameeyaan, gaar ahaan haddii ay Koboca dhaqaale ee wakhti xaadirkan sii joogteeyaan mustaqbalka fog. Hase yeeshee, Itoobiya waxay waajahaysaa Kacdoono iyo Xiisado ay kala kulmayso Kooxo kala duwan oo raba inay Saamayntooda yeeshaan. Kooxaasi kala duwani iyaguun iskama hor iman doonaan laakiin waxay kaloo ka hor iman doonaan Dawlada Dhexe. Taasi waxay saamayn ku yeelan doontaa suurtagalnimada in Itoobiya horumar samayso mustaqbalka iyo weliba ta guud ahaan ee Gobolka oo dhanba ilaa 2045.

Lasoco Qaybta 2aad oo ku saabsan Deegaanka.

Maxammed Aw Yuusuf Guun

guun51@hotmail.com

136 Views




Features

  • Xukumada Somaliland Oo Ruqsadii Isgaadhsiinta Kala Noqotey Laba Shirkadood.
  • Daawo:Tirada Dad Ugeeriyooday Xanuunka Gawracatada Oo Ka Dilaacay Gobolka Saraar Iyo Masuulinta Gobalkaasi Oo Ka Hadlay.
  • Daawo:Madaxweyne Biixi Oo Masuliyinta Gudida Qandaraasyada Qaranka Ku Tilmaamay Masuuliyin Ka Dhabeeyeen Himiladii Qaranku Lahaa.
  • Daawo:Khudbad Sanadeedkii Madaxweyne Muuse Biixi Ka Hor Jeediyey Golaha Baarlamaanka.
  • Madaxweyne Biixi Oo Maamulka Puntland Ku Eedeeyay Inay Ciidammo Falal Amni Darro Ah Wada Soo Geliyeen Gudaha Somaliland.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
More FEATURES