Dawladda Somaliland Oo Aqbashay Dedaalka Nabadeed Ee Qaramada Midoobay Iyo Wadamada IGAD.
Gebo Gebo News

June 13th, 2018
Dawladda Somaliland Oo Aqbashay Dedaalka Nabadeed Ee Qaramada Midoobay Iyo Wadamada IGAD.

Hargaysa(Gebogebonews)Dawladda Somaliland ayaa la sheegay inay ogolaatay dedaal ay dalalka IGAD iyo Qaramada Midoobay ku doonayaan in xabad joojin la dhex dhigo ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaadka Puntland ee ku dagaalamay Tuko-raq, laakiin maamul goboleedka Puntland ayaa diiday qorshahaas.

 

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, dawladda Somaliland waxa ay aqbashay qorshahaas Qaramada Midoobay iyo IGAD oo ah in marka koowaad la sameeyo xabad joojin rasmi ah islamarkaana la bilaabo in la wada hadlo. Hase yeeshee Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa qorshahaas diiday islamarkaana shuruud ku xidhay.

 

 

Warku wuxuu sheegay in Mr. Gaas uu shuruud ka dhigay in dawladda Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo deegaanka Tuko-raq, ka dibna la bilaabo xabad joojin iyo wada hadal.

 

Talaabadan Puntland, ayaa warku wuxuu sheegay in beesha caalamka uu ku noqday caqabad islamarkaana ay la yaabeen shuruudaas uu Cabdiweli Gaas ku xidhay xabad joojinta, waxaanu warku sheegay in la filayo in Qaramada Midoobay iyo wadamada IGAD ay go’aan ka gaadhaan diidmada Puntland.

 

Dawladda Somaliland ayay ku ammaaneen Qaramada Midoobay iyo wadamada IGAD sida ay u aqbashay soo jeedintooda nabadeed.

 

Dalalka IGAD ee qaramada midoobay ka caawinaya nabad ku soo dabaalista deegaanka tuko-raq ee gobalka sool, waxa u horaysa dawladda Itoobiya.

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

275 Views




Features

  • Dowladaha Qatar Iyo Somaliya Oo Kala Saxeexday Heshiis Lagu Horumarinayo Dekadaha Somaliya.
  • Xildhibaan Baydhabo Lagu Dilay iyo Rabshadaha Ka Socda Baydhabo Oo Sii Xoogeystay. 
  • Wafti Uu Hoggaaminayo Suldaanka Guud Ee Beelaha Warsan-geli Oo Lagu Soo Dhaweeyay Garoowe, Madaxweyne Cabdiwali Gaas Oo  Uu Kulan La Yeeshay.
  • Xisbiga WADDANI Oo Markale Ku Baaqay In Si Dhakhso Ah Loo Kala Diro Xubnaha Guddida Koomiishanka Doorashooyinka.
  • Daawo:Gudida Qandaraasyada qaranka Oo Shaaciyey Tartan Loo Gelaayo 5 Mashruuc Oo Laga Hirgelinaayo Gobolada Dalka.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
More FEATURES