Madaxweynaha Somaliland Oo Safar Deg Deg Ah Imaaradka Ugu Baxaya Iyo Farmaajo Oo Isna Safar Ugu Baxaya Qatar.
Gebo Gebo News

March 13th, 2018
Madaxweynaha Somaliland Oo Safar Deg Deg Ah Imaaradka Ugu Baxaya Iyo Farmaajo Oo Isna Safar Ugu Baxaya Qatar.

Hargeysa(Gebogebonews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa socdaalkiisii u horeeyay ku tagaya Waddanka Isu Tagga Imaaraadka Carabta oo uu marti qaad ka helay. Socdaalka madaxweyne Muuse waxa uu imanaya xilli xukumadda Muqdisho tushuush ku furtay heshiiska Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya ka gaadheen horumarinta dekedda Berbera.

 

 

Socdaalka Madaxweyne Muuse waxa ku gadaaman tuhunno siyaasadeed maaddaama mandaqada Geeska Afrika ay hadhaysay arrinta shirkadda Dp World todobaadadii u dambeeyay.

 

 

Madaxweyne Biixi, oo aan saxaafadda la hadal markii uu dhoofiyay, ayaa waxa safarkaasi ku wehelinayay shan wasiir oo kala ah, wasiirrada arrimaha dibedda, Qorshaynta, Ciyaaraha, Arrimaha Distoorka iyo Biyaha; iyo sidoo kale, guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay sheegay in ay dalkooda ka mamnuuceen Dp World oo ka hawlgasha dekedo ku yaalla Puntland iyo Jubaland waxaanay ka cadhoodeen heshiiska dekedda Berbera.

 

 

Dawladda Jabuuti ayaa Iyana dabayaaqadii bishii hore eriday Dp World iyada oo la rumaysan yahay in ay ka hinaastay horumarinta dekedda Berbera.

 

 

Sidoo kale waxa la filaya in todobaadkan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo socdaal ku taggo Waddanka Qadar.

 

 

Warbaahinta maxalliga ah ee Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay ka faalloonayay socdaal uu Farmaajo ku tagayo Dooxa oo ay ku weheliyaan wasiirro door ah. Socdaalkan ku soo beegmay xilliga kala guurka ah ayay warbaahinta Soomaaliya ku warramaysay in uu suuro gal ka dhigi karo in Farmaajo dhanka Qadar u janjeedhsado kana tanaasulo mawqifkiisa dhexdhexaadnimo ee Khaliijka Carabta.

 

 

 

Dawladdaha Qadar iyo Imaaraadka waxa muddooyinkii u dambeeyay ka dhexeeyay xafiiltan xooggan oo dhanka siyaasadda ah taas oo sababtay in Qadar la gadoomiyo. Khilaafka Carabta ayaa u muuqda mid Geeska Afrika ku soo fiday oo waddamo Afrika ah sida Somaliland iyo Somalia la kala safanayaan labada dhinac.

 

Hoos Ka Daawo Muqaalka Warka Madaxweyne Bixi Ee Safar Imaaradka.

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

26 Views

Features

  • Daawo: Murashax Xil: Khalid Xasan Oo Naqdiyay Warbixintii Gudida Dabagalka Hantida Qaranka Wakiilada Iyo Lacago Uu Musuqay Xil:Nasir Cali Shire Oo Uu Soo Bandhigay.
  • Maxaa ka jira in kala diraayo ciidanka Liyuu boolis ee ka jira degaanka Soomaalida Itoobiya?
  • Ex Madaxweyne Silaanyo Oo Codsi Ay Shirkada DP World Usoo Dhiibtay Ula Tagay Madaxweyne BIIXI Iyo Jawaabta Uu Ka Helay.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
  • Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
  • Daawo:Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Heerkay Taagan Tahay Nabadgelyada Somaliland Hanjabaadna Udiray Putland.
  • “Dadka Arintaa Wadaa Waa Dad Darojooyina Haysta Kuna Nabadgala ” Xukumada Oo Soo  Saartay Amaro Ay Xal Ugu Raadinayso Xiisada Dagaal Ee Ka Taagan Ceelafweyn.
  • Dagaalkii Ceel-afweyn Oo Waji Cusub Yeeshay + Cabsi Laga Qabo In Uu Mar Kale Dib U Qarxo Iyo Xukuumadda Oo Afka Ka Xidhatay.
  • ” Waxaanu Cadaynaynaa In Habar Yoonis Oo Dhami Dagaalka Ceelafweyn Udhantahay Oo Qaar Ku Dhaawacmeen ” Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale Oo Ujawaabay Boqor Faysal.
More FEATURES