Madaxweyanaha Somaliland Muuse Biixi Oo Bari Saxeexi Doona Heshiiiskii Saldhiga Millatari Ee Berbera Oo Wax Ka Bedel Lagu Sameeyey.
Gebo Gebo News

March 14th, 2018
Madaxweyanaha Somaliland Muuse Biixi Oo Bari Saxeexi Doona Heshiiiskii Saldhiga Millatari Ee Berbera Oo Wax Ka Bedel Lagu Sameeyey.

Hargaysa (Gebogebonews)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan Dalka Imaaraadka wuxuu barri si rasmiya u saxeexi doona Saldhig Millatari oo Imaraadku ka samaysanaayo Magaalada Berbera. Maanta wuxuu la kulmayaa Wasiirka Madaxtooyada Sheikh Mansour bin Zayed, barina wuu la kulmayaa ninka dhaxalka leh ee Sheikh Mohammed bin Zayed, Crown Prince of Abu Dhabi. Wuxuuna saxeexaya hehsiiskii Saldhiga.

 

 

Waxa yaableh Madaxweyne Muuse Biixi maalmihii hore wuu iska adkeeyay heshiiska Saldhiga haddii aan la fulinayn qoraalkii been beenta aha ee Ummadda lagu siray ee aha inay dhisayaan wadada Berbera Corridor, Madaar Cusub, dhalinyaradda Somaliland oo Imaraadka shaqaale ahaan ay u qaadanayaan, Baasaboorka Somaliland oo ay fiisaynta Imaraadka ogolaanayaan iyo fursadaha ganacsatadeeda oo ay balaadhinayaan.

 

 

 

Dhammaan waxaasi waxay noqdeen biyo coldhaanshay iyo been hehsiiska lagu soo xero galiyay . Hadda muxuu Madaxweyane Muuse Biixi dhaafsaday inuu saxeexo Saldhiga ??

 

 

 

 

 



 

 

 

 

 

 

Markii uu is yara adkeeyay wuxuu Wakiilka Somaliland ee Imaraadku Baashe Cawil ku war galiyay Xukuumadda Imaraadka inay dhinac kale uga wareegaan oo kharash kiro ah u bandhigaan Madaxweyanaha cusub maadaama oo aanay mashariicdaas fulin karayn, tii ayay ogoladeen Muuse Biixi Cabdi na lagu qanciyay maadaama Xukuumaddiisu cusubtahay duruufana dhaxashay inuu lacag kaash ah oo aan la cayimin qaato.

 

Baashe Cawil Xaji Cumar fariid ninka hawshaas oo dhan dhameeyay isaga weeye,Waxa haddaba yaab leh dhammaan sirahan looma sheegin shacabka Somaliland, markii waftigu Hargaysa ka dhoofayay casuumad baanu helnay ayaa lagu kobay, waxaas iyo waxaas ayaanu u tagayna cidna loogama sanqadhin, inta dhiiga lagu kiciyay ayuunba loo dhex raaciyay muranka Xukuumadda Muqdisho iyo waa layna qabsanayaa. Waxa ka sii yaab badan kooxo kooban ah oo Ilaa xalay baraha bulshada ku faraxsanaa diyaarada Madaxweyne Muuse Biixi iyo waftigiisa qaaday, kuwaas walow ay tagerayaal gaara u badnayeen hadana u muuqday in la sii balamiyay.

 

 

 

Haddii diyaaradi wax tarayso Siilaanyo sagaal jeer ayuu Imaraadku u soo diray diyaarad khaasa Hotel Dubai ahna ku dajiyay kadib wax ka saxeexday maxaa Dalka iyo Dadka u soo kordhay?.

 

 

Madaxweyne Muuse Biixi waxay ummaddu uga fadhidaa marku Waddanka ku soo guryo noqdo alle hasoo nabadgeliye wuxuu dhaafsaday Saldhiga Millatari ee Berbera, isagoo og khataraha ka iman kara, muranka awoodaha maanta Suuriya isku hirdiyaaya, dagaalka Yemen iyo muranka Khaliijka, Iran iyo saamaynteeda waxaas oo dhan muxuu soo dhaafsaday ma Ictiraaf midhkaas uunbaynu ku qanci karnaa colaadana ugu badheedhi karna lakiin wax jeebka shakhsiyaad ku dhacay Dalka looma xaraashi karo,Ummadda haraadan ee abaaraysan ee sicir-bararku silciyay wuxuu u sido diyaarad raaxa laygu qaaday iyo xooga kash ah oo aan cidina ka war hayn ayaa nalasiiyay sad-u noqon mayso Shacabka silicsan.

 

 

 

 

Qalinkii Muniir Axmed Cigaal .

 

 

92 Views

Features

  • “ Dagaalka Dhumay Inuu Soo Jiitantamo Muddo Inta Leeg Waa Guul Daro Siyaasadeed” Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
More FEATURES