Akhriso Warbixin Ka Shiftay Musuq-maasuq Ay Ku Kaceen Wasiiro Ka Tirsan Xukumada Madaxweyne Biixi iyo Dhacdooyin Kale Oo La Yaab leh Oo Ay Sameeyen.
Gebo Gebo News

March 14th, 2018
Akhriso Warbixin Ka Shiftay Musuq-maasuq Ay Ku Kaceen Wasiiro Ka Tirsan Xukumada Madaxweyne Biixi iyo Dhacdooyin Kale Oo La Yaab leh Oo Ay Sameeyen.

Hargaysa (Gebogebonews)-Xukuumadii uu 14-kii Bishii December 2017 soo dhisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane muuse biixi cabdi ayaa u badan xubno ku cusub siyaasadda Somaliland magacoodana aanay bulshadu aqoon u lahayn.

 

 

 

 

 

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xiligii ololaha doorashada ku kaanbayn gareeyay inuu si adag uga soo hor jeedo musuq maasuqa iyo lunsashada hantida qaranka, madaxweynuhu markii uu soo dhisay dawladiisa iyo kulamadii ugu horeeyay ee uu la yeeshay wasiiradiisa wuxuu ku adkeeyay in la beekhaamiyo dhaqaalaha ay kala wareegayaan wasiiradii xukuumadii siilaanyo maadaama aan ilaa hada xitaa golaha wasiiradu aanay ansixin odoroska miisaaniyadda qaranka ee 2018 xili aynu ku jirno badhtamihii bishii sadexaad.

 

 

 

 

 

Si uu u hanto Wasiirka cusub ee loo soo magacaabay wasaaradan oo uu ka mid yahay mas’uuliyiin hoosaadkeeda waxa uu sameeyay wax kasta oo uu u arkayay inay ku hagayso kasbashada wasiirkiisa cusub waxa uu ka weeraray dhanka jeebka iyo baahidiisa gaar ahaaneed,waxay shaqaaluhu ku warheleen dhamaan agabka guryaha sida hurdo iyo fadhi cusub oo meherad aan wasaarada ka fogayn looga rarayo loona wado guriga Wasiirka xilka la wareegay ee aqoonta badan aanay u lahayn
Wasiirkani waxa uu wasiirkii ka horeeyay kala wareegay 28 gaadhi oo wasaaradani leedahay waxaa ku jira ilaa shan gaadhi oo ah nooca Land Cruiser-ka oo mudo yar shaqaynayay waxay gaadiidkaas oo dhaqaale badani uu qaranku ku bixiyey ay ay qaarkood maanta yihiin kuwo bacad yaal ah, hasa yeeshee waxa uu hadana Masuulkani wasiirkiisan cusub iyo ku xigeenkiisaba u soo iibiyey laba gaadhi oo nooca Land Cruiser ah kaas oo sida sharcigu dhigayo ay waajib ahayd in la soo mariyo guddida qandaraasyada qaranka,taas oo aan dhicin sidoo kalena labadan baabuur kumay jirin bajad miisaaniyadeedkii wasaaradaas ee sanadkii tegay ee 2017.

 

 

 

 

Cida qormadu u araaranayso waa Wasiirka wasaaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland mudane C.raxmaan C.laahi Faarax Guribarwaaqo cida baahidiisa gaarka ah daboolaysa ee hantidii uu qaranka uga mas’uulka ahaa ka laaluushaysaana waa agaasimihiisa maamulka iyo lacagta ee wasaaradaas xasan maxamed (xasan yare) oo lagu yaqaan adeegsiga xeelado uu ku badbaadsado xilkiisa iyo dhaqaalaha badan ee uu gacanta ku hayo taas oo ka dhigtay agaasime waaxeed mararka qaar la moodo wasiirka haysta wasaarada warfaafinta Somaliland.

 

 

 

 

Dad badan ayaa aaminsanaa in wasiirkan cusub ee warfaafintu uu yahay shakhsi mudo badan ku noolaa dalalka reer galbeedka,hanti ku filan oo uu noloshiisa iyo ta qoyskiisana ku dabari karo haysta markii uu Somaliland ku soo laabtayna ka shaqo galay jaamacada hargaysa oo uu macalin ka ahaa isla markaana ay ka badbaadi doonto ku tagrifal hantida iyo miisaaniyada wasaaradaas hasa yeeshee filashadaasi way beenowday.

