Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
Gebo Gebo News

June 5th, 2018
Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.

Ceerigaabo (Gebogebonews)-Beryihii U Danbeeyey Waxaa Somaliland Ka Taagna Dagaal Beelleedo Soo Noq-Noqday Oo Taag Iyo Maare Loo Waayey Taas Oo Labadii Sano Ee U Danbeeyey Ka Taagnayd Gobolka Sanaag gaar Ahaan Degmada Ceel-Afweyn.
 
Xukuumada Somaliland Ayaa Dadaalo Kala Duwan Ku Bixisay Daminta Dirirta Colaadeed Balse Ma Noqon Mid Midha Dhasha,Talaabo Kasta Iyo Go,aan Kasta Oo Laga Soo Saaro Colaada Ceel-Afweyna Wuxuu Noqday Hal Bacaad Lagu Lisay.
 
 
Hadaba Todobaadkii U Danbeeyey Waxaa Soo If-Baxay Arimo Naxdin Leh,Kuwaas Oo Shacabka Somaliland Kusii Abuuray Wer Wer Ay Ka Qabaan Inay Colaadaasi Sii Balaadhato Waxaana Cuqaasha Haldoorka Iyo Labeenta Beelaha Dagaalamaya Warbaahinta Isku Mariyeen Hadalo Xanaf Leh .
Sidoo Kale Waxa Hanjabaadahaasi Fashiliyeen Masuuliyiin Xilal Ka Haya Gobolka Sanaag Oo Iyagu Lug Ku Leh Dagaaladaasi, Maayirka Degmada Ceerigaabo Iyo Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Policeka  Gobolka Sanaag  Boqor Maxamed Boqor Axmed Cali Ducaale Ayaa Maalintii Shalay Deegaanka Goof Kaga Qayb Galay Shir Beeleed Lagaga Hadlaayo Colaada Deegaamadaasi,Inkasta Oo Shirkani Ahayn Mid Waan-Waana Balse Ahaa Mid Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisada Dagaal Ee Ka Taagan Ceelafweyn 
Waxaana Sidoo Kale Shirkaasi Lagu Taageeraayey Kornel Caare Oo Ka Goostay Ciidanka Qaranka Somaliland Sidoo Kale Waxaa Shirkaasi,Lagu Aflagaadeeyey Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Hab Beeleed Loo Ataagay Kuwaas Oo Kala Ah  Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan,Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed Iyo Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada Somaliland.
Arintani Waxay Muujisay Halka Ay Colaada Ka Taagan Yihiin Labadan Masuul Ee Ka Tirsan Xukumada Ee Goobta Shirka Fadhiyey,Waxaana Muuqata Inay Taageero U Fidinayaan Beeshooda Maadama Oo Ay Ka Qayb Galeen Shirarkan Laga Arinsanaayey Dagaalka Ceelafweyn,
Goobtaasi Ay Fadhiyeen Taliye Ku Xigeenka Iyo Maayirku Waxaa Si Aan Gabasho Lahayn Loogu Taageeray Taliye Caare Iyaga Oo Ku Baaqay Xukuumadu Inay Faraha Kala Baxdo Soo Qabashada Taliye Caare Oo Isagu Ka Goostay Ciidanka Qaranka Somaliland.
 
Sidoo Kale Waxaa Xusid Mudan In Deegaanka Goof Ay Ku Sugan Yihiin Ku Dhowaad 500 Maleeshiyo Beeleeda Kuwaas Oo Ay Isku Hayb Yihiin Maayirka Iyo Taliye Ku Xigeenka Ciidan Beeleedkaas Oo Ku Dhuunta Agagaarka Deegaanka Ay Shirka Kaga Qayb Galeen.
 
Warar Xog-Ogaala Oo Aanu Helayno Ayaa Sheegaya In Colaada Ceel-Afweyn Ay Jiraan Siyaasiyiin Labada Beelood Kasoo Jeeda Oo Iyagu Aan Daacad Ka Ahayn Nabadaynta Isla Markaana La Safan Beelahooda Waxaana Xukuumada Somaliland La Gudboon Inay Gacan Bira Umada Kaga Qabato Rabshad Wadayaasha Qaranka U Adeegaya.
 
Cabdiraxmaan Maxamed Xasan
 Ceerigaabo Somaliland 
1192 Views




Features

  • Xisbiga Waddani Oo Ganafka Ku Dhuftay Codsi Uga Yimid Guddida Doorashooyinka Somaliland
  • Daawo:Maayirka Magaalada Burco Oo Maanta Dhagax Dhigay Waddo Cusub Oo Laga Hirgalin Doono Xaafada Caqiibo Ee Magaalada Burco.
  • “ Shirka Burco Wuu Dhacayaa ” Suldaanka Guud Ee Habaryoonis Oo Ka Hadley Shirka Burco Iyo Sidii Uu Ku Soo Bilbaabmay.
  • Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland Oo Tababar U furay Shaqaale waynaha Hay’addaasi.
  • Askar Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Dil Iskugu Gaystay Magaalada Hargeysa Iyo Sababta Keentay.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
More FEATURES