Mucsur Qaawan Baan Ahay Dhulku Meel Qalalan Male Mawloowna Nabad Gali
Gebo Gebo News

May 22nd, 2018
Mucsur Qaawan Baan Ahay Dhulku Meel Qalalan Male Mawloowna Nabad Gali

Sanad walba 6 bilood oo ka mid ah waxaynu Ka cabanaa abaar iyo biyo la’aan 6da bilood Ee kalena waxaynu ka cabanaa fataahaad Biyood iyo colaad abaarta laga doogay ka Danbaysa nolosheenii 12ka bilood ee sanadkii Waxay ku dhamaatay cabasho joogto ah oo xal Loo hili karo lana maarayn karo ! Habeenkani madoobaa Mugdi weeye ii daran Dabka meesha laga helo Ma aqaano mana ogi Sanad

walba halkii xal waara la raadin lahaa Ama mustaqbal fog laga hawl gali lahaa Tamarteenii iyo taladeeniiba dhacdo taagan Mooyee way hilaadin kari wayday mustaqbal Hufan iyo himilo fog oo dadka iyo dalkuba Kaga doogaan kagana baxaan baahida Joogtada ah Maaha umada in marka abaari

dhacdo sidii Loola tacaali lahaa uun ay ku baraarugto Maaha umada marka daad qaato sidii loo Daad gurayn lahaa in laga hawl galo ! Hadaan hagrasho jirin ama dee aan caqli Xumaba jirin waa laga gaashaaman lahaa Dhacdooyinka joogtada noqday ee mar walba Cida ay ahayd inay ku

baraarugsanaata Gabtay !!! Dhibtu Waxay Ka Timi Ta Alle Waa Meesheede ! Magaalo kasta oo ku taal somaliland biyaha Ay la ciirciirto xili roobaadka maaha dhibic Yada ku da’day ee waa dhibic ilaahay ku Manaystay degaan balaadhan oo ku Gadaaman magaalo kasta biyaana ku soo Jabiya taas oo ay sababta ugu weyni tahay in Magaalo kastaa fiday ayna jabeen moosaskii Ku xeernaa magaalooyinka qaarna la Degaameeyay qaarna dad boobeen oo cagafyo Gasheeba yagoon

 

munaafacaadsanayn !!! In magaalo kasta qaab dhismeedkeedii Maayirada danbe ee aan lahayn himilada Fogi ku tagri faleen wadooyin badana la Dagaameeyay sifo sharci daro ahna loo maray Taasoo keenaysa marka wadooyinku Xidhmaan biyo mareena jiri maayee ogow Talo Soo Jeedin

Waa Hadiiba La Qaadanayee! Maxaan maanta yeelnaa Manfac waxaynu haynaa Midhaha roobku bixiyee Jiilaalkii madhnaan jiray Madhax mawga dhiganaa

 

1-Waa in laga faa’idaystaa roobabka guga Magaalo walna marka hore moos lagu Wareejiyaa kadib afarta jihoba laga Sameeyaa dhaamam

biyood oo leh seerayaal Saracna ka soo baxo si abaartana looga Gaashaanto Marka roobku noo da’o Mahiigaanku hibitiqo Baliyadu milaalmaan Moqorada biyaha gala Gunta aan ka moosnoo Durba yay inaga madhan

 

! 2-In cawska ama dalaga xoolaha ee lagu Beero seerayaashaasi yeeshaan kayd iyo

xiliyo La guro lana qorsheeyaa sidii cida degaankaa Degani dalagaa uga faa’idaysan lahayd Marka baahidiisu timaado Markuu muruqu hawl galo Calooshii madhnaydiyo Macaluushii laga raysay 3-In bulshada lagu hanuuniyo tacabka iyo Wax soo saarka dalaga beeraha iyo Khayraadka dihinee dalka alle ku manaystay Dad dhagaa musbaar ka awdaan maqlin warkayga!!!

 

Safwaan Sacaadadiin Ahmed

 

Stockholm Sweden Email-Safwaan112@gmail.com

150 Views




Features

  • Dowladaha Qatar Iyo Somaliya Oo Kala Saxeexday Heshiis Lagu Horumarinayo Dekadaha Somaliya.
  • Xildhibaan Baydhabo Lagu Dilay iyo Rabshadaha Ka Socda Baydhabo Oo Sii Xoogeystay. 
  • Wafti Uu Hoggaaminayo Suldaanka Guud Ee Beelaha Warsan-geli Oo Lagu Soo Dhaweeyay Garoowe, Madaxweyne Cabdiwali Gaas Oo  Uu Kulan La Yeeshay.
  • Xisbiga WADDANI Oo Markale Ku Baaqay In Si Dhakhso Ah Loo Kala Diro Xubnaha Guddida Koomiishanka Doorashooyinka.
  • Daawo:Gudida Qandaraasyada qaranka Oo Shaaciyey Tartan Loo Gelaayo 5 Mashruuc Oo Laga Hirgelinaayo Gobolada Dalka.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
More FEATURES