 

 

 

 

Sidaa darteed miyaan la odhan Karin Waxaa Wasiirkan laga laaluushay dhaqaalihii uu qaranku u igmaday inuu si cadaalad ah ugu adeego.

 

 

Qadiyadani ma aha dacaayad,mana aha mid aan ku hafrayo ee waa xaqiiq aan mugdi lahayn waxaan qormadan ku soo ladhay labada baabuur ee wasiirka iyo wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta lagaga laaluushay hantidii ay qaranka uga masuulka ahaayeen, kuwaas oo aan weli lagu xidhin Lambarkii gaadiidka dawlada Lambarkan gaadiidka shicibka ee 86917 ayaa ah gaadhiga loo soo iibiyey Wasiir Guri barwaaqo iyo gaadhiga wasiir ku xigeenka maxamed muuse abees oo Lambarkiisu yahay 89943.

 

 

 

 

Waxaa kale oo qormada tan xigta aan ku soo bandhigi doonaa Cadaymo marag iyo markhaatiba u ah sida wasiirka warfaafinta uu agaasimihiisa maamulku ugu qalabeeyay gurigiisa cadayntaas oo ah Rasiidhada qaan sheegta ee meherada laga iibiyey ay bixisay.

 

 

 

Waxaan qormadan ku soo khatimayaa Meerisyo ka mid ah Maansadii Mudduci ee uu Tiriyey Abwaan xasan daahir ismaaciil weedhsame.

 

 

 

 

Mudanaha dhimbiishiyo

Booliga ku mayracay

Xaaskiyo min-weyntii

Ninka mahayo-mooggii

Ubadkiisii maydhnaa

Ku masruufay xaaraan.

Anigaa markhaatiya

Mareegaale tuugiyo

Man-naxaan inuu yahay.

Milladii islaamkiyo

Dhaartaad marteeniyo

Xaqa muuminiintiyo

Ducadii madluunkee

Toos loo maqlaayiyo

Mawdkiyo xabaashiyo

Qabrigii madoobaa

Ee maro cad mooyee

Maal lala tegayniyo

Muduciga qiyaamaha

Maxkamada ilaahay

Kugu maadsanaayiyo

Xaaraanta maandhow

Cishadaa macaanayd

Muruqaad ku xoogtiyo

Midigtaad ku taabtiyo

Dhuuntaa ad marisee

Kugu marag furaysiyo

Mustafaha warkiisii

Moogaha illaawoow.

Magac dhawristii iyo

Dhaqankii masuulnimo

Xilkaskiyo marwaadkii

Maydhaamihiiyoow

Maahmaah horaa tidhi

“Nimay soori malagtiyo

Nimay seefi mirataa

Maso weeyi weligood”

Muurmuursan weydee

Haddii ay mur kugu tahay

Mid kalaa waxay tidhi

“Hunguriga la miriyaa

Wax ka weyni maaf noqoy”

Haddaad taa ka murantoo

I tidhaahdo maan maqal

Mid kaloo la midaboo

Macnahaa siddaa tidhi

“Halkay maalin dacawadu

Macda neefka ku cuntaa

Macaluushu dhigataa”

Haddaad malabka boolliga

Muudsoo is qari tidhi

Murti-yahan horaa yidhi

“Macal cune ma dhuuntee

Kollay muuqan doonee!!!

 

 

 

 

 

 

Waxaa Qoray Suxufi Cabdi Jaamac Warfaa

suxufiwarfaa2017@gmail.com

37 Views

Features

  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
  • Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
  • Daawo:Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Heerkay Taagan Tahay Nabadgelyada Somaliland Hanjabaadna Udiray Putland.
  • “Dadka Arintaa Wadaa Waa Dad Darojooyina Haysta Kuna Nabadgala ” Xukumada Oo Soo  Saartay Amaro Ay Xal Ugu Raadinayso Xiisada Dagaal Ee Ka Taagan Ceelafweyn.
  • Dagaalkii Ceel-afweyn Oo Waji Cusub Yeeshay + Cabsi Laga Qabo In Uu Mar Kale Dib U Qarxo Iyo Xukuumadda Oo Afka Ka Xidhatay.
More FEATURES