Qiimaha Sarrifka Dollarka Oo Kor U Kacay, Go’aamadii Guddiga Sicir-bararka Oo Aan Isbedel Keenin iyo Maciishadda Oo Sii Adkaanaysa
Gebo Gebo News

March 19th, 2018
Qiimaha Sarrifka Dollarka Oo Kor U Kacay, Go’aamadii Guddiga Sicir-bararka Oo Aan Isbedel Keenin iyo Maciishadda Oo Sii Adkaanaysa

Hargaysa(Gebogebonews)Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan soo saartay go’aamo ay sheegtay inay ku xakamaynayso sicir bararka, isla markaana ay kor ugu qaadiso qiimaha shilinka Somaliland, waxaanay sheegtay in go’aamadaasi si rasmi ah u dhaqan gali doonaan Sabtidii aynu soo dhaafnay.

 

Hase yeeshee qiimaha sarrifka ayaa wali sabayanaya, waxaana muuqata in sarrifku kor u sii kacayo inkastoo ay shacbigu rajaynayeen inuu hoos u dhaco qiimaha dollarku.

 

Qiimaha 1-ka dollar ayaa kor ugu kacay 10,400 (toban kun iyo afar boqol oo shilinka Somaliland ah)  halkii uu markii hore u dhexeeyey 10,000 illaa 10,100 slshilin, waxaaay taasi la macno tahay in qiimaha sarrifka dollarku kor u kac weyn sameeyey afartii cisho ee la soo dhaafay.

 

 

 



 

 

Sidoo kale waxa suuqa soo wajahday dollar yaraan kor u sii qaaday qiimaha dollarka, waxaana maalmihii u dambeeyey ganacstada iyo sarriflayaashu ku dedaalayeen inay jeebka ku haystaan wixii dollar ah halka xaddiga lacagta Somaliland ah ee suuqa taalla ay sii kordhaysay.

 

Geesta kale ganacsatada qaadka iibiya ayaa wali dalka ka saara dollarka iyagoo halkii ay lacagta birta u celi lahaayeen Itoobiya dollar ku bedesha, taasoo ah qodobka ugu weyn ee illaa hadda sababaya dollar yaraanta suuqa ka jirta, hase yeeshee xukuumadda Somaliland iyo guddiga sicir bararku wali kama hadal arrintan.

56 Views

Features

  • Daawo:Prof Yuusuf Goodir Oo Soo Bandhigay Musuq-maasuq Iyo Maamul Xumo Ka Jirta Jaamacada Burco.
  • Daawo:Xisbiga Waddani OoSharci Daro Ku Tilmaamay Amar Ay Wasaraada Waxbarashadu Ku Soo Rogtay jaamacadaha Dalka.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
More FEATURES