Madaxweynaha Somaliland Oo  Isugu Yeedhay Shir Gudoonka Guurtida, Wakiilada Iyo Axsaabta Qaranka Somaliland Iyo Nuxurka Arimaha Uu Kala Hadlay.
Gebo Gebo News




March 13th, 2018
Madaxweynaha Somaliland Oo  Isugu Yeedhay Shir Gudoonka Guurtida, Wakiilada Iyo Axsaabta Qaranka Somaliland Iyo Nuxurka Arimaha Uu Kala Hadlay.

Hargeysa(Gebogebonews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta isugu yeedhay, isla markaana kulan gaar ah la qaatay shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo gudoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaridka ah, ayaa daarranaa sidii qaran ahaan talo midaysan looga yeelan lahaa arrimaha ku soo kordhay mandaqadda Geeska Afrika maalmihii u danbeeyey, waxana la isla gorfeeyey sidii meel looga soo wada jeesan lahaa la iskuna duubnaan lahaa qaran iyo shacbi ahaanba.

 

 

Sidoo kale, Waxaa kulankaasi la isku hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in la dhawro midnimada iyo isku-duubnida shacabka reer Somaliland, meelna looga soo wada jeesto danta guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 



 

 

 

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 2 people, people sitting
Image may contain: 2 people, people sitting, table, living room and indoor
Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 2 people, people sitting and indoor
Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor
Gebogebonews.com
Gebogebonews@gmail.com

Features

  • Daawo: Cali Khaliif Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Laascaanood Gageero Balaadhana Ka Helay Reerkiisa
  • Madaxweyne Biixi Oo Soo Bandhigay Saddex Qodob Oo Ay Maraykanka Iyo Qarmaada Midoobay Ku Dhexdhexaadiyeen Colaadda Tukaraq Balse Uu Gaas Jebiyay
  • Siyaasi caan ah oo ku baaqay in Dacwad Lagu Soo Oogo Madaxweyne +Arimo Xasaasi Ah
  • “Beesha Caalamka Waxaa Ay U Sheegtay Muuse Biixi Inay Ka Baxaan Tuke-raq” Puntland Oo U Jawaabtay Madaxweyne Biixi
  • Shacab 50 sano ku soo jiray dagaal sokeeye oo markii ugu horeysay u dareeray doorasho
  • Wasiiradda Shaqo-gelinta Iyo Arrimaha Bulshada Oo Bilawday Quudinta Dadka Maskaxda Ka Xanuunsanaya Iyo Derbi Jiifka.
  • Daawo:Mujaahid Aadan Ciise Oo Dhaalilo Ujeediyey Xildhibaano Uu Sheegey Inay Colaad Ka Hurinayaan Berbera,Kana Hadlay Diyaar Garaw La’aan Ka Jirta Xuska 18 May Ee Burco.
  • “Boqorka Waxaa Loo Xidhay Muran Ka Dhaxeeya Kulmiye Dhexdiisa” Gudoomiye Ciro Oo Si Kulul Uga Hadlay Xadhiga Boqor Buurmadaw.
  • Daawo:-Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Muddo Ka Dib Warbaahinta Ka Soo Muuqdey ,Weerarayna Madaxda Maamulka Xamar.
  • Daawo:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Dhawaajiyey In Lagu Taageero Xukuumada Uu Soo Dhiso,Laguna Samro Qalinkiisa.
  • Daawo:-Siyaasi Cabdilaahi Yuusuf Ka Oo Hadlay Ujeedada Udarnaa Socdaal Uu Ku Tegay Degmooyinka Gebogebo Iyo Faqa-ayuub,Sikululna Udhaliilay Siyaasada Ay Xisbiyada Mucaaradku Ku Ololaynaayan.
  • Daawo:-Madaxweyne Silaanyo Ka Jawaabay Eedaymaha Uga Yimaada Xisbiyada Mucaaradka,Dadweynaha Reer Somaliland-na Ugu Baaqay Inay Dorashada Udiyaargarooban.
  • Daawo:-Siyaasi Muuse Askar Oo Xisbiyada Mucaaradka Ku Eedeyey In Ay Kaadhadhka Codbixintu Iibsaayaan Baaq Nabadeed-na U Diiray Beelaha Dirirtu Ku Dhexmartay  Degaanka Dararweyne.
  • Daawo:-“Musharaxaanu Wadnaa Wuxuu La Fagaare Yimid Sidii ictiraafka Loo Heli Lahaa Iyo Sidii Uu Wadankeena Ugu Ilaahinlaa Cadawga “Xildhibaan Obama.
  • Daawo:-Jilayaasha Caanka Ee Sooraan iyo Jawaan Oo Soo Saaray Riwaayad Qosol Badan Iyo Fariinta Ay Xanbaarsantahay Riwaayadu.
  • Daawo:-Samafale Coldoon Oo Xabsiga Burco Kusoo Bandhigey Nin Mudo Badan Ku Xidhnaa, Baaq Uu Bulshada Udirey Iyo Xog-waranka Maxbuuska.
More FEATURES