Xeerkii Doorashadda Ee Madaxweynuhu Soo Gudbiyay, Labadii Qodob Ee Uu ku Daray Waa Xuquuq Dastuuri Ah Ummadda markay ku baahdo.
Gebo Gebo News

June 17th, 2018
Xeerkii Doorashadda Ee Madaxweynuhu Soo Gudbiyay, Labadii Qodob Ee Uu ku Daray Waa Xuquuq Dastuuri Ah Ummadda markay ku baahdo.

Xeerkii doorashadda ee madaxweynuhu soo gudbiyay, labadii qodob ee uu ku daray waa xuquuq Dastuuri ah. Xildhibaanada labada gole maaha dad kuliyadaha sharciga kasoo baxay, qodobbada distoorka ee xuquuqda ku suntana aqoon uma laha fasirkooda.

 

 

 

Madaxweynuhu waxuu ku daray xeerkii doorashada laba qodob oo odhanaya, in haweenka iyo beelaha gabooye ay golaha baarlamanka ku yeeshaan saami ah 20% (boqolkiiba labaatan). Waa arrin sax ah, dastuuri ah, xuquuqda muwaadiniintana sugaya.

 

 

Gurigu waa asaaska ummadda. Baahiyaha kala duwan ee hooyada, haweenka iyo ubadka waxaa og haweenka iyagaana meel marin kara haddii ay ka muuqdaan golaha baarlamaanka, ee talada dalku kasoo baxdo. Haddase way adagtay sidii horumar

 

 

 

loo gaadhsiin lahaa, mar haddaan cid ogi ku jirin baarlamanka iyo cid ay dhibayaa.
Ummadda markay ku baahdo aqoondarro badani waxay iska hor iyo daba jeediyaan sharciga iyo hannaanka dawladeed. Qofkastaana waxuu arrinka u dhigaa sida uu is yidhaa danbaa kuugu jirta, ama aragti uu dad kale ka maqlay. Waanay yartay inta qofku si xor ah u fikiro. Haddaynu tusaale usoo qaadano sida awoodda dawladdu u qaybsantay dhismahooda, iyo shaqada mid walba leedahay xukuumadda, maxkamadaha, iyo xeerdejinta.

 

 

 

Xukuumadda oo madaxweynuhu hoggaamiyo waxay hagaan siyaasadda dalka lagu dhaqo. Maxkamaduhuna waxay wakiil ka yihiin dastuurka, iyagaana qodobbada dastuurka fasira.

 

 

 

Qodobbada dastuurku si guud ayay u qoran yihiin, sida ay u hawlgalayaana waxaa fasirkiisa bixiya guddoomiyaha maxkamadda iyo golahiisa.

Xildhibaanada Labada gole ee xeer dejintu maaha dad garanaya waxa shaqadoodu tahay. Markaad isu wada gayso, toban xildhibaan ma gaadhayaan inta sharci yaqaan ahi.

Xeerarka baarlamanka la horgeeyaa markay xuquuq muwaadin ka hadlayaan, waxaa xaaraan ah inay yidhaahdaan qofkaasi xuquuqda distooriga ah ee uu leeyahay dastuurka ayaa ka hortaagan. Dastuurku markuu muwaadinka xuquuqdiisa ku sugo qodob, waxaa baarlamanka laga rabaa inay keenaan fasirkii usuura gelinayay inuu xuquuqdaa helo. Maskaxdoodu ma garato inay qodob dastuurka ah oo xuquuqda muwaadinka sugaya ay beddeli karaan, ama fasirkiisa ay ballaadhin karaan.

