Xukuumadda Muuse Biixi Oo Bilowdey in Mashaariicyadda Dowladda Tolnimo ku Bixiso!!
Gebo Gebo News




May 9th, 2018
Xukuumadda Muuse Biixi Oo Bilowdey in Mashaariicyadda Dowladda Tolnimo ku Bixiso!!

Xukuumadda Cusub ee madaxweyne Muuse biixi cabdi oo mudadii la doortey ay ka wareegtay shan bilood ayaa shacabka somaliland u hanweynaayeen in isbedel badan ka muuqan doono dhinaca waxqabadka iyo dhinacyadda cadaaladda iyo saami qaybsiga xileed iyo mid mashaariiceedba.

 

Hadaba, waxaaa imika soo baxay eedo dhinac bixinta mashaariicda dowladda ah oo ay ka muuqato in cid gaar ah lagu naas nuujinayo.

 

 

Dhawaan waxaa xisbiga mucaaridka ah ee UCID soo bandhigay tiraba shan mashaariic oo xukuumaddu hore u shaacin jirtey tartanta loo gali jirey in cid gaar ah lagu naas nuujiyey. Taas oo waji gabax ku ah qaranka bar madowna u yeeleysa dowladda muuse biixi.

 

 

Dhawaan waxaa ay wasaaradda waxbarashadu ugu deeqdey dhul ku yaal deyrka iskuulka maxamuud ahmed cali dowladda hoose ee hargeisa, iyadoo dowladda hoose u qorsheysey in laga dhiso xarunta damdamiska degmadda maxamuud heybe, balse dhismahaas iyadoo aan la shaacin si maraaxeyneyn ah loo sii siiyey shirkadda dhisme oo hirgalisa. Sifo sharci ahna aan loo marin balse ay tahay qaraabo kiil iyo eexasho badheedh ah.

 

 

Guddida iyo odayaasha degmadda maxamuud heybe ayaa ku baraarugsan arrinkan iyagoo qorsheynaya in maalmaha soo socda soo bandhigaan cida dhisaysa iyo sida cadaaladda daradda ah ee loo maray shaacinta dalabka dhismahan.

 

 

 

Waxaa isa soo taraya guud ahaa dareenka bulshaddu ka qabto eexda iyo qaraabo kiilka durtaba ka soo if baxay xukuumadii loo hanweynaa ee madaxweyne muuse biixi.

 

Jama

buuridd@outlook.com

Features

  • Daawo:Mid Ka midaa Beelihii Ku Dagaalamayay Ceel-afweyn Oo Xabad-joojin Ku Dhawaaqay,Madaxweyne Biixiina Ka Codsaday In Xorriyadiisa U Soo Celiyo Boqor Buurmadow.
  • Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay Wakhtiga Ay Itoobiya Bilaabayso Dhismaha Jidka Berbera Iyo Wajaale.
  • Wasiiradda Shaqo-gelinta Iyo Arrimaha Bulshada Oo Bilawday Quudinta Dadka Maskaxda Ka Xanuunsanaya Iyo Derbi Jiifka.
  • Daawo:Mujaahid Aadan Ciise Oo Dhaalilo Ujeediyey Xildhibaano Uu Sheegey Inay Colaad Ka Hurinayaan Berbera,Kana Hadlay Diyaar Garaw La’aan Ka Jirta Xuska 18 May Ee Burco.
  • “Boqorka Waxaa Loo Xidhay Muran Ka Dhaxeeya Kulmiye Dhexdiisa” Gudoomiye Ciro Oo Si Kulul Uga Hadlay Xadhiga Boqor Buurmadaw.
  • Daawo:-Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Muddo Ka Dib Warbaahinta Ka Soo Muuqdey ,Weerarayna Madaxda Maamulka Xamar.
  • Daawo:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Dhawaajiyey In Lagu Taageero Xukuumada Uu Soo Dhiso,Laguna Samro Qalinkiisa.
  • Daawo:-Siyaasi Cabdilaahi Yuusuf Ka Oo Hadlay Ujeedada Udarnaa Socdaal Uu Ku Tegay Degmooyinka Gebogebo Iyo Faqa-ayuub,Sikululna Udhaliilay Siyaasada Ay Xisbiyada Mucaaradku Ku Ololaynaayan.
  • Daawo:-Madaxweyne Silaanyo Ka Jawaabay Eedaymaha Uga Yimaada Xisbiyada Mucaaradka,Dadweynaha Reer Somaliland-na Ugu Baaqay Inay Dorashada Udiyaargarooban.
  • Daawo:-Siyaasi Muuse Askar Oo Xisbiyada Mucaaradka Ku Eedeyey In Ay Kaadhadhka Codbixintu Iibsaayaan Baaq Nabadeed-na U Diiray Beelaha Dirirtu Ku Dhexmartay  Degaanka Dararweyne.
  • Daawo:-“Musharaxaanu Wadnaa Wuxuu La Fagaare Yimid Sidii ictiraafka Loo Heli Lahaa Iyo Sidii Uu Wadankeena Ugu Ilaahinlaa Cadawga “Xildhibaan Obama.
  • Daawo:-Jilayaasha Caanka Ee Sooraan iyo Jawaan Oo Soo Saaray Riwaayad Qosol Badan Iyo Fariinta Ay Xanbaarsantahay Riwaayadu.
  • Daawo:-Samafale Coldoon Oo Xabsiga Burco Kusoo Bandhigey Nin Mudo Badan Ku Xidhnaa, Baaq Uu Bulshada Udirey Iyo Xog-waranka Maxbuuska.
  • Daawo:-“Wasiirku Gurmad Weynbuu Soo Geystay  Waanu Uga Mahad Naqaynaa Wasiir Cali Mareexan Diyaarada Daawada Ee Uu Nasoo Gaadhsiiyey” Wasiir Xaglo Toosiye Oo Raali Gelin Ka Bixiwey War Si Khaldan Uga Baxay.
  • Xisbiga KULMIYE Oo Ka Gaabsaday Inuu Faah-faahin Ka Bixiyo Kulan La Sheegay Inuu Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Madaxwayne Farmaajo.
  • Madaxtooyada Somaliland Oo Lacagtii Ugu Badnayd Ku Bixisay Munaasibad Hotelka Marwada Madaxweyne Siilaanyo Ka Dhacay+Madaxweyne Silaanyo Oo Aan Waxba Kala Sucon Musuqa Ay Marwadiisu Ku Kacday.
More FEATURES