Xukumada iyo xisbiga kulmiye oo Aar goosi ka dhan ah xisbiga wadani ka Wada Degmada Yeyle G.Sool.
Gebo Gebo News




May 7th, 2018
Xukumada iyo xisbiga kulmiye oo Aar goosi ka dhan ah xisbiga wadani ka Wada Degmada Yeyle G.Sool.

 Burco(Gebogebonews)Tan iyo laga soo bilaabo maalintii ay soo Dhamatay doorashadii xanafta badan reebtay ee ka dhacday Somaliland, waxa isa soo taraayey hadal haynta shacabku ay hadal hayaan sida ay xukumada somalialand ee muse biixi hogaamiyo uga fal celinayso doorashadii dhacday iyo kala aragti duwanaanshihii dadwaynaha. madaama oo wakhtigan la joogo dawaldu masuulka tahay xil weynina ka saaranyahay shacabka dhamaantii mucaarid iyo muxaafidba, mid doortay iyo mid aan dooranba. Si kastaba ha ahaate, waxaa soo if baxay wax yaabo ay dadka qaar markii hore ba saadaalinayeen oo ah, in xisbiga kulmiye oo hadda talada gacanta ku hayaa bilaabo “ Olole lagu beegsanayo qaar ka mida ah shacabki iyo deegamadii sida weyn uga soo horjeeday Xisbiga Xiliga Doorashada ,isla mar ahaantana Taageersana xisbiga wadani”. Meelaha Alolahaas ANTI-WADANI-ga ah sida xooga leh uga socdana waxa ka mid ah G.sool iyo Deegamda hoos yimaada. Ciidamado ka tirsan qaybta 7aad ee Somaliland oo halkaasi in muddo ah ku sugnaa ayaa iyaga oo ku gabanaay laba xaafadood shaqaaqo dhemartay, isla markaana Odayasha Deeganku hawshooda gacanta ku hayeen, waxay si badheedh ah Rasaas ugu fureen dad shacab ah oo markaas ku sugnaa gudaha magalada Una badna Dumar iyo caruur. waxaana halkaasi ka dhashay khasaare Naf iyo Maalba isugu jira (Dhimashada Hal qof oo haween ah iyo Dhaawaca Dhowr kale). Taliyaha ciidankani ka Amar qaataan “Col:Mahad cambaashe” iyo masuuliyinta kale ee gobolka Ayaan ilaa hadda wax Talaabo ah oo ku haboon ka qaadin askartii falkaas waxuush nimada ah gaysatay.

marka laga reebo ilaa 8 oday oo ka mid ah odayaasha deegaanka oo ka soo jeeda labadii xaafadood ee shaqaaqada kooban dhexmartay, oo dhexdooda ka heshiiyey ay ciidanku si sharci darro ah usoo xirteen kuna xiran jeelka wayn ee laascaanod. Waxa xusid mudan in labada xaafadood ee shaqaaqada yar dhex martay aanay xataa kala gaadhin wax dhaawacyo ah hawshoodana ay dhamaysan karayeen madaama oo ay ahaayeen Dad walaalo iyo ehel ah isku deegan wada dhasahay ah. Arintaan ayaa waxay Salka ku haysa doorashadii Somaliland ka dhacday ee madaxtooyada Oo, Deegaanka yeyele si cad looga diidanay xisbiga kulmiye oo ay hormuud ka haayeen Taliyaha qaybta 7aad kornayl Mahad canbahsee iyo wasiir faratoon, kuwaas oo fara madhan iyo diidmo qayaxan kala kulmay dadka ku dhaqan deegaanka YEYLE iyo Guud ahaan gobolka. Waxaana Aad loo xasuusta hadalkii uu wasiir faratoon oo aad isugu dhaw yihiin feker ahaan iyo jifo ahaanba kornayl mahad canbaashe ku yidhi Shacabka reer yeyle mar uu soo gaadhay yeyle “REER YEYLOW WAAD IIMAAN LA,DIHIIN”. Waxa ilaa hadda la is waydiinaya sababta uu mahad canbashe u soo xidhxidhay odayshi dhibanayasha aha halka ay Ciidankii Dadka laayeyna Suuqa laascaanood xaragoonayaan. W/Q: Axmed yuusuf {Axmed Hargeysaawi}.

