Abwaan Hurre walanwal Oo Tiriyay Maanso ladhaho Sirmagaydo oo ka hadlaysa Gooni isutaaga somaliland xamarna lahadlaysa.
Gebo Gebo News




March 13th, 2018
Abwaan Hurre walanwal Oo Tiriyay Maanso ladhaho Sirmagaydo oo ka hadlaysa Gooni isutaaga somaliland xamarna lahadlaysa.

Waa Maansadii labaxday Sirmagaydo ee soo baxday (12/01/1999) Maansadu waxay dabasocotay maansadii labaxday seeman ee tiriyey faarax (kabawayne) maansadaasoo kasoo horjeeday jiritaanka Somaliland.
Waxaanay ku bilaabatay sidan:
Darmaan seemaneey sahaaga
sabooy saran seeristaada
Taariikheey siinaddaada
Suugaaneey himiladaada
Beriyo saakuub warkooda
Ilaah baa laga sugaaye
Haddana saadaaladooda
Hadduu hal abuur nin seelo
Sakiiriyo dalab u yeelo
Satika waxaa fura abwaane
Habeen hore goor laseexday
Saqdhexe filin lay horkeenay 
Silsilad curataan dhegaystay
Saleebaanoow godkeeda
Haddaan kaasiiyo sheeko
Waxay ku sabaysay dhaanto
Libaaxii surad dusheeda
saraar godon hiirtu gaysay
waxay sannad kana aslaysay
Sibraarkii maydabtiisa
Sanaag lagu qalay candhooley
Galooftiibay sidkaysay
Ibaa laga saaray shiisha
Dalluuntii laygu saydhay.
Intaan sarif iyo tusaale 
Salliga nebigiyo tilmaan dheh
Malaa kuuma sarin sanaane
Sacbaa kugu qodaya raafe
Haddaan kuu saafo weedha
Samoow oday waa sarbeebe
Haddaan saaxiib imooday
Laxdii horratiyo sabeenta
Isdhalay salbadh oo dhigiisa
Wankii ka sanqadhay gadaasha
In saalax wareeray miihi
Salleeli nin ii maleeyay
Siduu rabo ima marsiiyo
Sabuux nabadarada igaadhay
Sun baygiyo fiixda reebay
Damacu ima saarufsiiyo
Gartiyo runta kama sinaysto 
Shisheeye nimuu sabaaro
Dibnaa sonkor loogu daadsho
Iiimaan salaafay miihi
Macuno sababkiyo xumaysta
Hunguri suul ima jaqsiiyo
Soo haah kuma gali dagaalka
Saamaa ku dido lajiido
Caruur surma seegta miihi
Sokeeyiyo ma hurtadiisa
Darbaa lagu saajiraaye
Madduun miihi saba garaaca. 
Samoow – wa – samoow – samoow – wa
Saaxiib filimiyo riwaayad
Suxuun iyo kamanno been ah
Soomaali ku heemisteeda
Sunteedii baan qabaaye
Sinjigu iwanneehin maayo
Samoow – wa – samoow – samoow – wa
Saaxiib saaciyo magoolka
Sagaaraa lagu dabaaye
Halkii sirma gaydadeeda
Horyaalada lagu sukuumay
Halkii lagu surudub yeelay
Halkay ku karaamo seegtay
Ku celi saakana agoonta
Nin yidhi saaciidimaayo,
Inta sarriyo tusaale
Salliga nebigiyo tigraardheh
Malaa kuuma sarinsanaaye
Sacbaa kugu qodaya raafe
Haddaan kuu saafo weedha,
Wuxuu yidhi socoto dhaadhi
Xog moog waa loo saraaye
Samoow – wa samoow samoow – wa
Hadday kollay sumal xadayso
seen yaaliyo gabay maqlayso
maxaa sebigiyo dhallaanka
Sagaashan jirkiyo duqayda
Waraabaha loogu sooray
Maxaa sikhigiyo ugaaska 
Indheer garadkiyo sarkaalka
Dhamaan surka looga gooyay
Maxaa surmigiyo haraadka
Sadaaddiyo dayra dhaafka
Manqada sammad loogu daadshay
Maxaa guryihii lasaantay
Suudhkiyo dahabkiyo xariirta. 
