Xukumada Somaliland Oo Joojisay Wada Shaqayntii Ay La Lahayd Haayado Ka Shaqayn Jiray Dalka+ Magacyada Haayadaha Iyo Sababta Shaqada Looga Joojiyey.
Gebo Gebo News

March 12th, 2018
Xukumada Somaliland Oo Joojisay Wada Shaqayntii Ay La Lahayd Haayado Ka Shaqayn Jiray Dalka+ Magacyada Haayadaha Iyo Sababta Shaqada Looga Joojiyey.

Burco (Gebogebonews)-Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacaaysha Qaranka Somaliland Md. Cabdikariin Axmed Maxamed (C/kariin Xinif) Ayaa si ku meel gaadh ah gabi ahaanba u joojiyay wada shaqayntii ka dhaxaysay Hay’adda Waddaniga ah ee Candle light.

 

 

Warqad rasmi ah oo uu Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacaaysha Qaranka Somaliland ku socodsiiyey Hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin ayuu ku sheegay in uu gabi ahaanba si ku meel gaadh ah u joojiyey wada shaqayntii uu la lahaa Hay’adda Waddaniga ah ee Candle light.

 

 

 

Qoraalkan oo uu Guddoomiyuhu ku socodsiiyey sidoo kale Hay’adaha caalamiga ah ee FCA, NRC, DRC, WORLD VISION, IOM, AAHI, UNCHR iyo WFP ayuu ugu sheegay in aanay hay’addaasi waddaniga ah ee Candle Light wax wada shaqayn ah la yeelan isla markaana wax shaqo ah ka wada qaban xaaladaha Barakacayaasha iyo Qaxootiga Somaliland ku sugan.

 

 

Nuxurka qoraalkan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Gebogebonews ayaa lagu sheegay in Hay’adda Candle Light ay joojisay xidhiidhkii wada shaqayneed ee ka dhaxeeyay Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha, ka dib markii ay ka soo jawaabi wayday xidhiidho kala duwan oo lala sameeyay masuuliyiinta ugu sarraysa, iimaylo iyo fariimo kala duwana oo loo diray, sidoo kale waxa ay Hay’adda Candle light soo gudbin wayday qorshaheedii sannadka cusub ee 2018-ka ayaa lagu sheegay qoraalkan wada shaqayn joojinta ah ee ka soo baxay Hay’addan.

 

 

 

Dhinaca kale waxa qoraalkan lagu faray Dhamaan Hay’adaha iyo Ururada Caalamiga ah ee Somaliland ka hawl gala ee warqaddan lagu socodsiiyey in aanay Hay’addaasi dhex marin wax wadashaqayn ah oo ku saabsan Barakacayaasha qaranka iyo qaxoontiga dalka ku sugan.

 

Warqaddan waxa ku saxeexnaa Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacaaysha Qaranka Somaliland Md. Cabdikariin Axmed Maxamed (C/kariin Xinif) oo ku socodsiiyey cidda ay khusayso.

Hay’adda Wadaniga ah ee Candle light oo ka mid ah hay’adaha waddaniga ah ee ugu waaweyn Somaliland, ayaan illaa hadda wax hadal ah ka soo saarin eeddan hay’adda Barakacayaasha iyo qaxootiga qaranku uga timid.

 

https://scontent.fjib1-2.fna.fbcdn.net/v/t1.0-9/

 

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

9 Views

Features

  • Daawo:”Wadahadal Ayaan Ugu Baaqaya Walaaladayda Reer Sool Ee Puntland Jooga “Saleeban C Koore
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
  • Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
  • Daawo:Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Heerkay Taagan Tahay Nabadgelyada Somaliland Hanjabaadna Udiray Putland.
  • “Dadka Arintaa Wadaa Waa Dad Darojooyina Haysta Kuna Nabadgala ” Xukumada Oo Soo  Saartay Amaro Ay Xal Ugu Raadinayso Xiisada Dagaal Ee Ka Taagan Ceelafweyn.
  • Dagaalkii Ceel-afweyn Oo Waji Cusub Yeeshay + Cabsi Laga Qabo In Uu Mar Kale Dib U Qarxo Iyo Xukuumadda Oo Afka Ka Xidhatay.
  • ” Waxaanu Cadaynaynaa In Habar Yoonis Oo Dhami Dagaalka Ceelafweyn Udhantahay Oo Qaar Ku Dhaawacmeen ” Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale Oo Ujawaabay Boqor Faysal.
  • Dawladda Somaliya Oo Diyaarado Hub Ah Ka Dejisay Madaarka Garoowe Iyo Dalka Hubkaas Ugu Deeqay Farmaajo.
  • Wasiiradda Shaqo-gelinta Iyo Arrimaha Bulshada Oo Bilawday Quudinta Dadka Maskaxda Ka Xanuunsanaya Iyo Derbi Jiifka.
  • Daawo:Mujaahid Aadan Ciise Oo Dhaalilo Ujeediyey Xildhibaano Uu Sheegey Inay Colaad Ka Hurinayaan Berbera,Kana Hadlay Diyaar Garaw La’aan Ka Jirta Xuska 18 May Ee Burco.
  • “Boqorka Waxaa Loo Xidhay Muran Ka Dhaxeeya Kulmiye Dhexdiisa” Gudoomiye Ciro Oo Si Kulul Uga Hadlay Xadhiga Boqor Buurmadaw.
  • Daawo:-Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Muddo Ka Dib Warbaahinta Ka Soo Muuqdey ,Weerarayna Madaxda Maamulka Xamar.
  • Daawo:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Dhawaajiyey In Lagu Taageero Xukuumada Uu Soo Dhiso,Laguna Samro Qalinkiisa.
  • Daawo:-Siyaasi Cabdilaahi Yuusuf Ka Oo Hadlay Ujeedada Udarnaa Socdaal Uu Ku Tegay Degmooyinka Gebogebo Iyo Faqa-ayuub,Sikululna Udhaliilay Siyaasada Ay Xisbiyada Mucaaradku Ku Ololaynaayan.
More FEATURES