Soomaaliya Oo Isku Dayaysa Inay Ka Faa’iidaysto Shaqaaqooyinka Dagaal Ee Ka Aloosan Deegaanka Ceel Afweyn Iyo Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Heegan Culus La Galiyay.
Gebo Gebo News

May 14th, 2018
Soomaaliya Oo Isku Dayaysa Inay Ka Faa’iidaysto Shaqaaqooyinka Dagaal Ee Ka Aloosan Deegaanka Ceel Afweyn Iyo Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Heegan Culus La Galiyay.

Hargeysa(Gebogebonews)-Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan jiidaha hore ee Tukaraq ayaa heegan Culus ku jira kadib markii ay labadii cisho ee u dambeeyay Maleeshiyaad maamul Puntland ka tirsani ay sameeyeen dhaq dhaqaaq dagaal,islamarkaana ay ku soo tuur tuureen hub fudud.

 

 

 

Wararka aanu ka helnay xalay Gobolka Sool gaar ahaan Jiidaha hore ee ay Ku sugan yihiin Ciidanka Qaranka Somaliland ee ay fadhiisimada ku leeyihiin ayaa daaha ka rogay in si buuxda ay Ciidanka Qaranka Somaliland heegan loo galiyay isla markaana ay iskugu diyaariyeen talaabo kasta oo dagaal oo kaga timaada dhinaca Maleeshiyaadka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo qaab gaaf wareeg ah kujira,waxaanay wararkaasi ay iftiimiyeen inay shalay illa doraad ay Maleeshiyaad ka amar qaadata maamulka Puntland ay dhawr aag ka soo tuur tuureen Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Somaliland ku leeyihiin jiida hore ee ee Deegaanka Tukaraq,kuwaasi oo jawaabtii ay ka bixiyeen ay kala firdhiyeen Maleeshiyaadkaasi.

 

 

 

Maamulka Puntland oo kaashanaya Dawlada itaalka daran ee Soomaaliya ayaa doonaya inay ka faa’iidaystaan shaqaaqa ka dhex aloosan beelaha Walaalaha ee wada dega Gobolka Sanaag gaar ahaan Deegaanka ceel afweyn oo uu dhawaan ka dhacay iska hor imaad ay dad badani ku nafwaayeen,waxaanay tan iyo maalintii ay shaqaaqadaasi soo cusboonaatay ay Jiidaha hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland degan yihiin ka wadaan Dhaqaaq u san saan eg nooc dagaal oo kale ah balse ay ka muuqato kalsooni daro iyo cabsi ay isbidayaan itaal daro inay iska caabin kari waayaan haddiiba ay Ciidanka Qaranka Somaliland si toos ah ama ay la galaan Dagaal Fool ka fool ah.

 

Unug ciidan ah oo hubaysan oo ka soo goostay Maleeshiyaadka Puntland ayaa dhawaan isku soo dhiibay Ciidamada Qaranka Somaliland ee Jiida hore.

 

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

30 Views

Features

  • Daawo: Murashax Xil: Khalid Xasan Oo Naqdiyay Warbixintii Gudida Dabagalka Hantida Qaranka Wakiilada Iyo Lacago Uu Musuqay Xil:Nasir Cali Shire Oo Uu Soo Bandhigay.
  • Maxaa ka jira in kala diraayo ciidanka Liyuu boolis ee ka jira degaanka Soomaalida Itoobiya?
  • Ex Madaxweyne Silaanyo Oo Codsi Ay Shirkada DP World Usoo Dhiibtay Ula Tagay Madaxweyne BIIXI Iyo Jawaabta Uu Ka Helay.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
  • Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
  • Daawo:Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Heerkay Taagan Tahay Nabadgelyada Somaliland Hanjabaadna Udiray Putland.
  • “Dadka Arintaa Wadaa Waa Dad Darojooyina Haysta Kuna Nabadgala ” Xukumada Oo Soo  Saartay Amaro Ay Xal Ugu Raadinayso Xiisada Dagaal Ee Ka Taagan Ceelafweyn.
  • Dagaalkii Ceel-afweyn Oo Waji Cusub Yeeshay + Cabsi Laga Qabo In Uu Mar Kale Dib U Qarxo Iyo Xukuumadda Oo Afka Ka Xidhatay.
  • ” Waxaanu Cadaynaynaa In Habar Yoonis Oo Dhami Dagaalka Ceelafweyn Udhantahay Oo Qaar Ku Dhaawacmeen ” Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale Oo Ujawaabay Boqor Faysal.
More FEATURES