Idaajaa iyo Hargeysa Qalinkii Said Ismail.
Gebo Gebo News

June 14th, 2018
Idaajaa iyo Hargeysa Qalinkii Said Ismail.

Waxan ku bilaabay magaca Allaha Raxmaanka ah ee keligii xaq lagu caabudo.

 

Degmo idil dad meel yaal ninkii dux iga soo moodey

Dug maanaa ka odhan kara bakhayl derejo loo waaye..

➢ Axmed Koorejaan

 

Marka ugu horraysa ee waxan ammaan iyo mahadnaq miisaan leh u dirayaaa shacabka Reer Somaliland, siiba kuwa ku nool hoyga fanka iyo suugaanta ee Hargeysa oo ay ugu horreeyaan intii sida xushmadda iyo karaamada leh u soo dhawaysay Axmed Faarac Cali Idaajaa. Hubka ugu culus ee reer Somaliland ay qof walba kaga adkaadaan, kuna suntan yihiin, waa soo dhawaynta iyo weyneynta shuruud la’aaneed ee martida, sida islaamnimaduba nafarayso.

 

 

“Aadane haddii aad anfaco iyo udug ku sooryeyso,

Waxa saxaradiisu u urtaa waa asxaan liiye.”

➢ Cabdulle Raage

 

Martida gobta ah waxa la gudboon inaanay wanaaggaa loo galay shaashayn, oo xushmadda la huwiyay aysan si qaldan uga faa’ideysan. Waxan filayey haddiiba uu Axmed F Cali Idaajaa hadal u holladay inuu cafis weydiisan doono guud ahaan ummadda afka Soomaaliga ku hadasha, gaar ahaanna shacabka gobta aha ee Soomaaliland oo uu dagaalkii adeerkii Afweyne mid aan ka dhicin oo afka ah ula badheedhay. Cafis daayee waxay u muuqataa “waabu kaga daray, geelu darantii.”

 

 

Ninka Idaajaa sheegta waxa Hargeysa uga soo horreeyey laba nin oo ay isku hayb yihiin oo Yamyam iyo Aw Jaamac Cumar Ciise la kala odhan jirey oo nacaybka shacabka Somaliland ay u qabaan iskaga mid ahaa, gunaadku se ku kala xeeldheeraa. Abwaan Yamyam, allah ha u naxariistee, khalad uu 1988kii galay ayuu saxay muddo yar ka dibna wedkii baa haleelay. Aw Jaamac Cumar Ciise laftiisa dhimashadiisii wax yar ka hor ayaa qaar aan isku kalsoonayni Hargeysa keeneen waxa uu se dhoofay asagoo sidaa Idaajaa aan khaladkii uu Soomalida aan la qolada ahayn ka galay aanu sixin.

 

 

Axmed Faarax Cali Idaajaa wuxu madashii Hargeysa ee loo waageeray ka yidhi hadallo ay ka mid ahaayeen “Suugaanta qabyaaladda ha laga daayo” iyo “suugaanta 4.5 kuma qaybiyo.” Tan hore waa amakaag oo 50 sano ayuu qudhun, qoqob, iyo qabyaalad kula dhex jirey suugaanta iyo taariikhda Soomaalida. Tan ah “suugaant 4.5 kuma qaybsho” waa u naftii hafarnimo oo ma aha halyey qaran ee waa nin qabiil suugaanta reerkiisa ku takhasusay, mana aha marjac loogu noqdo suugaanta baaxadda leh ee Somaalida.

 

Idaajaa wuxuu sheegtay inuu Somaliland u yimi hal gabay oo uu Muuse Cali Faruur ka doonayey, bal se waxa muuqata inuu hadaf intaa ka qoto dheer ka lahaa safarkiisan. Hadallada uu madalo dhawr ah kaga tiraabay waxay iftiiminayaan inuu doonayo in dunuubtii uu suugaanta, dhaqanka iyo taariikhda Soomaliyeed ka galay uu bannaysto oo Hargeysa loogu sharciyeeyo.