 

 

 

Golaha Guurtidu waxuu noqday ninkii intuu isqaawiyay salaadda xidhay. Erayga Guurti macnihii uu lahaa, iyo Golaha Guurtida wixii loo asaasay midna kama muuqdo siday u shaqeeyaan. Golaha Guurtidu sharciga ma sameeyaan, manaaha shaqadooda inay ka doodaan sharciyada xeerka loo keeno ee golaha baarlamanka ka soo gudba. Waxa qudha ee ay iyagu ka eegayaan waa danta ummadda waxma u tarayaa arrinkaasi. Baarlamanka ayay waajibkiisa tahay inuu hubiyo inuu shareecada islaamka waafaqsanyahay.

 

 

 

Markaynu soo qaadano doorashada, qodob Dastuurka ka mid ah ayaa jidaynaya, in muwaadinku xaq u leeyahay in la doorto, iyo inuu wax doorto.

Qodobkaa Xeerka doorashada fasirkiisa ayaa sheegaya sida qofku wax u dooran karo, iyo sida loo dooran karo, iyo waddada uu u marayo. Waxaynu fasirkii ka dhignay inuu degmo iska soo sharaxo, qofkii degmadaa ka tirsanina uu xaq u leeyahay inuu doorto musharaxaas.

Waxaynu nidhi dadka codkoodu ma kala miisaan badna, waxaa kaloo aynu nidhi waa in la raacaa hab dimuqraadi ah, oo dhigaya in qofku isagoo xor ah uu codkiisa siin karo musharax. Taas ayaa ah doorasho xora, oo xalaala.

Markaynu halkaa marayno dimuqraadiyaddii iyo caddaaladdii waxay jideeyeen qabyaaladdii oo xaaraan iyo dembi aynu ku tilmaanay. Degmo kasta waxaa deggen reer gaara, waxaynu degmo kasta u sharciyaynay kuraasi ugaara, waxaana kasoo bixi kara murashax qabiilkaa ka tirsan oo qudha.

Miyaanay kooto sharciyaysan ahayn.

Fasirkii qodobka doorashadu waxuu u sharciyeeyay xildhibaankaas inuu qabyaalad kusoo baxo, reerna magacooda ku fadhiyo golaha.

 

 

 

Beelaha gabooye degmooyinka dalka oo dhan ayay ku filiqsanyihiin, haddii fasirka xeerka doorasha lagu dari lahaa in murashaxa aan reerkoodu degmo gaara deggenayn loo oggolaado inuu saddex degmo sanduuqa gaysto si uu codka qabiilkiisa u wada helo, markaana laysugu daro codadkaa uu kasoo helay saddexda degmo. Way soo bixi lahaayeen.

 

 

 

Mar haddaynu nidhi degmo qudha ayuu ruuxu iska sharixi karaa, qofkuna codka qabiilkiisa mooyee aanu cid kale cod ka helaynin. Waxaa dembi laga galay xuquuqdii iyo jidkii uu kusoo bixi lahaa murashaxa beelaha gabooye.

 

 

 

Waxaa kale oo dembi laga galay haweenka, oo ruuxa aan wanaag iyo hawlkarnimo lagu dooranayn, laakiin qabiilka uu ku abtirsadaa codkooda siinayaan. Haweenku degmo qabiilo iska leedahay, oo raggii u dhashay iska sharaxayaan cod kama heli karaan.

 

 

 

Xildhibaanada doorashada soo baxa ee baarlamanka soo galaa way siman yihiin markay golaha fadhiyaan.

Degmooyinka qaar waxuu xildhibaanku kusoo baxaa 1000 (kun cod), degmo kale waxuu kusoo baxaa 4000(afar kun cod), halka degmooyinka qaar uu soo bixi kari waayo musharax helay 2000(laba kun cod).

Waxaa halkaa cad in la oggolyahay kootada codaynta, oo xildhibaanadu kusoo baxayaan codad aan isu dhawayn, markay xildhibaan noqdaanse aysan wax awood ah is dheerayn.

