Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmaya Amiirka Dalka Qatar Iyo Heshiisyo Cusub Oo Lagu Dhawaaqayo.
Gebo Gebo News

May 14th, 2018
Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmaya Amiirka Dalka Qatar Iyo Heshiisyo Cusub Oo Lagu Dhawaaqayo.

Doxa(Gebogebonews)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo booqasho rasmi uga bilaabatay magaalada Doxa ee xarunta dalka Qadar ayaa maanta kulan la qaadan doona Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thaani.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa xalay kulan horudhac ah ay yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar oo sallaan ugu yimid Hotelka uu ka degan yahay magaalada Doxa.

Kulankan oo ah mid labo geesood ah ayaa looga hadli doonaa xidhiidhka labada dal, ammaanka, dhaqaalaha iyo arrimo kale oo iskaashi ah.

 

 

Waxaa la filayaa in labada dhinac ay kala saxiixdaan heshiisyo maalgashi u badan iyo mashaariic horumarineed oo ku baxaya mallaayiin doollar, waxaana ka mid ah dib u howl gelinta Shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airline.

 

 

Kulankan ayaa noqonaya kii saddexaad ee Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar ay yeeshaan muddo sanad ka yar, waxaana labada hoggaamiye isugu dambeysay shirkii Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay Istanbul bishii December ee sanadkii hore.

 

 

Booqashada Madaxweyne Farmaajo uu ku joogo dalka Qatar ayaa ah tii labaad oo rasmi ah, waxaana uu ku soo aaday, iyadoo xiisada Khaliijka ay saameyn ku yeelatay Soomaaliya, isla markaana xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu xumaaday.

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

62 Views




Features

  • Daawo: Maayirki Hore Laascaanood Oo Ka Hadlay Cashuro Dheeriya Oo Shacabka Laguso Rogay
  • Madaxweyne Biixi Oo Qaabilay Muwaadin Hindisay Astaanta Qaranka Somaliland Oo Ka Samaysayn Bir.
  • Daawo:Gudoomiyaha Xisbigsa Ucid Oo Sheegay In Somaliland Ay Waan-Waan La Gelayso Jabhadda Kornayl Caarre, Kuna Baaqay In La Kala Diro Golleyaasha Deegaanka.
  • “ Xukuumadda Muuse Biixi Waxa Ay Leedahay Khaatumo Iyo Cali Khaliif Uma Baahnin, Waxa Ay Leedahay Awdal Iyo Saami-Qaybsigeeda Uma Baahnin ” Guddoomiye Cirro.
  • Daawo:Dhibane La Ildaran Xanuun Hayey Mudo 10 Sano Ah Oo Umad Islamkaa Ka Codsaday Inay Soo Caawiyaan.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
More FEATURES