Kheyre Oo Fuliyay Balan Qaadyo Uu U Sameeyay Qaar kamid Ah Xildhibaanada Barlamaanka Xiligii Uu Socday Moshinkii Xilka Lagaga Qaaday Jawaari.
Gebo Gebo News

May 24th, 2018
Kheyre Oo Fuliyay Balan Qaadyo Uu U Sameeyay Qaar kamid Ah Xildhibaanada Barlamaanka Xiligii Uu Socday Moshinkii Xilka Lagaga Qaaday Jawaari.

Muqdisho (Gebogebonews)-Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa balan qaadyo kala duwan u sameeyay Xildhibaanada Golaha Shacabka intii ay socotay Mooshinkii Jawaari laga keenay iyo Doorashadii Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

 

 

Kheyre ayaa Xildhibaano dhoor ah ka balan qaaday in uu kusoo dari doono golihiisa Wasiirada hadii uu qorshahooda guuleesto, waxaana Xildhibaanadaasi olole xoogan u galeen sidii meesha looga saari lahaa Jawaari loona dooran lahaa Maxamed Mursal.

 

 

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xalay dhameestiray Wasiiradii ka banaanaa Xukuumadiisa oo isugu jiray Lix Wasiir, Shan Wasiir  ku xigeen iyo Labo Wasiiru dowlo, waxaana Wasiiradan inta badan iska laheyd beesha Digil iyo Mirifle.

Wasiiradan uu xalay magacaabay Kheyre 12-kamid ah ayaa kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana Wasiirka kaliya ee banaanka ka yimid uu noqday Daahir Maxamed Geelle oo ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Sacuudiga.

 

 

 

Sida aan xogta ku heleyno Xildhibaanadan Golaha Wasiirada kamid noqday ayaa kamid ahaa xubnihii ololaha u galay Ridistii Jawaari iyo Doorashadii Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo ay gadaal ka riixeysay Xukuumada Somalia.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaana hada fuliyay balan qaadyadii uu u sameeyay qaarkood, waxaana wali laga sugayaa Ra’isul Wasaaraha in uu fuliyo balan qaadyo kale oo isugu jira xilal iyo mid maaliyadeed oo iyana u sameeyay Xildhibaano kale oo badan.

 

 

 

Wasiirada la magacaabay waxaa ku jira Cabdi Casiis Lafta gareyn oo kamid ahaa Musharaxiintii xilka Gudoomiyaha golaha Shacabka, waxaana musharaxan oo heestay codad badan ku taageeray Maxamed Mursal kadib balan qaad Wasiir oo loo sameeyay.

 

 

 

Waxaa sidoo kale Wasiirada kale ee la magaacabay ku jira C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey oo kamid ahaa Xildhibaanadii sida weyn u taageersanaa Jawaari, hasa ahaatee Xildhibaan ayaa Xilka Wasiirnimo waxaa u dhameeyay Gudoomiyaha golaha shacabka si uu meesha uga saaro Xubnaha beeshiisa ee mucaaradsan siyaasadiisa.

 

 

Xildhibaano badan oo katirsan Golaha Shacabka ayaa iyagana ka sugaya Ra’isul Wasaare Kheyre in uu u fuliyo balamo uu la galay oo ku aadan in Safiiro la siinayo xubno ay wataan, Gudoomiyaal degmo iyo xilal kale oo muhiim ah.

 

 

Dadka Siyaasada Falanqeeya ayaa rumeesan in Ra’isul Wasaare Kheyre ku adkaan doonto fulinta balan qaadyadii uu sameeyay dhamaantood, waxa ayna rumeesan yihiin in ay jiri doonaan Xildhibaano albaabada laga soo xidho loogana baxo balamihii lala galay.

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

 

Gebogebonews@gmail.com

244 Views




Features

  • Dawladda Somaliland Oo Shirkadaha Kalluumaysi Ee Shiinaha Uga Digtay In Ruqsada Ay Dawladda Soomaaliya Siisay Ula Soo Talaabaan Biyaha Somaliland.
  • Xukumada Somaliland Oo Ruqsadii Isgaadhsiinta Kala Noqotey Laba Shirkadood.
  • Daawo:Tirada Dad Ugeeriyooday Xanuunka Gawracatada Oo Ka Dilaacay Gobolka Saraar Iyo Masuulinta Gobalkaasi Oo Ka Hadlay.
  • Daawo:Madaxweyne Biixi Oo Masuliyinta Gudida Qandaraasyada Qaranka Ku Tilmaamay Masuuliyin Ka Dhabeeyeen Himiladii Qaranku Lahaa.
  • Daawo:Khudbad Sanadeedkii Madaxweyne Muuse Biixi Ka Hor Jeediyey Golaha Baarlamaanka.
  • Madaxweyne Biixi Oo Maamulka Puntland Ku Eedeeyay Inay Ciidammo Falal Amni Darro Ah Wada Soo Geliyeen Gudaha Somaliland.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
More FEATURES