 

 

“Ma wax galay qabuuraha dhulka iyo qawladaha jeelka,

Iyo qaafil dhega la ayuu dadkii kale ku qiimeeyey

Waar qaldanidee ma Soomaalibaa jees qudha u baahan.”

➢ Abwaan Dheegan

 

Anigoo dayar oo Idaajaa aad u dhegeysta dadka uu suugaantooda ka hadlaana aysan summad qabiil ii lahayn, ayaan sannadkii 1989kii Idaajaa iyo nin reer Sool ah ka daawaday TV-gii Somalia. Waxa ay ka sheekaynayaan manhajkii suugaanta ee dugsiyada Hoose, Dhexe, iyo Sare oo ay dood dheer ka dib ku gunaanadeen in suugaanta canaasiirta gala-raaca ah ee gobollada Woqooyi soo weerartay laga saaro, kutubtaana dib loo daabaco. Ragga uu Idaajaa rabay in manhajka suugaanta laga saaro waxa ku jirey Cabdillahi Suldaan Timacadde, Xaaji Aadan Afqallooc, Qaasim, Cabdillaahi Qarshi, Cali Sugulle, Hadraawi, Barkhadcas, iyo dhawr nin oo kale oo miisaanka ay Somali ku lee yihiin la og yahay. Ninka reer Sool xishood ayaa ku yara jirey ee waxyaabihii uu maalintaa TV-ga dawladdii Somalia kaga doodayey Idaajaa waxa ka mid ahaa in nimanka uu bartilmaameedsaday Wasaarraddii Waxbarashada iyo Xafiiskii Manaahiijta u badnaayeen sidaa darteedna suugaanta meesha ku qorani aysan isu dheelli tirnayn ee dhinac u badan tahay. Waxa laga yaabaa in la helo dad barnaamijkaa aan qalbigayga ka bixin dhegeystey inay jiraan maraggeedana furaan. Waagaasaan baadhay oo ogaaday in barnaamijkii uu Radio Muqdisho ka sii deyn jirey uu 99% reerkiisa ku xayaysiin jirey isagoo fulinaya hadafkii kacaankii adeerkiis madaxda ka ahaa asna uu xagga faafintaa iyo wacyigelinta suugaanta u qaabilsanaa.. Ninkii maalintii sidaa TV-ga Somalia uga doodayey ayaa maanta leh Suugaanta iyo Qabyaaladda ha la kala daayo.

 

 

Markii nidaamkii uu koolkoolin jirey ee adeerkii Afweyne burburay, Idaajaa halkii buu ka sii waday xumihii uu kula dhex meehannaabayey Suugaanta iyo taariikhda la hal-maasha, isagoo fursado kala duwan ka helay BBC-da iyo VOA-da. Si aanan u dulmin daallimka Idaajaa ayaan baadhitaan ku sameeyey oo dhegeystay 79 barnaamij, oo isku xiga, oo dhawr sannaddood oo isku xiga uu ka sii daayey VOA-da, taasoo sawir cad oo aan muran lahayn ka bixinaysa qofka uu yahay Idaajaa. Barnaamijyadaas oo VOA-du lanbarro u yeeshay ayaa 73 ka mid 79 ka barnaamij ama 92.4% (eeg shaxda lifaaqa ah) wuxuu ku soo bandhigay abwaanno beeshiisa ah halka 6 keliya uu ku yara taabtay abwaannada Soomaalida kale. 73ka barnaamij ee uu abwaannada reerkiisa kaga hadlayo dhawr ka mid ah ayuu abwaanno kale dhawr ilbiriqsi meelo ka yara dacal taabtay. Waxay taasi markhaati cad u tahay inuu Idaajaa suugaantii Soomaalida kala qoqobay, abwaannadeennii qaaliga ahaana kala qoleeyey oo xayn yar oo la reer ah uu sida tukaha meel walbaba kaga qayliyo. Markii anwarbixintaa u soo bandhignay idaacadda VOA-da ujeeddadayadu ma ahayn suugaanta 4.5 ha lagu qaybiyo ee waxay ahayd in ruuxan qabyaaladdu dullaystay laga beddelo barnaamijka Suugaanta, ama barnaamijka magiciisa iyo suugaanta ka baxda la is waafajiyo oo Suugaantii Daarood loogu magac daro. Jawaabtiisa qabiixa ah ee uu waagaasba isku difaacayey ee daarran suugaanta 4.5 kuma qaybshana waa qiil jaban oo aan meesha qaban.Axmed F Idaahaa waxaaabaha lagu haysto waxa ka mid ah:

