Xildhibbaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ay Jidh-dileen Ciidanka Kenya Iyo Xaalada Uu Ku Sugan Yahay.
Gebo Gebo News




May 17th, 2018
Xildhibbaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ay Jidh-dileen Ciidanka Kenya Iyo Xaalada Uu Ku Sugan Yahay.

 

 

 

 

Xildhibaanka oo ay Walaalo ahaayeen Wasiirkii la dilay ee Cabaas Sheekh Maxamuud Siraaji waxaa Waaberigii hore ee shalay Isbitaalka la dhigay isagoo ay dhaawacyo culus ,ka soo gaadheen jir-dilkaasi.

 

Saraakiisha Boliska ee tacadigaasi u geystay Xildhibaan Siraaji ayaa sheegay inay ka shakiyeen inuu gaariga uu la socday Xildhibaanka la soo xaday.

 

“Xildhibaanka waxay Boliska soo weerareen kadib, markii uu nin ay saaxiib yihiin ku soo dejiyey Xaafadda Westland ee magaalladda Nairobi, wuxuuna Xildhibaanka ka badbaaday dhimasho” ayaa lagu yiri farriin uu Saxafi fadhigiisu yahay magaalladda Nairobi u soo diray Radio Dalsan.

 

Weriye ka tirsan Radio Dalsan oo ku sugan Nairobi ayaa sheegay inay Boliska Kenya u xaqiijiyeen inuu dhacay Shilkaasi, waxayma sheegeen inay xilligaasi baacsanayeen Gaari noociisu yahay TOYOTA LEXUS oo loo sheegay in laga soo xaday Kiambu.

 

 

Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji waxa uu xilligii ay Boliska dhaawaceen watay Gaari uu soo kireystay oo noociisu ahaa TOYOTA RAV4, mana kala cadda sababta ay Boliska Kenya u beegsadeen.

 

Qof la socday Xildhibaanka ayaa sheegay inay isaga ilaa 2,000 oo Dollar kaga luntay inta ay Boliska baarayeen.

Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji oo bishii Feberaayo ee sannadkan loo doortay Xilkaasi waxa uu weli ku jiraa Isbitaal ku yaalla magaalladda Nairobi.

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

 

Source: Radio Dalsan

Features

  • Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay Wakhtiga Ay Itoobiya Bilaabayso Dhismaha Jidka Berbera Iyo Wajaale.
  • Wasiiradda Shaqo-gelinta Iyo Arrimaha Bulshada Oo Bilawday Quudinta Dadka Maskaxda Ka Xanuunsanaya Iyo Derbi Jiifka.
  • Daawo:Mujaahid Aadan Ciise Oo Dhaalilo Ujeediyey Xildhibaano Uu Sheegey Inay Colaad Ka Hurinayaan Berbera,Kana Hadlay Diyaar Garaw La’aan Ka Jirta Xuska 18 May Ee Burco.
  • “Boqorka Waxaa Loo Xidhay Muran Ka Dhaxeeya Kulmiye Dhexdiisa” Gudoomiye Ciro Oo Si Kulul Uga Hadlay Xadhiga Boqor Buurmadaw.
  • Daawo:-Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Muddo Ka Dib Warbaahinta Ka Soo Muuqdey ,Weerarayna Madaxda Maamulka Xamar.
  • Daawo:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Dhawaajiyey In Lagu Taageero Xukuumada Uu Soo Dhiso,Laguna Samro Qalinkiisa.
  • Daawo:-Siyaasi Cabdilaahi Yuusuf Ka Oo Hadlay Ujeedada Udarnaa Socdaal Uu Ku Tegay Degmooyinka Gebogebo Iyo Faqa-ayuub,Sikululna Udhaliilay Siyaasada Ay Xisbiyada Mucaaradku Ku Ololaynaayan.
  • Daawo:-Madaxweyne Silaanyo Ka Jawaabay Eedaymaha Uga Yimaada Xisbiyada Mucaaradka,Dadweynaha Reer Somaliland-na Ugu Baaqay Inay Dorashada Udiyaargarooban.
  • Daawo:-Siyaasi Muuse Askar Oo Xisbiyada Mucaaradka Ku Eedeyey In Ay Kaadhadhka Codbixintu Iibsaayaan Baaq Nabadeed-na U Diiray Beelaha Dirirtu Ku Dhexmartay  Degaanka Dararweyne.
  • Daawo:-“Musharaxaanu Wadnaa Wuxuu La Fagaare Yimid Sidii ictiraafka Loo Heli Lahaa Iyo Sidii Uu Wadankeena Ugu Ilaahinlaa Cadawga “Xildhibaan Obama.
  • Daawo:-Jilayaasha Caanka Ee Sooraan iyo Jawaan Oo Soo Saaray Riwaayad Qosol Badan Iyo Fariinta Ay Xanbaarsantahay Riwaayadu.
  • Daawo:-Samafale Coldoon Oo Xabsiga Burco Kusoo Bandhigey Nin Mudo Badan Ku Xidhnaa, Baaq Uu Bulshada Udirey Iyo Xog-waranka Maxbuuska.
  • Daawo:-“Wasiirku Gurmad Weynbuu Soo Geystay  Waanu Uga Mahad Naqaynaa Wasiir Cali Mareexan Diyaarada Daawada Ee Uu Nasoo Gaadhsiiyey” Wasiir Xaglo Toosiye Oo Raali Gelin Ka Bixiwey War Si Khaldan Uga Baxay.
  • Xisbiga KULMIYE Oo Ka Gaabsaday Inuu Faah-faahin Ka Bixiyo Kulan La Sheegay Inuu Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Madaxwayne Farmaajo.
  • Madaxtooyada Somaliland Oo Lacagtii Ugu Badnayd Ku Bixisay Munaasibad Hotelka Marwada Madaxweyne Siilaanyo Ka Dhacay+Madaxweyne Silaanyo Oo Aan Waxba Kala Sucon Musuqa Ay Marwadiisu Ku Kacday.
  • Daawo:-Gudoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska Oo Sanqadh Yari Dalka Kaga Baxay+ Qaar Kamida Fanaanta Xidigaha Geeska Oo Soo Dhaweyn Usameey Iyo Halkuu Ku Suganyahay.
More FEATURES