Dawladda Somaliland Oo Dacwad ka Gudbisay Laanta Afsoomaaliga Ee BBC-da.
Gebo Gebo News

March 13th, 2018
Dawladda Somaliland Oo Dacwad ka Gudbisay Laanta Afsoomaaliga Ee BBC-da.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta waraaq askhato ah oo ka dhan ah dhexdhexaadnimo la’aanta laanta afsoomaaliga ee BBC-da u gudbisay madaxda sare ee idaacadaasi, siday faafisay wakaaladda  wararka Somaliland ee SOLNA.

 

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax  [Guri-barwaaqo], ayaa qoraal dacwad ah gaadhsiiyey madaxa idaacadda BBC-da ee Afrika Salomon Mugera oo fadhigiisu yahay London iyo Carolina Korbia oo joogta Nairobi.

 

Xukuumaddu waxay si fiiro leh u qodobbeysay sida laanta afsoomaaliga ee BBC-du ay ula qabsatay dhexdhexaadnimo la’aanta iyo dheeli-tir la’aanta, mar kasta oo ay qabanayso doodaha iyo barnaamijyada lagu falanqeynayo arrimaha ku wajahan Somaliland iyo Soomaaliya.

Qoraalka wasiirka warfaafinta waxa lagu iftiimiyey in laanta afsoomaaliga ee BBC-du ay si xad dhaaf ah u buun-buuniso dhacdooyin aan macno lahayn oo laga soo diro Soomaaliya, halka ay indhaha ka qarsatay warar waaweyn oo ka dhacay Somaliland.

 BBC-du may  faafin socdaaladii madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku tagay dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

Waxa kaloo qoraalkaas lagu xusay in doodii u dambaysayee BBC-du qabatay 9-kii bishan March, ay u muuqatay mid ka baxday gacantii daadihiyii hagayey, waxaanu xubnihii u hadlayey Soomaaliya uu mar kasta siinayey wakhti ku dhow saddex ilaa shan daqiiqo oo aanu fursad u siinin ciddii u hadlaysay Somaliland.

Waxa kale oo xukuumaddu tusaale u soo qaadatay in weriyihii dooda hoggaaminayey uu Xildhibaan Sakariye Maxamuud oo ka socday Soomaaliya  u fasaxay inuu dhabqiyo oo ma jaro-habaabiyo dullucdii doodda laga lahaa, waxaanu si badheedh ah ugu qaylinayey masuulkii Somaliland ku matalayey dooddaas.

Siday werisay wakaallada SOLNA,waxa wasiirka warfaafinta ahna afhayeenka xukuumaddu wuxuu qoraalkiisa ku soo gunaanaday inaanu ka fursanaynin inuu qaado tallaabo ku habboon haddii aanay madaxda BBC-du xadgudbyada uu qoraalka ku soo bandhigay aanay ka bixin jawaab maan-gal ah sida ugu dhakhsaha badan.

Xigasho: Wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA

 Cumar Maxamed Faarax

Agaasimaha Waaxda Wakaallada wararka Somaliland

31 Views

Features

  • Daawo: Murashax Xil: Khalid Xasan Oo Naqdiyay Warbixintii Gudida Dabagalka Hantida Qaranka Wakiilada Iyo Lacago Uu Musuqay Xil:Nasir Cali Shire Oo Uu Soo Bandhigay.
  • Maxaa ka jira in kala diraayo ciidanka Liyuu boolis ee ka jira degaanka Soomaalida Itoobiya?
  • Ex Madaxweyne Silaanyo Oo Codsi Ay Shirkada DP World Usoo Dhiibtay Ula Tagay Madaxweyne BIIXI Iyo Jawaabta Uu Ka Helay.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
  • Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
  • Daawo:Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Heerkay Taagan Tahay Nabadgelyada Somaliland Hanjabaadna Udiray Putland.
  • “Dadka Arintaa Wadaa Waa Dad Darojooyina Haysta Kuna Nabadgala ” Xukumada Oo Soo  Saartay Amaro Ay Xal Ugu Raadinayso Xiisada Dagaal Ee Ka Taagan Ceelafweyn.
  • Dagaalkii Ceel-afweyn Oo Waji Cusub Yeeshay + Cabsi Laga Qabo In Uu Mar Kale Dib U Qarxo Iyo Xukuumadda Oo Afka Ka Xidhatay.
  • ” Waxaanu Cadaynaynaa In Habar Yoonis Oo Dhami Dagaalka Ceelafweyn Udhantahay Oo Qaar Ku Dhaawacmeen ” Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale Oo Ujawaabay Boqor Faysal.
More FEATURES