Siriirtii lagu dingiigay
sabuulkiyo saraca beerta
Dabloo sudhay gumaradeeda
Maxaa hodankiyo saboolka
Usaamaysay fara madhnaantu 
Ninkii sixin quudanaayay 
Ku noolaanjiray sabiibta
Muxuu sacada uleefay
Maxay kaarihiyo suuga
Sawaarikhdiyo gantaalka
Hadh galay sulub ugu badheedhay
Muxuu soodhku u targaafay
Saanadda madficiyo rasaasta
Maxaa sawjadaa hugooda
Suufkoodiyo Siliska qoorta
Siyaakhada loo xaraashay,
Samoow – wa samoow samoow – wa
Hablii aad sabarka moodddey
unnaaridda ugub dhexdooda
Ee aad sanqaroorka moodday
Fardii seyidkiyo taleexi
Hablii suunida biciidka
Lahaanjiray sayn haldhaaga
Hablii sarajoogistooda
Lamoodaayey dhebeigi saaxil
Hablii sawraca qureeshta 
Lahaanjiray midabka suurta
Hablii tamartiyo sariigta
lahaa saamiga halyeyga
hablii sumuciyo gammaanka
lasiin jiray boqolka geela
Hablii saddex qayd xiddaysan
Dhacliyo boqor baarka soohan
Subeeciyad iyo cunnaabi
Xidhnaan jiray abu sarmaanta
Hablii samirkiyo xishoodka
weliga saahiday lamoogay
ka seeran jiray xumaanta
Maxaa sumcaddoodii doorshay
Sawaaxiligiyo uraagu
U Guursaday samayadooda,
Samoow – wa samoow samoow – wa
Malaa kuuma sarin sanaane
Sacbaa kugu qodaya raafe
saaxiib oday waa sarbeebe,
Hadduu qofka jabo sakaarka
mudduu suudaaliyaaye 
Bal eeg saadada gumawday
Suquun barigiyo asayda
Bal eeg sodohdiyo dhabeesha
Marwada suudhiyo basaasta
Bal eeg waxa soobir qaawan
Seygiyo ooryaha iswaayay
Bal eeg sekedaha gandooda 
Suqduudada dhagaxa tuuran
Bal eeg suuqyada madaw ga
Siraadkii baxaayay meeyey
Bal eeg saryankiyo ugaadha
Kasuun go’ay degelladeeda
Samoow – wa samoow samoow – wa
Saaxiib waad naga maqnayde
Sarwaantaan kugu dhacayne
Markay solantaye dubmaysey
Markay saalbadu hugmaysay
seeraartadu laba dhacaysay
Markay soognayd doraatto
Sardhiyo laga quustay jiifka
markay xaydha wayn siniintay
laraacday sankee jalwaydey
markii saxariirku haystay
lamiineey soo naheeda
Suryada baas lagu horjooga
Silcaysay ninkii dhexjoogay
Sawsawlii kuma cesheene.
Samow oday waa sarbeebe
Salkaa weel laga unkaaye
Saaxiib siddii qabaxda jooji
Maandhaw haka selelin wayda
Hadday suurtaye hatoosin
Adeer soo dadab hankaaga
Senguhu yuu kula taraarin 
Ka laab suxulada habaaska 
Saruu qaad hmiladaada
Dadkii soo maray Barmuuda
Markuu sandahnaa hamoodin
kuwuu suxufigu tilmaamay
Kal hore saadaalinaayay
Lahaa haku saxan aqoonta
Sifii ganay maad ogayne
Sursuur haku gelin afkaaga.
intaa sarif iyo tusaale
Abwaan siminaaradii dheh
Hadhaw bay saxar tirtaaye 
kunnoqo sababaha wadeeco
Hadiyo jeer sarar jabkeeda
U Sahanay sahalka mooddey
Haday talo kaa surmawdo
Sibraysaad saari waydo
Facaagana aad saluugto
Sooyalkaa lagu hirtaaye 
Wuxuu yidhi soojireenku 
Ninkaad soo jooga kawaydo
Soo jiifsaa laga helaaye
Bulshooy seefaha kugooya
Seedaha ku jaree ku gooya
Seedaha ku jaree ku heera
Haddaan summadooda sheego 
Waxaa ummadyahay ku seegan 
Marnaba aad sanann wayday
Samooyinka maaligooda
Carrooyinka seesay hoose
Makhluuqaadkana samaystay
Suubaanta ka uumay aadan
Naflaydana deeqda siiya
Subxaan rabbi ka nasahan sarreeya
Xumaan ka nasahan sareeya.
Haddaba sakhlaynka eebe
Qofkaanu ka suulin maanka
Da’diisuna ay sugnaato
Wuxuu alle saaray waajib
Salaad faraliyo cibaado
Soon iyo sako iyo yaqiin cad
Sujuudduna maalin hoogta
Astaan shaqigiyo saciidka 
Waysadu kala soocda weeye.
