Madaxweyne Muuse Biixi Oo Isku Shaandhayn Iyo Shaqo Caydhin Ku Samaynaya Wasaarro Ka Tirsan Xukuumaddiisa.
Gebo Gebo News

May 14th, 2018
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Isku Shaandhayn Iyo Shaqo Caydhin Ku Samaynaya Wasaarro Ka Tirsan Xukuumaddiisa.

Hargeysa(Gebogebonews)Warar hoose oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in Madaxweyne Muuse Biixi si weyn u saluugsan yahay Golihiisa Xukuumadda gaar ahaan Masuuliyiinta uu u xushay ee uu ku taxay Xilalka Wasiiradda waxaanay wararkani sheegaan inuu ka fiirsanayo inuu isku shaandhayn iyo shaqo eryid ku sameeyo marka ay dhamaato bisha barakaysan ee Ramaadaan oo ay curashadeeda inaga xigaan maalmo.

 

 

Illo-Wareedyo u dhuun daloola Madaxtooyadda Somaliland ayaa iftiimiyay in Madaxweyne Muuse Biixi wax badan uga iftiimeen masuuliyiin door ah oo uu kula deg degay xilka uu u dhiibay,kuwaasi oo uu qaarkood u dhiibay Wasaaraddaha ugu miisaanka Culus dalka taasi oo uu hadda u arko inaanay ka fursanayn inuu isbadel deg deg ah ku sameeyo,waxaanay wararkani sheegayaan in Madaxweynuhu sidoo kale aad u danaynayo islamarkaana uu doonayo inay xukuumaddiisa ku soo biiraan ama ka mid noqdaan masuuliyiin ruug cadaaya oo siyaasada hore ugu soo jiray kuwaasi oo ay lagama maarmaan u tahay inay qayb ka noqdaan Xilalkan dambe ee uu soo dhisayo.

 

 

 

 

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale go’aankan qaatay inuu is badel ku sameeyo Golihiisa Xukuumadda kadib markii uu saluugay islamarkaana uu ka dhex waayay Golihiisa Xukuumadda masuul qudha oo dadaal muuqda ka gali kara islamarkaana ka soo midho dhalin kara Shaqaaqada ka soo cusboonaatay Deegaanka Ceel Afweyn iyo beelaha Walaalaha ee Dirirtu dhex marayso. Waxa uu sidoo kale Golihiisa Xukuumadda ka dhex waayay siday wararkani iftiimiyeen soo jeedin ku aadan qorshe midho dhal ah oo lagu waajiho karo Dagaalkaasi iyo sidoo kale Caqabado badan oo hortaagan Xukuumadiisa.

 

 

 

Wararkan ayaa intaasi ku daray in Madaxweyne Biixi go’aansaday inuu isbadel ku sameeyo Xukuumaddiisa dhamaadka bishan Barakaysan ee Ramadaan ee ay bilashadeeda labada cisho inaga xigaan,waxaana la filayaa inay meesha ka baxaan Wasiiro door ah oo xiitaa dadku dareemayaan tayo Xumidooda.

 

 

 

 

 

 

Source: Wargeyska Foore

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

96 Views




Features

  • Daawo: Maayirki Hore Laascaanood Oo Ka Hadlay Cashuro Dheeriya Oo Shacabka Laguso Rogay
  • Madaxweyne Biixi Oo Qaabilay Muwaadin Hindisay Astaanta Qaranka Somaliland Oo Ka Samaysayn Bir.
  • Daawo:Gudoomiyaha Xisbigsa Ucid Oo Sheegay In Somaliland Ay Waan-Waan La Gelayso Jabhadda Kornayl Caarre, Kuna Baaqay In La Kala Diro Golleyaasha Deegaanka.
  • “ Xukuumadda Muuse Biixi Waxa Ay Leedahay Khaatumo Iyo Cali Khaliif Uma Baahnin, Waxa Ay Leedahay Awdal Iyo Saami-Qaybsigeeda Uma Baahnin ” Guddoomiye Cirro.
  • Daawo:Dhibane La Ildaran Xanuun Hayey Mudo 10 Sano Ah Oo Umad Islamkaa Ka Codsaday Inay Soo Caawiyaan.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
More FEATURES