Khaladaadka Ugu Waaweyn Ee Lugu Dhaco Maalinta Xuska 18 May. W/Q: Mr. Hamse Bashe
Gebo Gebo News




May 9th, 2018
Khaladaadka Ugu Waaweyn Ee Lugu Dhaco Maalinta Xuska 18 May. W/Q: Mr. Hamse Bashe

18-may waa maalin u astaysan maalintii qaranimada Somaliland misana waa maalin ku tilmaaman astaan quruxbadan oo hadal haynteedu ka dhigto shacabka mid ay hiyiga la kacaan, misana niyad jab ku aha dadka kunool somaliya oo aan tageersanayn misan guul u arkahaynin gobonimadan Somaliland gaadhey.

 

Hadaba waxaan qoraal yar oo kooban kaga hadli doonaa khaladaadka(Gafefka) ay ku dhacado dawladu maalintan oo kale misan tan ka daran ee ay ku dhacaan shacabku, Aan kale sheego oo aan midmid u guud maro aniga oo kala horeysiinaaya

DAWLADA

1. Balanqaadyo u badan been iyo buun-buunin, kuwaas oo fulintoodu aanay inta badan dalka ka hirgelin ama

ay ku dambeeyaan kuwo aan sidii loogu han-weynaa aan u wada hirgelin.
2. Diyaar garaw aan dhamaystirnayn, taas oo keenta in ay u dhacdo si ka gaadhsiis ah, oo aan quruxdii iyo qiimi ay u qalmaysey aan loo sameyn.

3. Martisharaf aan lugu casuumin, inta badan waxa maalintaas isku camira oo keliya xubnaha dawlada iyo ururada madanigga ah, kuwaas oo aan wax la taaban karo kusoo kordhin madasha xusku ka dhacaayo iyo dalka gudihiisaba, laakiin muhiimada loo baahanyahay ayaa ah in ay kazoo qayb galaan masuuliyiin kale oo ka kala socoda dalalka caalamka, si ay u arkaan qiimaha ay maalintani u leedahay Qaranka Soomaaliland.

4. Kalamado Dhiirigelin ah oo aan meesha laga sheegin

5. Olole lugu dhexdaro

DADWEYNAHA (SHACABKA)

1. Is dhexgal raga iyo dumarka oo aan diintu ogolayn

2. Dumarka oo ka taga asturnaantii

3. Degmooyinka oo aan u diyaargaroobin xuska

4. Dugsiyada iyo ardayda oo dayaca qaybtoodii

5. Balanqaadyada beenta ah oo ay rumaystaan

In kasta oo ay jiraan khaladaadyo iyo denbiyo la galo maalintaas xuska ah oo aad u waaweyn misana kuwan kawaaweyn ayaa tan xaga dawlada ugu weyn tahay in goobtaas lagaga dhawaaqo mashaariic wadanka laga fulinaayo misana lugu dhawaaqaa in Khubaro khibrad u leh sida aqoon raadiska loola tashan lahaa iyo in lacag aad u badan lugu bixiyo sidii waddamada caalamka looga dhaadhicin lahaa aqoonsiga Somaliland, iyada oo sanaddo aan fogayna la sheegayey in Somaliland lacag aad u badan ku bixisay sidii niman khubaro iyo fanaaniin caalamka ah oo dhiirigaliya losoo kiraysan lahaa.

Tan Ololaha oo kolba xisbiga haya talada misana ugu awooda weyn goobta la iskugu imanaayo uu kaga faaidaysto danihiisa ololenimo oo shacabkaas aadka ufarha baddan dhegta kaga rida Magaca Xisbigiisa iyo Ujeedooyinka uu leeyahay Mustaqbalka taas oo aan meesha looga baahnayn maalintaaas.

Anigu waxaan ahay muwaadin dhashay isla maalintii Somaliland xoriyada iyo maddax banaanida ka qaadatay somaliya, waxaan la gu’u tirsadaa Somaliland, misana sanad walba oo la xuso waxaan ahay kan ugu horeeya, waxaan ka qaybqaadanaayey xusas faro badan mar anigoo dugsiga ka socoda mar anigoo jaamacada ka socoda iyo anigoo iskay u madaxbanaan, Si fiican u garan maayo Madaxweyne cigaal oo waxaan ahaa wiil aad u yar oo dhigta dugsiga hoose , laakiin waxaan si fiican u garanayaa qaar ka mid ah khudbadihii Daahir riyaale kaahin(Madaxweynihii Hore) iyo Axmed Maxamud silanyo, Madaxweyne kastaa waxa uu maalinta uga faaidaystaa OLOLE iyo Taageero samaysasho.

Somaliland waxay ka dhacaysay xuskani muddo 28 sano gaadha, mar kaliya dawladihii inasoo maray kumay fikirin keena Oo ku casuuma waddamada caalamka niman katirsan gaar ahaan kuwa islaamka, oo tusa in arintani aanay ahayn mid siyaasad ku lug leh laakiin tahay mid shacabka kasoo go’oday

Dhanka kale shacabku waa dad muslim ah diin ahaan iyo dhaqankeena wanaagsan kuma fiicna is dhexgalka raga iyo dumarka misana in dumarku maddaxa iyo jidhkooda qaawiyaan waa mid diintu inag diiday oo sharciga islaamku xaraantimeeyey, Khaldaadka ugu baddan ee dadku kudhacana waa mida ug horeeysa.

