“Qaran Baynu Nahay Ee Ma Haboona In Dadka Qabyaalad Lagu Kala Qaybiyo..” Jaamac Shabeel
Gebo Gebo News

June 13th, 2018
“Qaran Baynu Nahay Ee Ma Haboona In Dadka Qabyaalad Lagu Kala Qaybiyo..” Jaamac Shabeel

Hargaysa(Gebogebonews)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel),ayaa ka digay qabyaalada, waxaanu ku taliyey in laga feejignaado qabyaalada, oo si xun loo isticmaalo.

 

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel),oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay Somaliland marxalado iyo duruufo kala duwan soo martay 27 sanno ee ay Somaliya ka madax banaanayd, waxaanu ugu horeyn uu yidhi

 

 

“Maalmihii ugu dambeeyey ee bisha khayrka badan ee Ramadaan ayaa lagu jiraa, waxaana ALLE ka baryeynaa in bishan bisheeda uu khayr iyo nabad qab inagu gaadhsiiyo, waxaanu ALLE ka baryeynaa inuu camalkii wanaagsanaa ee aynu soo qabanay inuu inaga aqbalo, waxaanu ALLE ka baryeynaa inuu inoo naxariisto, ta kale waxaan guud ahaan Shacabka reer Somaliland ku boorinayaa inaynu isku naxariisano, oo dadkeena jilicsan ee danyarta ah aynu wax tarno, markaynu inagu isku naxno ayuu ALLENA inoo naxariisanaya, wax kasta oo la kala tirsanayo waa in wanaag lagu xaliyaa”

 

Jaamac Shabeel ayaa mar uu ka hadlaayey qabyaalada ayaa yidhi “Qabyaalada oo si xun loo isticmaalo, wax ina qabta maaha, runtiina aad baan uga digaya, qaran baynu nahay ee ma haboona in dadka qabyaalad lagu kala qaybiyo,ee ha looga feejignaado in qabyaalada dhinac xun looga faa’iidaysto, cid kasta oo qabyaalada bulshada soo dhex dhigta, oo qabyaalada isku dayda inay bulshada wax kaga doonto, waxaan leeyahay iska daaya, oo ALLE ha laga baqo”.

 

Jaamac Shabeel ayaa mar uu ka hadlaayey Somaliland ayaa yidhi “Somaliland 27 sanno ee ay jirtay, ee ay dib ula soo laabatay xoriyadii ka luntay marxalado iyo duruufo kala duwan ayey soo martay, Xukuumaddo iyo Madaxweynayaal ayaa is bedelay, Doorashooyin xor iyo xalaala ayaa ka dhacay, markaas maanta inay Somaliland halkay joogta ay hore uga sii socoto mooye, lagama yaaban inay dib uga laabato, Beesha Caalamkuna waa inay Somaliland aqoonsiga ay uga Baahantahay Ay Siiyaan.”

 

Source:- Geeska

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

449 Views




Features

  • Daawo:Tirada Dad Ugeeriyooday Xanuunka Gawracatada Oo Ka Dilaacay Gobolka Saraar Iyo Masuulinta Gobalkaasi Oo Ka Hadlay.
  • Daawo:Madaxweyne Biixi Oo Masuliyinta Gudida Qandaraasyada Qaranka Ku Tilmaamay Masuuliyin Ka Dhabeeyeen Himiladii Qaranku Lahaa.
  • Daawo:Khudbad Sanadeedkii Madaxweyne Muuse Biixi Ka Hor Jeediyey Golaha Baarlamaanka.
  • Madaxweyne Biixi Oo Maamulka Puntland Ku Eedeeyay Inay Ciidammo Falal Amni Darro Ah Wada Soo Geliyeen Gudaha Somaliland.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES