QASAARAHA KA DHASHAY ROOBABKII U DANBEEYEY EE DALKA KA DA’AYEY 48KII SAAC  AYNU SOO DHAAFNEY, QORSHE XUMADA IYO HABACSANAANTA NERAD IYO RAKAABKA MUUSE COLAAD,
Gebo Gebo News

May 23rd, 2018
QASAARAHA KA DHASHAY ROOBABKII U DANBEEYEY EE DALKA KA DA’AYEY 48KII SAAC  AYNU SOO DHAAFNEY, QORSHE XUMADA IYO HABACSANAANTA NERAD IYO RAKAABKA MUUSE COLAAD,

Maqaalkan waxaynu ku iftiimin doono shaqada ama kaalinta ay ku leedahay hayada u xilsaaran ka hortaga masiibooyinka qaranka marka magaceeda la soo gaabiyana loo yaqaan NERAD (National Environmental Research and Disaster Preparedness ) inagoo isdul taagayno sharciga iyo xeerkii lagu ansiyey ee x/no/35/2006 xeerkaasoo uu ku  lamaanaa x/madaxweyne 189/2003 àwoodna u siinayey madaxweynaha aasaasida hayada ka hortaga masiibooyinka qaranka hadaba inagoon ka hor dhacayn qodobada ku xusan xeerka sida ku cad qodobka kowaad macnaha eŕay bixinta waxa loola jeedaa xaalad ba’an oo ka dhallata dhacdo dhibaato culusoo dabiici ah, ama mid Aadami Sameeyay ah, oo ku habsata bulsho,
carqaladaysana nolol maalmeedkooda, gaadhsiisana bulshadu in ayawooddi waayaan in ay helaan cunto iyo baahiyahooda kale eeasaasiga ah, isla markaana hanan kari wayaan noloshooda, 
Qodobkani waxaa kaloo uu hoosta ka xariiqay shaqada dhabta ah ee ay hayada ka hortaga masiibooyinka qaranku u haysò umada lkn waxa iswaydiintu tahay matahay hayadaasi sida xeerka ku xusan mid waajibaadkeeda shaqo u gudata %100 kana hufan xilgudasho la’aan xukumada muusa biixii cabdi (muuse colaad ) oo hada ka baxday mudadii boqolka cisho ahayd kuna dhow sanad ayaa waxaa laga badalay magacii ay ku shaqaynaysay iyo cidii madaxda ka ahayd hayadaas, ka dib dhalashada dowlada cusub ee kulmiye waxaana loo bixiyey iyadoon la cuskan xeer sida aynu hore u soo xusnay aasaaskii hayada oo lagu aasaasay x/no/35/2006 iyo xeer madaxweyne 189/2003 awoodaha madaxweynaha siinayo abuurida hayadaha qaranku yeelanayo ayaa waxaa loo bixiyey hayada ka hortaga Aafooyinka dabiiciga iyo kaydka raashinka waxaanu madaxweynu u magacaabay faysal cali sheekh,
Dhawaan waxay ururka saadaasha hawada Aduunka ( World Meteorological Organization) UNIDO soo saareen warbixin ku saabsan in maalmaha ama saacadaha soo socdaa ay roobab dabaylo ba’an wataa ku dhufan doonaan xeebaha bariga iyo galbeedka Somaliland iyo Puntland, waxana  la sheegayaa magaalada berbera inuu hal qof ku naf waayey halka xeebta galbeedka jsl tuulooyinka hoostaga gobolka awdal iyo salaĺ min baki, saylac, xariirad ilaa lowyacodo ay ku naf waayeen dad tiradoodu lagu qiyaaso 15 qof xoola badanina ku leedeen, halkaa waxa nooga cad wacyi galin la’aanta marka warkaas oo kale la maqlo in laga hortago dad iyo xooĺaba laga raro si loo yareeyo loogana hortago dhibaatooyinka ka dhalan kara duufaanadaa roobku wato, 
Waxaynu maqalna sanad walba masiibooyinka dabiiciga sida abaaraha soo noqnoqda sanad walba dhibaatooyin lixaadleh ayna keenaan qorsha xumada iyo habacsanaanta NERAD, aanay jirina siyaasad cad oo ku salaysan wax ka qabashada iyo ka hortaga masiibooyinka dabiiciga guntii iyo gunaanadkii waxaanu madaxweyne muuse colaad iyo xukuumadiisa ku dhaliilayna madaxweyne adiģa iyo xukuumadaada waxa miisaaniyad iyo mushaharba idiin ah 1000 shiling ee islaanta xabuubta iibisa looga qaado cashuur iyàdna ay maalin oo layl bacadka u fadhidaa adiguna aad ku tagrifashaa isu daya inaad dib wax ugu celisaan oo aydaan maalintay masiibo dhacdo biric biriclayn lana timaadaan qorshe cad, shaqo iyo daacadnimana,
Wabilaahi towfiiq
W/Q Oday Abbas Ahmed Abbas
17 Views

Features

  • Daawo:”Wadahadal Ayaan Ugu Baaqaya Walaaladayda Reer Sool Ee Puntland Jooga “Saleeban C Koore
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
  • Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
  • Daawo:Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Heerkay Taagan Tahay Nabadgelyada Somaliland Hanjabaadna Udiray Putland.
  • “Dadka Arintaa Wadaa Waa Dad Darojooyina Haysta Kuna Nabadgala ” Xukumada Oo Soo  Saartay Amaro Ay Xal Ugu Raadinayso Xiisada Dagaal Ee Ka Taagan Ceelafweyn.
  • Dagaalkii Ceel-afweyn Oo Waji Cusub Yeeshay + Cabsi Laga Qabo In Uu Mar Kale Dib U Qarxo Iyo Xukuumadda Oo Afka Ka Xidhatay.
  • ” Waxaanu Cadaynaynaa In Habar Yoonis Oo Dhami Dagaalka Ceelafweyn Udhantahay Oo Qaar Ku Dhaawacmeen ” Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale Oo Ujawaabay Boqor Faysal.
  • Dawladda Somaliya Oo Diyaarado Hub Ah Ka Dejisay Madaarka Garoowe Iyo Dalka Hubkaas Ugu Deeqay Farmaajo.
  • Wasiiradda Shaqo-gelinta Iyo Arrimaha Bulshada Oo Bilawday Quudinta Dadka Maskaxda Ka Xanuunsanaya Iyo Derbi Jiifka.
  • Daawo:Mujaahid Aadan Ciise Oo Dhaalilo Ujeediyey Xildhibaano Uu Sheegey Inay Colaad Ka Hurinayaan Berbera,Kana Hadlay Diyaar Garaw La’aan Ka Jirta Xuska 18 May Ee Burco.
  • “Boqorka Waxaa Loo Xidhay Muran Ka Dhaxeeya Kulmiye Dhexdiisa” Gudoomiye Ciro Oo Si Kulul Uga Hadlay Xadhiga Boqor Buurmadaw.
  • Daawo:-Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Muddo Ka Dib Warbaahinta Ka Soo Muuqdey ,Weerarayna Madaxda Maamulka Xamar.
  • Daawo:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Dhawaajiyey In Lagu Taageero Xukuumada Uu Soo Dhiso,Laguna Samro Qalinkiisa.
  • Daawo:-Siyaasi Cabdilaahi Yuusuf Ka Oo Hadlay Ujeedada Udarnaa Socdaal Uu Ku Tegay Degmooyinka Gebogebo Iyo Faqa-ayuub,Sikululna Udhaliilay Siyaasada Ay Xisbiyada Mucaaradku Ku Ololaynaayan.
More FEATURES