Waa Ilaa Halkee Xadka Xorriyatul Qawlka(Cabiraadda Fikirka/Aragtida)?.
Gebo Gebo News

May 23rd, 2018
Waa Ilaa Halkee Xadka Xorriyatul Qawlka(Cabiraadda Fikirka/Aragtida)?.

Iyada Oo aan la dafiri karin baaqa caalamiga ah ee u dhigan:-

“Xaqa Xorriyatul qawlka (cabiraadda fikirka/aragtida) ayaa ah xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha ee ku xusan qodobka 19aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha”.


Hadana waxa shardi u ah In aanu noqon  xorriyatul qawlkaagu mid;

“Waxyeello u geysan kara dadka kale marka laga eego dhanka aragtidooda”.


A;
Faraqa u dhaxeeya xorriyatul qawlka (cabiraadda fikirka/aragtida) & ku  xadgudubka dadka kale.
“Iska jir isticmaalka xoriyatul qowlka khaladka ah, sida: in aad ku dhibaateyso dad kale adiga oo ku eedeynaya eedeeymo been ah”.

Waxaa jira dad badan oo “isku khalda” laba arimood oo iska soo horjeeda illaa xad, taas oo ah faraqa u dhaxeeya xorriyatul qawlka & ku  xadgudubka dadka kale, iyada oo loogu dhuumanayo “xoriyatul qawlka(cabiridda fikirka/aragtida)”.

Hadaba Ku Xadgudubka xorriyadaha dadka kale & ihaanada sharafta, milgaha & ku jees jeeska waxyaalaha ay aaminsanyihiin dadyawga kale ama arrimaha kale ee la xidhiidha wax-yaalaha gaarka u ah (privacy) shakhsiyaadka & kooxaha, arintaas Oo aan wax cilaaqo ah la lahayn xorriyadda gabi ahaan-ba, Waana nooc ka mid ah noocyada denbiyada qofku ku mudan karo ciqaab sharciga hortiisa isla markaana uu diidayo anshaxa wanaagsani.
Sidaa darteed:
1. Ma banaana in la daabaco oo la soo saaro wax kasta oo ka hor imaanaya shuruucda shareecada Islaamka, ama ku xadgudubka amarka guud ama nidaamka dawladda sida raf-caanka ama ruq-sadda.
2. Ma banaana wararka ama sawirada la xidhiidha privacy-ga shakhsiyaadka ee laga yaabo in la daabaco.
3. Ma banaana in la daabaco wax kasta oo kugu dhiirrigelinaya in aad geysato ​​ama aad ku dhacdo nacayb ama aad dacaayad u galiso ama aad faafiso wax niyad jab ku keeni kara xubno ka tirsan bulshada”.

B;
Maxaa ka dhalan kara Ku xad-gudubka privacy-ga shakhsiyaadka ama kooxaha.
“qof kasta oo bulshada ka mid ahi waa inuu ixtiraamaa xuquuqda dadka kale sida uu u doonayo in loo ixtiraamo xuquuqdiisa”.

Waxaan maanta aragnaa in ay jiraan dad badan oo ku lug leh khusuusiyaadka dadka si ay ugu xadgudubaan privacy ee goobaha baraha bulshada iyadoo la raacayo marxaladda xorriyadda & muujinta rayi’ga iyada oo aan loo fiirsanayn dembiga ka iman kara ama ay keenayso dabeecaddani isla markaana layska indha tirayaayo waxyeeladeeda, midkeen wuxuu wax u dhimi karaa sawir qof kasta oo ku khilaafsan amase kaga duwan xaga ra’yiga, fikirka & waxa uu aaminsanyahay. Laakiin tani maaha xirfad amase farsamo “shorthand”, laakiin waa meel uga dhac wax-yaalaha gaarka u ah dadka kale & adigoo ka talaabay dhammaan qiyamka & qiimahii bini-aadamnimada, sidaas darteed waa in la kala soocaa xorriyadda qawlka & akhlaaqiyaadka liidata.

C;
Khataraha ka iman kara baraha bulshada marka sida khaldan loo adeegsado.