 

 

 

1.     Idaajaa waa gaalla-ka-hadh ka sii nool taliskii hadaadumay ee adeerkiis Afweyne madaxda ka ahaa isagoo nidaamkii keligii taliyaha u qaabbilsanaa dhanka wacyigelinta iyo propagandaha. Af iyo suugaanba waa ku difaacay dhiigyacabkii magaalada uu manta martida u yahay dhulka la simay.  

 

“Koodhkii Afweyniyo la tuur, kab iyo xaarkeede.”

➢ Cali Banfas

 

Koodhkii iyo kabtii soddon sano ku dhawaad ka hor baa la tuuray balse Idaajaa waa jeermiskii ka hadhay nidaamkii la genbiyey ee dhiigyacabkii Afweyne Barre. Afweyne waagii la baacsaday ayaa isagoo Baardhere jooga la waydiiyey xasuuqii uu ka geystey woqooyiga taasoo uu garawshiinyo daayee meytidii eedeeyey, kanina sidii adeerkii ayuu indhacaddays isla soo mutuxay Hargeysa isagoo is moodsiiyey in dagaalkii uu illaa maanta wado aanu la dhaadin.

 

2.       Idaajaa waxa kaloo lagu haystaa is-daba-marin iyo xatooyo suugaameed. Waxa u daliil u ah fatwadii dhawaan uu heestii Yuusuf Xaaji Aadan ee “Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada” ugu xukumay nin Cali Mire la yidhaahdo oo ay isku reer yihiin, kana mid ahaa ardaydii Yuusuf X Aadan. Waxa kaloo ka mid ah suugaantii Muxummud Liibaan Jadeer oo uu iyadana dhawaan Raage Ugaas siiyey, buugna ku qortay.

 

3. Idaajaa abwaaniintii waaweynayd ee Soomalida, kuwa dhintay iyo kuwa nooliba, waxay u yaqaannaan kaaddib tuug ah oo qoraalladiisa iyo waxa afkiisa ka soo baxaaba munkar iyo been abuur u badan yihiin. Waa ma xishoode aad u indha adag oo isku dayay inuu silsiladihii suugaanta ahaa ee adeerkii Afweyne lagula dagaallamay uu majara-habaabiyo. Sida uu “Deelleydii” iyo Silsiladdii “Hurgumo” uga been sheegay waatii dhalisay inay Gaarriye (IHUN) iyo abwaanno kale reddiyaan.

 

4. Idaajaa waxa lagu haystaa qabyaalad cad oo, innaga oon meel dheerba ka doonin, uu isagoon is ogeyn Hargeysa kaga markhaati kacay. Wuxuu sheegay in Xamar looga soo diray inuu soo ururiyo suugaantii Qawdhan Ducaale iyo tii Faarax Nuur laguna soo maal-geliiyey. Adeerkii Afweyne ayaa derejada la is dhaafiyo laga bartaye, wuxuu Idaajaa qirtay inuu safarkiisaas hadafkiisii ka weeciyey oo uu buug uu Ismaaciil Mire ka qoray Xamar kula noqday.

 

5.   Faqash-ka-hadheenka Idaajaa waxa kale oo ku cad Inuu idaacad, TV, Wargeys ummad oo dhan u dhexeeya uu suugaan reeraysan ka baahiyo. Daaroodnimada iyo Soomalinnimada ayuu si ulakac iyo ogaan ah isugu murgiyaa. Ma aha in isagoo suugaan reer sheegaya misana uu daaddihiyo barnaamijyo magaca Soomaaliyeed oo dhan xambaarsan

 

6.       Waa liid isku daya inuu taariikhda ka sinaysto oo been iyo wax uu ammaamutay runta kaga kaaftooma. 

“Sida naag dhali weydayoo,

Dhabta wiil yar ku haysa,

Waannu kuu dhega beelnee,

Ingiriis dhaladkiisoow,

Halkee kaa dhunkadaa.”