Xuquuqda Dastuuriga ah qodobka kuu oggolaaday, waxaad xaq u leedahay in laguu sameeyo jidkaad u mari lahayd, oo fasirka lagu caddeeyo, haddiise aanay suuragal ahayn in murashaxa gabooye codka reerkooda si uu u helo, loo oggolaado in uu sanduuqa geysto saddex magaalo si ay codkooda usiiyaan.

Waxuu xaq u yeelanayaa in kooto sharci ah uu helo.

Codayntii oo qabyaalad ah, qabyaaladdiina aynu nidhi waa xaaraan waana dembi. Dimuqraadiyaddii oo xalaal ka dhigtay codkii qabyaaladda lagu bixinayay.

Dad baa jira, aqoontoodu aad u gaabantay oo ku dooda haweenku uma bisla inay baarlamanka galaan.

Kuwa sidaa ku doodayaa waxay kuu sawirayaan in laga hadlaayo haweenka Somaliland, iyagoo ka hadlaaya 18 haween ah oo baarlamanka ka mid noqonaysa. Ruuxaasi miyaanu isweyddiinin inta haween ah ee ay ugu mudantahay Marwo Adna Aadan, oo ilaa da’daa ay maanta joogto waxay dalka u qabatay. Taas oo aanu jirin mid ka mida kuwa aynu raga ku sheegno oo tacab intaa leeg ummadda geliyay.

Waxay dood ka dhigayaan carruurta iyo guryaha ayay dayacayaan, waxaad moodda inaanu ka hadlaynin 18 haween ah, ee uu u dhigayo haweenka Somaliland jooga oo dhammi ay baarlamanka galayaan.

Waxaa ka maqan in haweenka Somaliland 60% ay ubadkooda u shaqeeyaan, oo subaxii guriga intay ka baxaan bacadka la fadhiistaan tamaandho iyo shaax, iyo waxaan dhaamin, oo ay makhribkii guriga kusoo noqdaan, oo ubadkii ay guriga kaga tageena ay ka warhayaan.

Ninkaasi waxuu malaha ka fakarayay in kuraasida ay fadhiisanayaan 18 haween ah oo qaranka xaq ku lihii ay qabiiladiia cidhiidhi galinayaan. Wax kale oo aan ku sifeeyo waan garanwaayay.

Kuwa aynu aqoonta bidaynaa markay sidaa u fakaran, miyaynaan ahayn ummad aaayo beeshay.

Labadan gole ee caamada iyo wax magaratada u badani, haddaanay xeerarka xuquuqda muwaadiniinta ilaalinaya fasirkooda keeni karaynin ama garaadkooda furdaamin karaynin, waa in meesha laga dareeriyaa. Waxaa iman lahaa kuwa iyaga dhaamo

 

 

 

Eng. Youssuf Ahmed

jicsin@hotmail.com

London U. K.

74 Views

Features

  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
  • Qalbi Dhagax Oo Loo Qorsheeyey In Shirqool Lagu Dilo + Cidda Qorsheysay Iyo Qaabka Uu Uga Badbaaday.
  • Daawo:Ex Wasiir Cali Mareexan Oo Sikulul Ugu Jawaaabay Eedaymo Musuq-maasuq Oo Loo Soo Jeediyey.
  • “Ka Daalimayno Raadinta Xaquuqda Burco” Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Burco Oo Maayir Muraad Ku Taageeray Hadaladii Uu Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
  • Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
  • Daawo:Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Heerkay Taagan Tahay Nabadgelyada Somaliland Hanjabaadna Udiray Putland.
  • “Dadka Arintaa Wadaa Waa Dad Darojooyina Haysta Kuna Nabadgala ” Xukumada Oo Soo  Saartay Amaro Ay Xal Ugu Raadinayso Xiisada Dagaal Ee Ka Taagan Ceelafweyn.
  • Dagaalkii Ceel-afweyn Oo Waji Cusub Yeeshay + Cabsi Laga Qabo In Uu Mar Kale Dib U Qarxo Iyo Xukuumadda Oo Afka Ka Xidhatay.
More FEATURES