Dadwaynaha Reer Somaliland Oo Dhibaato Kala Kulma Helista Fiisaha Itoobiya iyo Safaaradda Oo Joojisay Baasaaboorka Somaliland.
Gebo Gebo News

March 14th, 2018
Dadwaynaha Reer Somaliland Oo Dhibaato Kala Kulma Helista Fiisaha Itoobiya iyo Safaaradda Oo Joojisay Baasaaboorka Somaliland.

Hargeysa (Gebogebonews)- Qaar ka mid ah Shacabka reer Somaliland, ayaa cabasho ka muujiyey  safaaradda  ay Dowladda Itoobiya ku leedahay Guddaha Somaliland, taasi oo ay ku eedeeyeen inay siin weyday fiisihii dalku galka Itoobiya.

 

Qaar kamid ah dadka cabayayey oo warbaahinta kula hadlay afaafka saafaradda itoobiya ee Hargeysa, ayaa waxay sheegeen inay muddo badan ku soo noq-noqonayeen safaarada illaa hadda aanay wax fiise ah helin “Walaal waxaan ka cabanaynaa oo aanu dowlada sharafta leh ee aanu qiimaynayno uga cabanaynaa , waxaanu sidannaa baasaabooro waxaan ka imi dhaktar Addis Ababa ku yaal waxa laygu yidhi laba todobaad ka idb soo noqo haddii aad soo noqon weydana jidhkaaga ayuu gaadhaya, hadda waxaan u baahanay fiisaha dalku galka Itoobiya meeshii ayaan hor tubanahay, dadbaa gacmaha lagu sidaa qaar ayaa ila mid ah , qaar ayaa arday ah” sidaas waxa tidhi haweenay ka mid ah dadka cabashada ka muujinayay safaaradda oo warbaahinta la hadashay.

 

 

 

 

 



 

 

 

Haweenayda oo haddalkeeda sii wada tahay ayaa  ka codsatay xukuumada Somaliland inay la haddlaan saafaaradda itoobiya ”waxaanu dowkada sharafta leh ka codsanaynaa inay la haddlaan safaaradan bil dhan ayey dadkii cel-celinayaa , safaaradu inay kuu aamusto subaxi ayaa duhurka la odhanayaa iska socda waxba ma jiraane”

Sidoo kalena  waxa ka bixiyey faah-faahin mid ka mid ah dadkii cabanayey waxaanu ku bilaabay haddalkiisa sidan:-‘Magacaygu waa Ismaaciil Geelle Jaamac, waxaan sitaa baasaaboorka ” Somaliland” shan iyo toban maal-mood ayaan saafarada hor tubanayhay , cid naga qabatay oo naga xaraysay ma jirto, waxa weeyaan dowladu baasaabooradii lacagtii ayey naga qaaday meel lagu tegayaa ma jirto, itoobiyana safaaradeedii wey xidhatay cid ka haddlaysaa oo masuuliyiini  oo dadka shacabka ah u haddlaysaa maanaan arag, maalin walba bacadka sidaa loo taaganyahay ayaa la rawaxaa, dadbaa kansar hayaa dadbaa caruuro kaga xaniban-yihiin”

Waxa kale oo isna halkaasi ka haddkey wiil dhalinyari ah waxaana kamid ahaa haddaladiisii:-”Waxaanu ka cabanaynaa  safaaradan xidhan ee aanu shan iyo tobanka cisho hortaagaynay, xabashidu markii ay wajaale ka yimadaan ilaa iyo laascanood halka ugu damabaysa lug ayey ku dhexmaraan sida ay wadankoodii marayaan annaguna  lacagtayadii ayaan la baryaynaa sharcigiina waanu la hortaanahay, safaaradda fiise ayaanu ka daanaynaa fiisihiiina waa loo diiday dadkoo inta la fadhiyo ayaa mid soomaaliye soo baxayaa duhurka iska kala taga ayuu odhanaayaa”

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

 

27 Views

Features

  • Daawo:komishanka Maamul Wanaaga Iyo La Dagaalanka Musuq-maasuqa Oo Burco Ka Bilaabay La Xisaabtanka Masuuliyiinta Laamaha Dawlada Togdheer.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
  • Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
  • Daawo:Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Heerkay Taagan Tahay Nabadgelyada Somaliland Hanjabaadna Udiray Putland.
  • “Dadka Arintaa Wadaa Waa Dad Darojooyina Haysta Kuna Nabadgala ” Xukumada Oo Soo  Saartay Amaro Ay Xal Ugu Raadinayso Xiisada Dagaal Ee Ka Taagan Ceelafweyn.
  • Dagaalkii Ceel-afweyn Oo Waji Cusub Yeeshay + Cabsi Laga Qabo In Uu Mar Kale Dib U Qarxo Iyo Xukuumadda Oo Afka Ka Xidhatay.
  • ” Waxaanu Cadaynaynaa In Habar Yoonis Oo Dhami Dagaalka Ceelafweyn Udhantahay Oo Qaar Ku Dhaawacmeen ” Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale Oo Ujawaabay Boqor Faysal.
  • Dawladda Somaliya Oo Diyaarado Hub Ah Ka Dejisay Madaarka Garoowe Iyo Dalka Hubkaas Ugu Deeqay Farmaajo.
  • Wasiiradda Shaqo-gelinta Iyo Arrimaha Bulshada Oo Bilawday Quudinta Dadka Maskaxda Ka Xanuunsanaya Iyo Derbi Jiifka.
  • Daawo:Mujaahid Aadan Ciise Oo Dhaalilo Ujeediyey Xildhibaano Uu Sheegey Inay Colaad Ka Hurinayaan Berbera,Kana Hadlay Diyaar Garaw La’aan Ka Jirta Xuska 18 May Ee Burco.
  • “Boqorka Waxaa Loo Xidhay Muran Ka Dhaxeeya Kulmiye Dhexdiisa” Gudoomiye Ciro Oo Si Kulul Uga Hadlay Xadhiga Boqor Buurmadaw.
  • Daawo:-Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Muddo Ka Dib Warbaahinta Ka Soo Muuqdey ,Weerarayna Madaxda Maamulka Xamar.
More FEATURES