Xog Cusub: Ma Agaasime Guud Mise isku Eekaysiin Wasiir Xaashi iyo Xirsigii Chief of Cabinet-ka
Gebo Gebo News




May 7th, 2018
Xog Cusub: Ma Agaasime Guud Mise isku Eekaysiin Wasiir Xaashi iyo Xirsigii Chief of Cabinet-ka

Shalay waxa aan dhegeystay muuqaal uu ka hadlayey agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland, Maxamed Cali Bile, kaas oo ka hadlayey qorshe iyo shir ay yeesheen Shaqaalaha madaxtooyadu balse uu isagu ku sheegay Agaasimeyaal daba gelaya waxa ay qabtaan wasiirada ama wasaaradaha madaxweynuhu magacaabay, taasi oo aniga shaki I gelisay runtii jeclaystayna in aan maqaal ka qore si dadku ila arkaan madaxweynuhu u ogaado in uu maray wado hore shacbigu uga qayliyeen oo aan anigu islahaaba malaha madaxweynuhu tallaabooyinkaasi oo kale qaadi maayo oo waa nin dalka iyo dadkaba wax badan xogogaal uga ah.

 

Hadaan intaa ka dhigo arar iyo hordhac kooban waxa aan uga dan leeyahay maqaalkaygan maxaynu isbedel uga baahnayn, hadiiba ay tani jirto oo madaxweynihii oo jooga uu agaasime guud oo weliba ay isku beel yihiin uu leeyahay wasaaraddaaha ayaan dabagal ku samaynayaa oo masuul dhan oo qaranka u dhaartay oo madaxweyne magacaabay ayaan u dirayaa shaqaale hoosaad aan wasaarad ku tiirsanayn oo shaqo aan sharci iyo nidaam dastuuriya loogu igmani uu qabto shaqo loogu talo galay wasaarada qorshaynta iyo hanti dhawraha guud oo aan anigu u arko inay shaqadooda tahay inay ku daba galaan ama ku ilaaliyaan hawlaha ay wasaaradu u hayaan qaranka iyo shacbigaba, balse ma garan halka uu ina cali bile ka soo galay iyo awoodaha uu u leeyahay arrintaasi, ma waxa uu ina leeyahay madaxweynahaan shaqadiisa gudan Karin sidii horeba u dhacday mise madaxweynahaa u igmaday oo isagaan xusin mise wax ummadda laga qarinayo ayaa jira oo madaxweyneyaashu ay u adeegsadaan dadkan awooda gaarka ah la soo baxa marka madaxweynuhu kursiga fuulo mise waxaan lagu kalsoonayn wasaaradahan dadka loo magacaabay ee waliba madaxweynaha hortiisa lagu dhaariyey, akhristayaasha ayaan u dhaafayaa su’aashaasi.

 

 

Midna waa iga hogo tusaalayn iyo dareen aan idin la wadaagayo, waana mid iswaydiinteeda leh in qofwalba jawaab u helo, waxa aynu ogayn markii dawladii silaanyo dhalatay in madaxweyne silaanyo magacaabay chief of cabinet kaasi oo muran badan dhaliyey loona magacaabay xirsi gab oo dadka ka qayli siiyey ilaa looga yeedhay barlamaanka oo wax laga waydiiyey awoodaha uu isticmaalayo halka uu ka keenay iyo in uu sharxo waxa uu yahay xilkan laftiisu iyo shaqada uu qabto, taasi oo aanan doonayn in aan ku sii dheeraado waa la ogaa halkii uu ku danbeeyey oo ahayd in maaro iyo jawaab loo waayey xirsina madaxweynaha ka dalbaday in uu wasiir buuxa ka dhigo oo uu sharci u maro awoodiisa, waanay u rumawday, balse ku darso meel ayey is kaga mid ka yihiin oo maanta waxa la baabiiyey wasaaradii madaxtooyada agaasime guudbaana ka shaqeeya.

 

 

 

 

Hadal gundhigii maxaa lagu haystay maxamuud xaashi sow may ahayn madaxtooyadii ayuu ka buuxiyey dad aan ehel u ahayn inay qasriga ka shaqeeyaan oo ka batay intii tiro ahaan loogu talogalay, bal aynu eegno ina bilena inta uu soo kordhiyo imika agaasime miidhan ayuu magacaabaye.

