Isbeddel, Is Arag Kadib W/Q: Nuradin Col-ujoog.
Gebo Gebo News

June 17th, 2018
Isbeddel, Is Arag Kadib W/Q: Nuradin Col-ujoog.

Madaxwayne Farmaajo, waxaa uu ka noqday go’aankiisii uu ku diidanaa magaalgashiga dekedda Berbera oo 19% ay ku leedahay dawladda Itoobiya.

 

Kadib kulankii dhex maray isaga iyo Ra’iisal waraha Itoobiya, waxaa uu ogolaaday in Itoobiya ay sii wadato hawsheeda casriyaynta dekedda, iyada oo xataa aan wax raalli gelin ah laga siin in heshiiska aan waxba laga waydiin.

 

 

War-murtiyeed ay wada jir usoo saareen Abiy Ahmed iyo Farmaajo, waxaa lagu sheegay in 4-dekedood oo aan la magac dhebin ay Itoobiya maal-gelindoonto.

 

Lama hubo in dekedahaasi ay saddex yihiin oo midda Berbera ay afar ku tahay iyo in ay yihiin afar kale oo Soomaaliya ku yaalla.

 

Itoobiya, waxa ay u muuqataa waddan aan awoodin in uu maalgeliyo dekedo shisheeye oo tiradaas ah, marka loo eego xaaladda dhaqaale ee xilligan ay ku jirto.

 

Xukuumadda Abiy Ahmad, waxa ay laba maalmood ka hor Imaaraadka Carabta ka heshay 4 billion oo caawimo ah, si ay ugu maalgelinayso kaaba yaasheeda dhaqaalaha, kadib markii ay istaagtay lacagtii adkayd ee ka soo gelaysay dhinaca dalxiiska, saddex sano oo degenaansho la’aan ah dartood.

 

Sikastaba ha ahaatee, qodobkan 4-dekedood, waxaa loo fahmi karaa madax-buuxin diplomaasiyadeed oo Soomaaliya looga raalli gelinayo in talo aan laga waydiin heshiiskaa saddex geesood ka ah ee lagu maalgelinayo marsada Berbera.

 

W/Q: Nuradin Col-ujoog

151 Views




Features

  • Sidee Ayay Dalalka ula Dhaqmaan Dadka Ka Soo Goosta Daacish?
  • Daawo:Badhasaabka Gobalka Maroodijeex Oo Maanta  Hargeysa Ka Ambabixiyay 431 Arday Ee Ku Guulaystay Barnamijka  Shaqo Qaran.
  • Daawo:Xukuumada Somaliland Oo Si Adag Ugu Jawaabtay Hadlo ka Soo yeedhay Madaxwaynaha Maamul Gobaleedka Puntilnad.
  • Daawo:Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Socod Lug Ah Kaga Baxay Madaxtooyada Somaliland +Halka Uu Ku Sii Jeedo
  • Shaqaalihii Dawladda Oo Mushaharkii Laga Handaraabay Iyo Xukuumadda Oo Tahlikari weydey Bixinta  Mushaharaadkii.
  • Saddex Shuruudood Oo Dawlada Kenya Ku Xidhay Soo Celinta Xidhiidhka Soomaaliya
  • Daawo “Udul Qaadan Mayno Inay Caayan Madaxweyaheena Muuse Biixi   Kurayda Yar Yar Ee Beenta Iyo Cayda Lagusoo Dalacsiiyay Ee Xibiga Wadani
  • Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Xoggo ku Saabsan In Dawladda Ruushku Saldhig Millatari Ka Samaysanayso Xeebaha Somaliland.
  • Daawo:Gudoomiyaha Degmada Qoryaale Oo Ka Hadlay Xaalad Biyo La’aaned Oo Ka Jirta Degmadaasi.
  • Daawo:Maamulka Gobolka Togdheer Oo Magaalada BURCO Ka Ambabixiyey Ardayda Ku Guulaysatay Barnaamijka Shaqo Qaran.
  • Daawo:Ex Madaxweyne Silaanyo Oo Maanta Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Dalka.
  • Somaliland Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Somaliya.
  • Xaaladda Ay Ku Sugan Yihiin 4 Kamid Ah Maal-Qabeenadii Sucudiga Ahaa Ee Loo Xidhay Musuq Maasuqa.
  • Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Oo Ka Digay Ku Xad Gudubka Xoriyatul-qawlka.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
More FEATURES