Features

  • Daawo:Mid Ka midaa Beelihii Ku Dagaalamayay Ceel-afweyn Oo Xabad-joojin Ku Dhawaaqay,Madaxweyne Biixiina Ka Codsaday In Xorriyadiisa U Soo Celiyo Boqor Buurmadow.
  • Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay Wakhtiga Ay Itoobiya Bilaabayso Dhismaha Jidka Berbera Iyo Wajaale.
  • Wasiiradda Shaqo-gelinta Iyo Arrimaha Bulshada Oo Bilawday Quudinta Dadka Maskaxda Ka Xanuunsanaya Iyo Derbi Jiifka.
  • Daawo:Mujaahid Aadan Ciise Oo Dhaalilo Ujeediyey Xildhibaano Uu Sheegey Inay Colaad Ka Hurinayaan Berbera,Kana Hadlay Diyaar Garaw La’aan Ka Jirta Xuska 18 May Ee Burco.
  • “Boqorka Waxaa Loo Xidhay Muran Ka Dhaxeeya Kulmiye Dhexdiisa” Gudoomiye Ciro Oo Si Kulul Uga Hadlay Xadhiga Boqor Buurmadaw.
  • Daawo:-Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Muddo Ka Dib Warbaahinta Ka Soo Muuqdey ,Weerarayna Madaxda Maamulka Xamar.
  • Daawo:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Dhawaajiyey In Lagu Taageero Xukuumada Uu Soo Dhiso,Laguna Samro Qalinkiisa.
  • Daawo:-Siyaasi Cabdilaahi Yuusuf Ka Oo Hadlay Ujeedada Udarnaa Socdaal Uu Ku Tegay Degmooyinka Gebogebo Iyo Faqa-ayuub,Sikululna Udhaliilay Siyaasada Ay Xisbiyada Mucaaradku Ku Ololaynaayan.
  • Daawo:-Madaxweyne Silaanyo Ka Jawaabay Eedaymaha Uga Yimaada Xisbiyada Mucaaradka,Dadweynaha Reer Somaliland-na Ugu Baaqay Inay Dorashada Udiyaargarooban.
  • Daawo:-Siyaasi Muuse Askar Oo Xisbiyada Mucaaradka Ku Eedeyey In Ay Kaadhadhka Codbixintu Iibsaayaan Baaq Nabadeed-na U Diiray Beelaha Dirirtu Ku Dhexmartay  Degaanka Dararweyne.
  • Daawo:-“Musharaxaanu Wadnaa Wuxuu La Fagaare Yimid Sidii ictiraafka Loo Heli Lahaa Iyo Sidii Uu Wadankeena Ugu Ilaahinlaa Cadawga “Xildhibaan Obama.
  • Daawo:-Jilayaasha Caanka Ee Sooraan iyo Jawaan Oo Soo Saaray Riwaayad Qosol Badan Iyo Fariinta Ay Xanbaarsantahay Riwaayadu.
  • Daawo:-Samafale Coldoon Oo Xabsiga Burco Kusoo Bandhigey Nin Mudo Badan Ku Xidhnaa, Baaq Uu Bulshada Udirey Iyo Xog-waranka Maxbuuska.
  • Daawo:-“Wasiirku Gurmad Weynbuu Soo Geystay  Waanu Uga Mahad Naqaynaa Wasiir Cali Mareexan Diyaarada Daawada Ee Uu Nasoo Gaadhsiiyey” Wasiir Xaglo Toosiye Oo Raali Gelin Ka Bixiwey War Si Khaldan Uga Baxay.
  • Xisbiga KULMIYE Oo Ka Gaabsaday Inuu Faah-faahin Ka Bixiyo Kulan La Sheegay Inuu Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Madaxwayne Farmaajo.
  • Madaxtooyada Somaliland Oo Lacagtii Ugu Badnayd Ku Bixisay Munaasibad Hotelka Marwada Madaxweyne Siilaanyo Ka Dhacay+Madaxweyne Silaanyo Oo Aan Waxba Kala Sucon Musuqa Ay Marwadiisu Ku Kacday.
More FEATURES