Subeer Xasan

Features

  • Daawo:Mid Ka midaa Beelihii Ku Dagaalamayay Ceel-afweyn Oo Xabad-joojin Ku Dhawaaqay,Madaxweyne Biixiina Ka Codsaday In Xorriyadiisa U Soo Celiyo Boqor Buurmadow.
  • Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay Wakhtiga Ay Itoobiya Bilaabayso Dhismaha Jidka Berbera Iyo Wajaale.
  • Wasiiradda Shaqo-gelinta Iyo Arrimaha Bulshada Oo Bilawday Quudinta Dadka Maskaxda Ka Xanuunsanaya Iyo Derbi Jiifka.
  • Daawo:Mujaahid Aadan Ciise Oo Dhaalilo Ujeediyey Xildhibaano Uu Sheegey Inay Colaad Ka Hurinayaan Berbera,Kana Hadlay Diyaar Garaw La’aan Ka Jirta Xuska 18 May Ee Burco.
  • “Boqorka Waxaa Loo Xidhay Muran Ka Dhaxeeya Kulmiye Dhexdiisa” Gudoomiye Ciro Oo Si Kulul Uga Hadlay Xadhiga Boqor Buurmadaw.
  • Daawo:-Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Muddo Ka Dib Warbaahinta Ka Soo Muuqdey ,Weerarayna Madaxda Maamulka Xamar.
  • Daawo:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Dhawaajiyey In Lagu Taageero Xukuumada Uu Soo Dhiso,Laguna Samro Qalinkiisa.
  • Daawo:-Siyaasi Cabdilaahi Yuusuf Ka Oo Hadlay Ujeedada Udarnaa Socdaal Uu Ku Tegay Degmooyinka Gebogebo Iyo Faqa-ayuub,Sikululna Udhaliilay Siyaasada Ay Xisbiyada Mucaaradku Ku Ololaynaayan.
  • Daawo:-Madaxweyne Silaanyo Ka Jawaabay Eedaymaha Uga Yimaada Xisbiyada Mucaaradka,Dadweynaha Reer Somaliland-na Ugu Baaqay Inay Dorashada Udiyaargarooban.
  • Daawo:-Siyaasi Muuse Askar Oo Xisbiyada Mucaaradka Ku Eedeyey In Ay Kaadhadhka Codbixintu Iibsaayaan Baaq Nabadeed-na U Diiray Beelaha Dirirtu Ku Dhexmartay  Degaanka Dararweyne.
  • Daawo:-“Musharaxaanu Wadnaa Wuxuu La Fagaare Yimid Sidii ictiraafka Loo Heli Lahaa Iyo Sidii Uu Wadankeena Ugu Ilaahinlaa Cadawga “Xildhibaan Obama.
  • Daawo:-Jilayaasha Caanka Ee Sooraan iyo Jawaan Oo Soo Saaray Riwaayad Qosol Badan Iyo Fariinta Ay Xanbaarsantahay Riwaayadu.
  • Daawo:-Samafale Coldoon Oo Xabsiga Burco Kusoo Bandhigey Nin Mudo Badan Ku Xidhnaa, Baaq Uu Bulshada Udirey Iyo Xog-waranka Maxbuuska.
  • Daawo:-“Wasiirku Gurmad Weynbuu Soo Geystay  Waanu Uga Mahad Naqaynaa Wasiir Cali Mareexan Diyaarada Daawada Ee Uu Nasoo Gaadhsiiyey” Wasiir Xaglo Toosiye Oo Raali Gelin Ka Bixiwey War Si Khaldan Uga Baxay.
  • Xisbiga KULMIYE Oo Ka Gaabsaday Inuu Faah-faahin Ka Bixiyo Kulan La Sheegay Inuu Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Madaxwayne Farmaajo.
  • Madaxtooyada Somaliland Oo Lacagtii Ugu Badnayd Ku Bixisay Munaasibad Hotelka Marwada Madaxweyne Siilaanyo Ka Dhacay+Madaxweyne Silaanyo Oo Aan Waxba Kala Sucon Musuqa Ay Marwadiisu Ku Kacday.
More FEATURES