Isma Doorin Daalinkaynu Dirniyo Dawaca Qabsaday !
Gebo Gebo News

June 20th, 2018
Isma Doorin Daalinkaynu Dirniyo Dawaca Qabsaday !

Wali Gumucu Meel Baydhsanbuu Gawda Ku Hayaa !
Xibiga kulmiye doorashadii wuu ku guulaystay laakiin sida aynu arkayno ma jirin hadaf cad ama hiigsi aan ahayn in muuse madaxweyne noqdo oo kaliya, sida muuqata ma jirin qorshe horumarineed oo dalka gobol degmo iyo tuulo toona loogu talo galay, dalka caasimadiisu waa hargeisa dalkoo dhamina siduu yahay ahaana jiray ama iminkaba yahay waa hargeisa walina hilinkii hore lagama leexan sababtuna waynu garanaynaa kana wada dharagsanahay !

Miisaaniyada la odoroso ee laynoo soo bandhiga marka indho caafimaad qaba lagu eego way ka badantahay lacagta dalka gasha sifo kasta ha ku gashee hadaanay ahayn dabin ay dawladu sanad walba isu maleegto !

Wasaaradaha laamahooda gobaladu waa fadhiid mana aha goobo shaqo shaqsiyaadka ka musuulka ahina waa magac u yaal ku mushahar qaata xilka uu hayo adeeg ka hirgala oo ay fuliyaana haba yaraatee ma jiro wax kasta ood u baahato waa inaad hargeisa ka soo dhamaystaa adoo waliba ku niyad san !

Bulshadu kuma baraarugsana waxa ka maqan iyo waxa ay xaqa u leeyihiin midna oo sidanaa sax u ah oo kaabayaasha iyo adeegyada ka maqan midna hore umay arag isagoo shaqaynaya inay u baahanyihiin way danisanyihiin laakiin baahida ah inay shaqayso xarunkastaa ma oga faa’idada ay leedahay !
Sabaalada iyo niyad samida ay umadu ku nooshay maaha mid ay ka gudbaan ee waa waxay la mid tahay giraan wareegsan oon af laga baxo lahayn laguma dul soconaayo laysma gaadho laysmana dhaafo lama kala dheereeyo lagamana dhaco giraantaa !

Wali maynaan arag baraarujin iyo wacyi galin umada loogu tilmaamaayo jihada saxda ah iyo taaba galinta waxa ay tabayaan iyo hilinka toosan Idaacadaha TV yada iyo madaxduba yagaa isku mashquulsan oo midiba midbuu booska ka riixanayaa dantii guudna mid gaar ahaaneedba ka fulin iyo feejignaanba badatay

Hashu Maankayga Gadaye Ma Maasaarbay Liqday ?

Safwaan Sacad Ahmed
Email:Safwaan112@gmail.com
Stockholm Sweden

68 Views

Features

  • Daawo:komishanka Maamul Wanaaga Iyo La Dagaalanka Musuq-maasuqa Oo Burco Ka Bilaabay La Xisaabtanka Masuuliyiinta Laamaha Dawlada Togdheer.
  • Daawo:Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Deeq Xoola Udiray Ergada Ceel-Afweyn Ugu Sugan Nabadaynta.
  • Nuxurka Qodobada Lagaga Wada Hadlay Kulan Dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Burco.
  • Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabtay Warqadii Dacwada Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
  • Shirkadda Dahabshiil Oo Iska Fogaysay Eedaynta La Xidhiidha Inay Ku Lug Leedahay Dagaalka Tuke-raq Ee Udhaxeeya Somaliland Iyo Puntland.
  • Daawo:Deeq Lacageed Oo La Gaadhsiiyey Qoys Danyara Oo La Nool Xanuunada HIV Aids-ka Iyo Dhimirka.
  • Masuuliyiin Xilal Ka Haya Xukuumada Somaliland Oo Muujiyey Doorka Ay Ku Leeyihiin Xiisada Ka Taagan Ceel-Afweyn Kana Soo Muuqday Madal Dabka Loogu Sii Shidaayey Xiisadaasi.
  • Daawo:Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Heerkay Taagan Tahay Nabadgelyada Somaliland Hanjabaadna Udiray Putland.
  • “Dadka Arintaa Wadaa Waa Dad Darojooyina Haysta Kuna Nabadgala ” Xukumada Oo Soo  Saartay Amaro Ay Xal Ugu Raadinayso Xiisada Dagaal Ee Ka Taagan Ceelafweyn.
  • Dagaalkii Ceel-afweyn Oo Waji Cusub Yeeshay + Cabsi Laga Qabo In Uu Mar Kale Dib U Qarxo Iyo Xukuumadda Oo Afka Ka Xidhatay.
  • ” Waxaanu Cadaynaynaa In Habar Yoonis Oo Dhami Dagaalka Ceelafweyn Udhantahay Oo Qaar Ku Dhaawacmeen ” Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale Oo Ujawaabay Boqor Faysal.
  • Dawladda Somaliya Oo Diyaarado Hub Ah Ka Dejisay Madaarka Garoowe Iyo Dalka Hubkaas Ugu Deeqay Farmaajo.
  • Wasiiradda Shaqo-gelinta Iyo Arrimaha Bulshada Oo Bilawday Quudinta Dadka Maskaxda Ka Xanuunsanaya Iyo Derbi Jiifka.
  • Daawo:Mujaahid Aadan Ciise Oo Dhaalilo Ujeediyey Xildhibaano Uu Sheegey Inay Colaad Ka Hurinayaan Berbera,Kana Hadlay Diyaar Garaw La’aan Ka Jirta Xuska 18 May Ee Burco.
  • “Boqorka Waxaa Loo Xidhay Muran Ka Dhaxeeya Kulmiye Dhexdiisa” Gudoomiye Ciro Oo Si Kulul Uga Hadlay Xadhiga Boqor Buurmadaw.
  • Daawo:-Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Muddo Ka Dib Warbaahinta Ka Soo Muuqdey ,Weerarayna Madaxda Maamulka Xamar.
More FEATURES