Fadeexad wayn Madaxweyne Ku-Xigeenka Maamul Gobolleedka Puntland Oo Cod Sir Ah Laga Duubay
Gebo Gebo News

May 23rd, 2018
Fadeexad wayn Madaxweyne Ku-Xigeenka Maamul Gobolleedka Puntland Oo Cod Sir Ah Laga Duubay

Garoowe(Gebogebonews)-Madaxweyne Ku-xigeenka maamul goboleedka Puntland ayaa laga duubay cod sir ah oo ku saabsan dagaalka Tukaraq iyo qorshaha maamulka Puntland oo u muuqda mid dagaalka ku jabay doonayana rogaal celis beelaysan.

Madaxweyne xigeen Cabdixakiim Camay oo khadka kula hadlaya qurbejoog beeshiisa ah ayaa laga duubay cod tawaawac iyo guubaabo dagaal ah waxaana la soo galiyay baraha bulshadu ku xidhiidho. waxaanu siyaasigan ka soo jeeda gobolka Sool si weyn ugu calaacalaya in qurbejoogto cududooda midayso oo dagaalka abaabusho.

Mr Camay wuxuu sheegaya in khasaare badan ka soo gaadhay dagaalkii dhawaan ka dhacay aagga Tukaraq oo ciidamada Puntland ku soo weerareen ciidamada Qaranka ee Somaliland xuskii 15 May waxaanu ku dooday in ciidanka ugu badan ee halkaas ku baxay ahaa beesha Dhulbahante ee gobolka Sool degta.

Mr Camay ayaa si calaacal ah qurbejoogta uga codsanaya in la mideeyo beesha Dhulbahante si ay dagaal ula gasho ciidamada qaranka ee Somaliland, islamarkaana beeshu arrinsan doonto marka ay xorayso ilaa Laascaanood.

 

 

 



 

 

 

Ma jirto cid hadalka ka soo dhexgalaysa lamana oga in ay dadka uu la hadlayay aragtidan la qabaan laakiin, waxa loo arka in aanay qorshihiisa la dhacsanayn dadka codka ka duubay ee baahiyay. Qofka codka duubay ayaan isagu mar qudha hadal inta duubistu socotay taas oo u muuqata in uu iska dhawrayay in la garto.

 

30 Views

Features

  • Daawo:”Wadahadal Ayaan Ugu Baaqaya Walaaladayda Reer Sool Ee Puntland Jooga “Saleeban C Koore
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
  • Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
  • Daawo:Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Heerkay Taagan Tahay Nabadgelyada Somaliland Hanjabaadna Udiray Putland.
  • “Dadka Arintaa Wadaa Waa Dad Darojooyina Haysta Kuna Nabadgala ” Xukumada Oo Soo  Saartay Amaro Ay Xal Ugu Raadinayso Xiisada Dagaal Ee Ka Taagan Ceelafweyn.
  • Dagaalkii Ceel-afweyn Oo Waji Cusub Yeeshay + Cabsi Laga Qabo In Uu Mar Kale Dib U Qarxo Iyo Xukuumadda Oo Afka Ka Xidhatay.
  • ” Waxaanu Cadaynaynaa In Habar Yoonis Oo Dhami Dagaalka Ceelafweyn Udhantahay Oo Qaar Ku Dhaawacmeen ” Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale Oo Ujawaabay Boqor Faysal.
  • Dawladda Somaliya Oo Diyaarado Hub Ah Ka Dejisay Madaarka Garoowe Iyo Dalka Hubkaas Ugu Deeqay Farmaajo.
  • Wasiiradda Shaqo-gelinta Iyo Arrimaha Bulshada Oo Bilawday Quudinta Dadka Maskaxda Ka Xanuunsanaya Iyo Derbi Jiifka.
  • Daawo:Mujaahid Aadan Ciise Oo Dhaalilo Ujeediyey Xildhibaano Uu Sheegey Inay Colaad Ka Hurinayaan Berbera,Kana Hadlay Diyaar Garaw La’aan Ka Jirta Xuska 18 May Ee Burco.
  • “Boqorka Waxaa Loo Xidhay Muran Ka Dhaxeeya Kulmiye Dhexdiisa” Gudoomiye Ciro Oo Si Kulul Uga Hadlay Xadhiga Boqor Buurmadaw.
  • Daawo:-Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Muddo Ka Dib Warbaahinta Ka Soo Muuqdey ,Weerarayna Madaxda Maamulka Xamar.
  • Daawo:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Dhawaajiyey In Lagu Taageero Xukuumada Uu Soo Dhiso,Laguna Samro Qalinkiisa.
  • Daawo:-Siyaasi Cabdilaahi Yuusuf Ka Oo Hadlay Ujeedada Udarnaa Socdaal Uu Ku Tegay Degmooyinka Gebogebo Iyo Faqa-ayuub,Sikululna Udhaliilay Siyaasada Ay Xisbiyada Mucaaradku Ku Ololaynaayan.
More FEATURES