Qodob kamid qodobada dastuuriga ah ee uu leeyahay qaranka jamhuuriyada Somaliland oo godkii qorshaysnaa kusii dhacaya.
Gebo Gebo News

May 14th, 2018
Qodob kamid qodobada dastuuriga ah ee uu leeyahay qaranka jamhuuriyada Somaliland oo godkii qorshaysnaa kusii dhacaya.

Dalkan jamhuuriyada Somaliland waxuu dowlad nimadisii lasoo noqday 18/05/1991 malintasoo ay ahayd maalin shacabka jamhuuriyada Somaliland ay u asteyeen inay ahaato maalin qaran lana xuso. Xukuumadihii ina soo maray waxay ilaalin jireen maalinta qaran, waxaana la siin jiray malintaas qiimaha ay leedahay, waxaana loo xusi jiray si wada jir ah.

 

 

 

Xukuumadihii ina dhaafay maalinta qaran xusideeda waxay u sameyaan dhaqaale ay ugu dareen miisaaniyada qaranka si culayska ku dhacaya gobolada loo yareeyo. Dulucda hadalkaygu waxuu yahay xukuumadan talada dalka gacanta ku haysa waxay astaysay xusida maalinta qaran 15/05/2018 iyagoo u sababeeya hore usoo dhigistaasi ramadantii iyo malintii qaran oo isku beegmay. Hadaba waxaa arinkaa si wayn uga hor yimid xisbiga wadani oo sheegay inay ka xisbi ahaan maalintii ay ahayd 18may xusi donaan tagerayaashooda xoogan ee gobolada ku kala noolna ay qateen awaamirta kazoo yeedhay hogaanka xisbogooda. Waxaad ka daremaysaa gobolada dalka habacsanaanta xoogan ee ka muuqata u diyaar garowga maalinta qaran ee ay xukuumada qorshaysay.

 

 

 

 

Waxaa intaa kasii daran guddiyadii qaban qaabada ee 18may ee ku sugan gobolada aan caasimada ku jirin oo leh kharashkii loogu talagalay 18may ee misaaniyada ku jirtay ilaa manta oo ay taariikhda tahay 14may mahayno. Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan madaxwaynaha qaranka ugu baaqayaa inuu yeesho guddiyo kala taliya arimaha xasaasiga ah ee qarankan mugdi galin kara Bulshada qorshaysatay inay dabaaldegaan 18may talabadii xukuumada khilaafsan waxaan ugu baaqayaa inay ka digtonadaan talabooyinka qarankan dowladnimadiisa wiiqaya

75 Views

Features

  • “ Dagaalka Dhumay Inuu Soo Jiitantamo Muddo Inta Leeg Waa Guul Daro Siyaasadeed” Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
More FEATURES