Biyaa sakaraadka weeye
Qabriga saadkiisa weeye
Difaaca su’aasha weeye
Rafaadka iyo suunta jeeran
Sengaha lagu dhaafo weeye
Sallada laga fuulo hoohi 
Hoosada soomal haadka weeye
Intii sakatiliyo naarta
Gaashaanta saciira weeye
Sabuun daahirisa laabta
Soofaha qalbiyaasha weeye
Sallaan aan ciirin weeye
Haddaba suurkiyo xisaabta
Salaantii nuuri wayday
Siday noqon mooyideede
Adduun waa saacufaaye
Ha aamin in sabashadiisa
Addoomuhu waa sadcaale
Siddiiq haka dhigan iblaysa 
Jidkii mara saalixiinta 
Miyaan suubanihi keenin
Miyaa layna siin digniino.
Bulshooy rabbi waa samiice
Bahiir sidriyada ogaaye
Markii suuradii quraanka.
Waxaa Qoray Abwaan Cismaan ibraahim warsame (Hurre walanwal)
 

Features

  • Daawo:Mid Ka midaa Beelihii Ku Dagaalamayay Ceel-afweyn Oo Xabad-joojin Ku Dhawaaqay,Madaxweyne Biixiina Ka Codsaday In Xorriyadiisa U Soo Celiyo Boqor Buurmadow.
  • Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay Wakhtiga Ay Itoobiya Bilaabayso Dhismaha Jidka Berbera Iyo Wajaale.
  • Wasiiradda Shaqo-gelinta Iyo Arrimaha Bulshada Oo Bilawday Quudinta Dadka Maskaxda Ka Xanuunsanaya Iyo Derbi Jiifka.
  • Daawo:Mujaahid Aadan Ciise Oo Dhaalilo Ujeediyey Xildhibaano Uu Sheegey Inay Colaad Ka Hurinayaan Berbera,Kana Hadlay Diyaar Garaw La’aan Ka Jirta Xuska 18 May Ee Burco.
  • “Boqorka Waxaa Loo Xidhay Muran Ka Dhaxeeya Kulmiye Dhexdiisa” Gudoomiye Ciro Oo Si Kulul Uga Hadlay Xadhiga Boqor Buurmadaw.
  • Daawo:-Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Muddo Ka Dib Warbaahinta Ka Soo Muuqdey ,Weerarayna Madaxda Maamulka Xamar.
  • Daawo:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Dhawaajiyey In Lagu Taageero Xukuumada Uu Soo Dhiso,Laguna Samro Qalinkiisa.
  • Daawo:-Siyaasi Cabdilaahi Yuusuf Ka Oo Hadlay Ujeedada Udarnaa Socdaal Uu Ku Tegay Degmooyinka Gebogebo Iyo Faqa-ayuub,Sikululna Udhaliilay Siyaasada Ay Xisbiyada Mucaaradku Ku Ololaynaayan.
  • Daawo:-Madaxweyne Silaanyo Ka Jawaabay Eedaymaha Uga Yimaada Xisbiyada Mucaaradka,Dadweynaha Reer Somaliland-na Ugu Baaqay Inay Dorashada Udiyaargarooban.
  • Daawo:-Siyaasi Muuse Askar Oo Xisbiyada Mucaaradka Ku Eedeyey In Ay Kaadhadhka Codbixintu Iibsaayaan Baaq Nabadeed-na U Diiray Beelaha Dirirtu Ku Dhexmartay  Degaanka Dararweyne.
  • Daawo:-“Musharaxaanu Wadnaa Wuxuu La Fagaare Yimid Sidii ictiraafka Loo Heli Lahaa Iyo Sidii Uu Wadankeena Ugu Ilaahinlaa Cadawga “Xildhibaan Obama.
  • Daawo:-Jilayaasha Caanka Ee Sooraan iyo Jawaan Oo Soo Saaray Riwaayad Qosol Badan Iyo Fariinta Ay Xanbaarsantahay Riwaayadu.
  • Daawo:-Samafale Coldoon Oo Xabsiga Burco Kusoo Bandhigey Nin Mudo Badan Ku Xidhnaa, Baaq Uu Bulshada Udirey Iyo Xog-waranka Maxbuuska.
  • Daawo:-“Wasiirku Gurmad Weynbuu Soo Geystay  Waanu Uga Mahad Naqaynaa Wasiir Cali Mareexan Diyaarada Daawada Ee Uu Nasoo Gaadhsiiyey” Wasiir Xaglo Toosiye Oo Raali Gelin Ka Bixiwey War Si Khaldan Uga Baxay.
  • Xisbiga KULMIYE Oo Ka Gaabsaday Inuu Faah-faahin Ka Bixiyo Kulan La Sheegay Inuu Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Madaxwayne Farmaajo.
  • Madaxtooyada Somaliland Oo Lacagtii Ugu Badnayd Ku Bixisay Munaasibad Hotelka Marwada Madaxweyne Siilaanyo Ka Dhacay+Madaxweyne Silaanyo Oo Aan Waxba Kala Sucon Musuqa Ay Marwadiisu Ku Kacday.
More FEATURES