Inagoo ka duulaya xaaladaha adag ee hadda & duruufta ka jira gobolka, qof kasta  waxa waajib ku ah in loo midoobo gacmahana laysku qabsado si xidhiidhka loogu jaro sharwadayaasha maanta.
Waxaad ogaataa iskana ilaalisaa saamaynta mashaqada & borobagaandada ka jirta  baraha bulshada, kuwaas oo maanta awoodooda u badani tahay kala qaybinta bulshada iyadoo loo sii kala qaybinayo garabyo, kooxo & qabaa’il,
Badi social media-yuhu ama warbaahinta maanta waxay isku daydaa inay weynayso Oo ay buunbuuniso waxyaalaha aan manfaca bulshada u lahayn (sida hurinta khilaafaadka, baahinta xogaha/wararka been abuurka ah & iska horkeenka shacabka & xukuumadda). Isla markaana waxay yareeyaan waxyaalaha shacabka muhiimka u ah sida (ku baraarujinta danta guud & kaabayaasha nolosha).

qaar ka mid ah channels warbaahinta ayaa isku dayaya sida ugu badan ee suuragalka ah in ay u ballaadhiyaan baahinta mala awaalka ka fog xaqiiqada iyo in ay yareeyaan baahimaha & tabinta wararka ugu muhiimsan ee xaqiiqada dhabta ah,Nasiib daro, qaar badan oo naga mid ah ayay caado u tahay inay soo tabiyaan wararka xanafta leh & kuwa been-abuurka ah ee baraha bulshada ee aan qadarineynin shuruucda dalka + dhaqanka  iyada oo aan waliba loo eegin saxnimada macluumaadka ay helayaan daqiiqad kasta, taasoo ka qaybqaadata xaqiiqada beenta ah ee meel walba taala. Waxa kale oo iyana jira qaar ay camalkooda tahay soo tabinta macluumaadka xambaarsan aw-haamta, khuraafaadka iyo beenaha.
Waxyaabaha ugu sii khatarsan ee arrintani waxay tahay in ay jiraan saameyno dhabnimadoodu aad uga fogtahay siday wax u jiraan kuwaas oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa warbaahinta bulshada si ay miyir-beelka bulshada u dhaqaajiyaan isla markaana u tabiyaan wararka been-abuur ah & macaamiisha macluumaadka ku salaysan been-abuurka & barobagaandada,
kadibna waxay gaadheen heerka dhaxalgalka dhabta ah oo ah habka burburka & dildilaaca ilaa ay ka gaadhaan nuqdada “dhiigga”.

D;
Xujo ka dhigashada xorriyatul qawlka (cabiridda fikirka/aragtida).

Iyada oo ay shardi u tahay xorriyatul qawlka & cabiraadda fikirkaaga/aragtidaada;

“In aanay waxyeello u geysan dadka kale marka laga eego dhanka aragtidooda”.

Marka laga eego aragtidan, dadka muwaadiniinta ah waxa ku waajiba in ay “dhug u yeeshaan” xogaha ama wararka “ka soo burqanaya warbaahinta maxaliga ah” oo aan la wada qaadan dhamaanba wararka ay tabiyaan, iyada oo intooda ugu badani iyana ay u arkaan muhiim aanay ahayn kuwo waxtar u leh muwaadiniinta marka la barbar dhigo xogogaal u noqoshada xaaladaha dhabta ah ee bulsheed, siyaasadeed & dhaqaale-ba iyada oo loo marayo dhaxalgalka Beenaalayaasha. Taas oo aan ula jeedo habka isgaadhsiinta bulshada maanta, si loogu faafiyo fowdo dadka dhexdiisa, iyada oo loo marayo xujana laga dhiganayo  muujinta fikradda/ra’yiga iyo xorriyatul qawlka, taas oo sii adkaynaysa aragtida xumaha.

Ugu denbeyn intee ayuu sii jiri karaa qofka caqligiisa & garashadiisu siisay inuu qori dab leh goor & ayaan uu qabadsiiyo baradiisa uu ku noolyahay isla markaana ku kacaya wax hoos u dhigaya sumcadda dalkiisa & dadkiisa. Runtii qofkaasi
Ma awoodaa inuu ku sii dhex noolaado dal & dad uu kafantooda tolayo ilbidhiqsi walba.

Wabillaahi Atawfiiq.

 
Qalinkii: Gar. Keyse Koosaar Cilmi

 
117 Views




Features

  • Xildhibaan Baydhabo Lagu Dilay iyo Rabshadaha Ka Socda Baydhabo Oo Sii Xoogeystay. 
  • Wafti Uu Hoggaaminayo Suldaanka Guud Ee Beelaha Warsan-geli Oo Lagu Soo Dhaweeyay Garoowe, Madaxweyne Cabdiwali Gaas Oo  Uu Kulan La Yeeshay.
  • Xisbiga WADDANI Oo Markale Ku Baaqay In Si Dhakhso Ah Loo Kala Diro Xubnaha Guddida Koomiishanka Doorashooyinka.
  • Daawo:Gudida Qandaraasyada qaranka Oo Shaaciyey Tartan Loo Gelaayo 5 Mashruuc Oo Laga Hirgelinaayo Gobolada Dalka.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
More FEATURES