(Taxriifintii Idaajaa)

Erayadaas oo asal ahaan ahaa hees loleeydu ku heesto ayuu taxriifiyey oo shacabka Soomaaliland isku dayaa inuu ku sunto gala-raacnimo iyo xumaan aanay geyin. Waxa uu beelaha Somaliland intooda badan ku sidkaa ingiriiis, iyo gaalo jacayl, mididiidinnimo, halka uu kuwa uu qoysnimada uu magaca ugu samaynayana uu ka dhigo Daraawiish iyo kuwo saancaddaalaha neceb. Buugga uu adeerkii Aadan Carab ka qoray iyo kuwa kale ee uu qortayba waxay muujinayaan dagaalka beelaysan ee uu shacabka Somaliland weligii ku hayey.

 

7.       Waa ninka ugu horreeya kooxaha beenaalaayaasha ah ee ka sinaysta taariikhda Daraawiishta ee halgankii la wada lahaa u rogay wax aanu ahayn oo foolxun. 

8.       Jiidh-nacayb ka joogee, waa nin suugaanyahannada aan la beesha ahayn si dadban u aflagaaddeeya, gabayadooda iyo suugaantoodana dila. Ragga aan la tolka ahayn, haddiiba uu sannadkii mar sheego, gabayadooda iin buu u yeelaa ama wax ay ku iimoobaan ayuu raaciyaa.Waxa tusaale u ah Cumar Xuseen iyo Ismaaciil Axmed oo midna geel ka gabyey, midna adhi oo uu midna gabaygiisii Karaaciin iyo dufan daba dhigay, midna ku sifeeyey Ina Adhi jireed, isagoo malaa sheekadii shukaansiga ahayd ee Canbaro Nuux run mooday.

 

Idaajaa waxan lee yahay colaaddii aad Soomalida aan kula reerka ahayn, siiba shacaabka Somaliland, aad u qabtay shaqayn wayday oo waadigaa arkaya in kuwaad kontonka sano godbinaysay inay weji furan kugu soo dhawaynayaan sidii dad aan xumahaaga dareemin.  Xaqii aad is tidhi dabool 1972kii ee shaydaan ku garansiin waayey wuu dillaacay oo Faarax Nuur buug ayaa dhawaan laga qoray, Qawdhan Ducaalena, insha Allah, mar aan dheerayn buug koobsanaya suugaantiisa waynu arki. Jaalle, waxaad ku caanbaxday xin, xiqdi, xatooyo, wixii dhaqanka suugaanta ku xumaana waad gashay ee mar haddaanad Hargeysa Saamaxaad sidii Yamyam u iman, cuqadda iyo cunfigu xabsi ha kuu noqdeene ku jir inta wedka loo siman yahay kuu imanayo. Waxad tahay nin haystay fursad uu magac iyo maammuus kaga kasban karo Soomaali oo dhan asii hanku la gaabiyey oo kaga kaaftoomay reer iyo deegaan kooban. Dhowr qoys oo reerkaaga ah mooyee, taariikh xun baad ka tagtay oo waxad noqotay ninkii malabka ag yaallay qudhunka kaga maarmay. Xumaha iyo xanuunka sunnaha kuu noqday ee aa daa’imtayna Ilaahay ha kuu siyaadiyo, aamiin.

