18 MAY: Dabaal Degyo Wax Dhaafiisan Ma U Qorsheysanay Haddaynu Nahay Qurbe Joogta Somaliland
Gebo Gebo News

May 5th, 2018
18 MAY: Dabaal Degyo Wax Dhaafiisan Ma U Qorsheysanay Haddaynu Nahay Qurbe Joogta Somaliland

Waxaan jeclahay oo aan maanta qalinka u qaatay in aan dadkayga Somaliland ku bogaadiyo xuska munaasibada 18-ka MAY. Taas oo ah xuska sannad guurada 27aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Ka gadaal, hambalyada, waxaa habboon in aynu su’aalo dhawr ah is weydiino haddaynu nahay bulshada Somaliland, gaar ahaan inteena qurbaha ku nool.

Ugu horrayn,  waxaa inala gudboon in aynu is waydiino, xuska munaasibadda maalinta qaranka Somaliland ee 18 MAY, ma u haynaa wax qorshe ah oo dhaafsiisan xaflado lagu qabto hoteelo uu kharash badani inagaga baxo. ma ku dhiirannaa oo ma qaban qaabinnaa sidii aynu qadiyadeena meel wal oo

sharcigu u fureyba u gaadhsiin lahayn. Ma qornaa warbixino, warar iyo taariikho tilmaamaya mudnaanta maalintani leedahay iyo halkii qaranka laga soo bilaabay yagleelkiisa iyo geedi socodka dimuquraadiyadda ka hanno qaaday, oo ay dhif iyo naadir tahay in ay ka suuro gasho dalal badan oo Afrika ah.

Si aynu kaalin mug leh uga qaadano taabbo gelinta qaddiyadda iyo madaxbannaanida qarankan curdinka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, inaga oo adeegsanayna warbaahinta caalamiga ah, intee in leeg ayaa la inooga baahan yahay warbixino, maqaalo iyo faalooyin ka turjumaya qarannimadeena oo aynu ku baahino Website-yada caanka ah ee caalamka, imisa warqadood baynu se u dirnaa wasaradaha arrimha dibada ee wadamada aynu ku nool nahay.

Wakiiladeena dibadu maxay qabtaan ee ay soo kordhiyaan ee xidhiidh siyaasi iyo mid diplomacy leh iyaga oo ka faaidaysanaya cududa shacbiga maalintan soo ajiibay. Haddaba ugu dambayn waxaan jeclahay inaan xasuusiyo dhamaan shacabka Somaliland gaar ahaan kuwa qurba-jooga ah in munasibadan la weyneeyo. sidoo kalena warbixino iyo qoraalo caalami ah dunida lala wadaago. Muwaadin ku dhiiri geli qof wal oo aad og tahay inuu waxna qoro waxna akhriyo inuu diyaariyo maqaal ama warbixin ku saabsan qadiyada dalkeena si aynu ula wadaagno meelaha ku haboon ee inaga gacan siin kara meel marinta qaddiyadeena, muwaadin aynu isku sheegno xidhiidhada ay haboon tahay in lala wadaago qadiyadeena.

Mahadsanidiin.

abdiaalen98@gmail.com

79 Views

Features

  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
  • Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
More FEATURES