Qaramada Midoobay oo Hanjabaad Ku Saabsan Dagaalka Tukaraq U Soo Dirtey Somaliland
Gebo Gebo News

May 23rd, 2018
Qaramada Midoobay oo Hanjabaad Ku Saabsan Dagaalka Tukaraq U Soo Dirtey Somaliland

Hargaysa(Gebogebonews)-Ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya danjire Michael Keating, ayaa dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, u soo diray warqad uu kaga dalbanayo in dagaalka la joojiyo islamarkaana la bilaabo wada hadal siyaasadeed oo lagu bedelayo dagaalkii dhawaan qarxay.

 

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo diblomaasiyadeed, danjire Keating ayaa dhambaalkan soo gaadhsiiyay Somaliland iyo Puntland toddobaadkan, waxaanu dawladda Somaliland iyo maamulka Puntland kaga codsaday inay si deg deg ah u bilaabaan wada hadal, si loo baajiyo in dagaal dambe dhaco.

 

 

 



 

 

 

Sida ay xogahani sheegeen wuxuu danjire Keating Somaliland iyo Puntland ku wargeliyay go’aan uu sheegay inay Qaramada Midoobay gaadhay oo ah in laga joojin doono mucaawooyinka iyo weliba la macaamilkaba haddii ay joojin waayaan dagaalka islamarkaana bilaabi waayaan wada hadalo.

Xogo kale ayaa iyaguna sheegay inaanay dawladda Somaliland weli ka jawaabin qoraalka danjiraha Qaramada Midoobay oo ah mid aan saxaafadda loogu tallo gelin, waxase la filayaa inay si deg deg ah uga jawaabto.

Geesta kale, warar aan la xaqiijin Karin ayaa Geeska Afrika u sheegay in danjire Keating uu Somaliland iyo Puntland kala noqday niyad jab, ka dib markii ay madaxweynayaasha Somaliland iyo Puntland ka gaws adaygeen laba qodob oo uu ula tagay.

Warku wuxuu sheegay in Madaxweynaha Puntland Mr. Gaas oo uu ku soo horeeyay uu ka diiday in dagaalka uu baajiyo, waxaanu ugu hanjabay inuu dagaal ku qaadi doono Somaliland haddii aanu Madaxweyne Biixi ciidamada Somaliland ka saarin Tukaraq, ka hor bisha barakaysan ee Ramadaan. Mr. Gaas ayaa u muuqda inuu ka dhabeeyay hanjabaadiisa ka dib markii ay ciidamada Puntland soo weerareen Somaliland 15 May oo ahayd laba maalmood ka hor Ramadaantii, waxaanu hadalkaas Mr. Keating u sheegay 12 May oo ay Garowe ku kulmeen.

War kalena wuxuu sheegay in Mr. Keating uu isku dayay inuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku qanciyo inuu telefoon kula hadlo Madaxweynaha Puntland Mr. Gaas. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu ka gaws adaygay inuu telefoon kula hadlo Madaxweynaha Puntland.

Source: Geeska Afrika

120 Views




Features

  • Dowladaha Qatar Iyo Somaliya Oo Kala Saxeexday Heshiis Lagu Horumarinayo Dekadaha Somaliya.
  • Xildhibaan Baydhabo Lagu Dilay iyo Rabshadaha Ka Socda Baydhabo Oo Sii Xoogeystay. 
  • Wafti Uu Hoggaaminayo Suldaanka Guud Ee Beelaha Warsan-geli Oo Lagu Soo Dhaweeyay Garoowe, Madaxweyne Cabdiwali Gaas Oo  Uu Kulan La Yeeshay.
  • Xisbiga WADDANI Oo Markale Ku Baaqay In Si Dhakhso Ah Loo Kala Diro Xubnaha Guddida Koomiishanka Doorashooyinka.
  • Daawo:Gudida Qandaraasyada qaranka Oo Shaaciyey Tartan Loo Gelaayo 5 Mashruuc Oo Laga Hirgelinaayo Gobolada Dalka.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
More FEATURES