Fiiro-gaar ah:Xuska 18may ee sanadkan 2018, waa xuskii kowaad ee uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kusoo beegmay, waxaan aniga iyo shacabkuba ka filaynaa Madaxweynaha in uu wax ka bedeli doono qaababkii hore ee xuska maalintani u dhici jirtay, si midho-dhal rasmi ah looga gaadho.

TALO:

Si xuskaas looga gaadho horumar misana u noqodo mid waxa aynu doonayno in ilahay inooga rumeeyo, waa in aynu ka foga’anaa khaldaadkaas aan soo sheegay, misana ku dhaqanaa sharciga islaamka iyo dhaqankan suuban oo dhawrnaa xuquuqda qofkasta, misana taageernaa maddaxda oo maddaxduna run inooga sheegaan Haddalkooda.

Wabilahi tawfiiq.

Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

Qoraa / Saxafi madax banaan

E-mail: Xamse18@gmail.com

www.wiyeeryare.blogspot.com

www.twitter.com/wiyeeryare

www.facebook.com/wiyeeer

Hargeysa -Somaliland

Features

  • Daawo:Mid Ka midaa Beelihii Ku Dagaalamayay Ceel-afweyn Oo Xabad-joojin Ku Dhawaaqay,Madaxweyne Biixiina Ka Codsaday In Xorriyadiisa U Soo Celiyo Boqor Buurmadow.
  • Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay Wakhtiga Ay Itoobiya Bilaabayso Dhismaha Jidka Berbera Iyo Wajaale.
  • Wasiiradda Shaqo-gelinta Iyo Arrimaha Bulshada Oo Bilawday Quudinta Dadka Maskaxda Ka Xanuunsanaya Iyo Derbi Jiifka.
  • Daawo:Mujaahid Aadan Ciise Oo Dhaalilo Ujeediyey Xildhibaano Uu Sheegey Inay Colaad Ka Hurinayaan Berbera,Kana Hadlay Diyaar Garaw La’aan Ka Jirta Xuska 18 May Ee Burco.
  • “Boqorka Waxaa Loo Xidhay Muran Ka Dhaxeeya Kulmiye Dhexdiisa” Gudoomiye Ciro Oo Si Kulul Uga Hadlay Xadhiga Boqor Buurmadaw.
  • Daawo:-Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Muddo Ka Dib Warbaahinta Ka Soo Muuqdey ,Weerarayna Madaxda Maamulka Xamar.
  • Daawo:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Dhawaajiyey In Lagu Taageero Xukuumada Uu Soo Dhiso,Laguna Samro Qalinkiisa.
  • Daawo:-Siyaasi Cabdilaahi Yuusuf Ka Oo Hadlay Ujeedada Udarnaa Socdaal Uu Ku Tegay Degmooyinka Gebogebo Iyo Faqa-ayuub,Sikululna Udhaliilay Siyaasada Ay Xisbiyada Mucaaradku Ku Ololaynaayan.
  • Daawo:-Madaxweyne Silaanyo Ka Jawaabay Eedaymaha Uga Yimaada Xisbiyada Mucaaradka,Dadweynaha Reer Somaliland-na Ugu Baaqay Inay Dorashada Udiyaargarooban.
  • Daawo:-Siyaasi Muuse Askar Oo Xisbiyada Mucaaradka Ku Eedeyey In Ay Kaadhadhka Codbixintu Iibsaayaan Baaq Nabadeed-na U Diiray Beelaha Dirirtu Ku Dhexmartay  Degaanka Dararweyne.
  • Daawo:-“Musharaxaanu Wadnaa Wuxuu La Fagaare Yimid Sidii ictiraafka Loo Heli Lahaa Iyo Sidii Uu Wadankeena Ugu Ilaahinlaa Cadawga “Xildhibaan Obama.
  • Daawo:-Jilayaasha Caanka Ee Sooraan iyo Jawaan Oo Soo Saaray Riwaayad Qosol Badan Iyo Fariinta Ay Xanbaarsantahay Riwaayadu.
  • Daawo:-Samafale Coldoon Oo Xabsiga Burco Kusoo Bandhigey Nin Mudo Badan Ku Xidhnaa, Baaq Uu Bulshada Udirey Iyo Xog-waranka Maxbuuska.
  • Daawo:-“Wasiirku Gurmad Weynbuu Soo Geystay  Waanu Uga Mahad Naqaynaa Wasiir Cali Mareexan Diyaarada Daawada Ee Uu Nasoo Gaadhsiiyey” Wasiir Xaglo Toosiye Oo Raali Gelin Ka Bixiwey War Si Khaldan Uga Baxay.
  • Xisbiga KULMIYE Oo Ka Gaabsaday Inuu Faah-faahin Ka Bixiyo Kulan La Sheegay Inuu Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Madaxwayne Farmaajo.
  • Madaxtooyada Somaliland Oo Lacagtii Ugu Badnayd Ku Bixisay Munaasibad Hotelka Marwada Madaxweyne Siilaanyo Ka Dhacay+Madaxweyne Silaanyo Oo Aan Waxba Kala Sucon Musuqa Ay Marwadiisu Ku Kacday.
More FEATURES