 

 

VOA – SOMALI

Barnaamij (VOA)

Gabyaa

Daarood

Soomaali

1

Saahid Qamaan

Daarood

2

M.C. Xasan

Daarood

Faarax Nuur

Isaaq

3

Xaaji Cali Majeerteen

Daarood

4

Cabdi Gahayr

Isaaq

6

Yamyam

Daarood

7

Timacadde

Isaaq

8

Aadan Carab

Daarood

Dhoodaan

Daarood

Saahid Qamaan

Daarood

Faarax Nuur

Isaaq

9

M. C. Xasan

Daarood

10

M. C. Xasan & daraawiish

Daarood

Faarax Nuur

Isaaq

11

Ismaaciil Mire

Daarood

12

Cali Mire

Daarood

Xaaji A. Afqalooc

Isaaq

13

Xirsi-baar C. Sibiq

Ma sugna

Cumar Australie

Isaaq

14

Cismaan Keenadiid

Daarood

15

Xaawo

Daarood

Cismaan Keenadiid

Daarood

16

Timacadde

Isaaq

Cadhays Ciise

Daarood

Qaasim

Isaaq

17

Weerar Bulxan

Daarood

18

Weerar Bulxan

Daarood

19

Guuleed Jucfe

Daarood

M. Cali Beenaley

Daarood

20

Guuleed Jucfo

Daarood

Ismaaciil Mire

Daarood

Cismaan Keenadiid

Daarood

21

Xuseen dhiqle

Daarood

22

Faarax X. Sharmaarke

Daarood

23

Faarax X. Sharmaarke

Daarood

24

Samatar Baxnaan

Daarood

Aadan Carab

Daarood

25

Faarax  Kowte

Daarood

Dhoodaan

Daarood

Samatar Baxnaan

Daarood

Raage Ugaas

Daarood

26

Dhoodaan

Daarood

27

Cadhays Ciise

Daarood

[Message clipped]  View entire message

Said Ismail said4ismail@gmail.com

11:06 AM (2 hours ago)

to me

   

Translate message
Turn off for: Somali

 

258 Views

Features

  • Daawo:komishanka Maamul Wanaaga Iyo La Dagaalanka Musuq-maasuqa Oo Burco Ka Bilaabay La Xisaabtanka Masuuliyiinta Laamaha Dawlada Togdheer.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
  • Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
  • Daawo:Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Heerkay Taagan Tahay Nabadgelyada Somaliland Hanjabaadna Udiray Putland.
  • “Dadka Arintaa Wadaa Waa Dad Darojooyina Haysta Kuna Nabadgala ” Xukumada Oo Soo  Saartay Amaro Ay Xal Ugu Raadinayso Xiisada Dagaal Ee Ka Taagan Ceelafweyn.
  • Dagaalkii Ceel-afweyn Oo Waji Cusub Yeeshay + Cabsi Laga Qabo In Uu Mar Kale Dib U Qarxo Iyo Xukuumadda Oo Afka Ka Xidhatay.
  • ” Waxaanu Cadaynaynaa In Habar Yoonis Oo Dhami Dagaalka Ceelafweyn Udhantahay Oo Qaar Ku Dhaawacmeen ” Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale Oo Ujawaabay Boqor Faysal.
  • Dawladda Somaliya Oo Diyaarado Hub Ah Ka Dejisay Madaarka Garoowe Iyo Dalka Hubkaas Ugu Deeqay Farmaajo.
  • Wasiiradda Shaqo-gelinta Iyo Arrimaha Bulshada Oo Bilawday Quudinta Dadka Maskaxda Ka Xanuunsanaya Iyo Derbi Jiifka.
  • Daawo:Mujaahid Aadan Ciise Oo Dhaalilo Ujeediyey Xildhibaano Uu Sheegey Inay Colaad Ka Hurinayaan Berbera,Kana Hadlay Diyaar Garaw La’aan Ka Jirta Xuska 18 May Ee Burco.
  • “Boqorka Waxaa Loo Xidhay Muran Ka Dhaxeeya Kulmiye Dhexdiisa” Gudoomiye Ciro Oo Si Kulul Uga Hadlay Xadhiga Boqor Buurmadaw.
  • Daawo:-Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Muddo Ka Dib Warbaahinta Ka Soo Muuqdey ,Weerarayna Madaxda Maamulka Xamar.
More FEATURES